Habab Ay Dawladdu Ku Abuuri Karto Shaqooyin Badan

Feb 12, 2024 by somalijobs inc

Habab Ay Dawladdu Ku Abuuri Karto Shaqooyin Badan

Shaqo yaraantu waa ilaha mushkiladaha umad walba haysta.  Heerka shaqo la'aanta dadkeena waxaad ka qiyaasi kartaa tirada codsade ama tartame ee u loolamaya ku guuleysiga boos ama boosas la buuxiyey, Waxa 100% badan tirada codsadayaasha.

1. Kobcinta Dhaqaalaha:

- Maaligelinta Kaabayaasha dhaqaalaha: Dhisidda danta guud sida waddooyinka, biriishyada, tamarta cadceedda. Mashaariicdaasi waxay abuurayaan jawi shaqo abuur iyo maalgashida dalka.

-Cashuur  Dhaaf: Ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhexe ayaa ah kuwa sameeya shaqo abuurka ugu  badan wadamada horumaray iyo kuwa kobcaya. Badi ganacsiyadaasi waxay dhiirigelin cashuur dhaaf iyo maalgelin ka helaan dawladdaha. Taas beddelkeeda waxay cashuurtii xaqa loogu lahaa ka qaadaan ganacsiyada waaweyn ee laga yaabo inay cashuurta ugu yar bixiyaan dalkeena.

- Heshiisyo Ganacsi: Kala xaajoodka adduunyada  fududaynta u dhoofinta waxsoosaarka dalkeena, dalalka caalamka iyo dhiirigelinta maalgashiga caalamiga ah.

-Kaalmeynta Ganacsiyada yar-yar: Hawlgalinta siyaasaddaha iyo barnaamijyada lagu taageerayo ganacsiyga yar-yar ee abuuraya shaqooyin cusub.

2. Maalgelinta Waxbarashada iyo Tababarada:

- Horumarinta xirfaddaha: In diiradda la saaro farsamada casriga ah iyo horumarinta  xirfaddaha looga baahanyahay suuqa shaqada.

-Waxbarashada STFX: Dhiirigelinta waxbarashada sayniska, tiknoolajiyadda, farsamo-yaqaanka (Engineering) iyo xisaabaadka si dhallinyarada loogu diyaariyo suuqa shaqada ee mustaqbalka.

-Carbis shaqo: Diyaarinta siyaasad  lagu tababarayo dhallinyarada kasoo qalin bedelata jaamacaddaha waddanka si ay u helaan xirfad iyo khibrad ay ku qabsadaan sallaanka shaqada.

- Dhiirigelinta waxbarashada joogtada ah: Maalgelinta iyo sameynta mashaariic dhiirigelinaya waxbarashada joogtada ah ee nololeed. Sida rugta kutubta, madalaha gorfaynta arrimaha bulshada, akhriska iyo qoraalka...

3. Dhiirigelinta ikhtiraaca iyo hal-abuurayaasha:

- Dhisidda xarumaha cilmi baadhista iyo horumarinta: Maalgelinta cilmibaadhista tiknoolajiyadda, caafimaadka iyo tamartu waxay dhiirigelinayaa ikhtiraaca iyo shaqo abuurka mustaqbalka.

- Maalgelinta xarumaha maalgelinta iyo dhiirigelinta ganacsiyga curdinka ah: Si ay ugu kaabaan ganacsatada ku cusub sayladda ganacsiyada yar-yar xirfaddaha iyo latalinta ay u baahanyihiin si ay uga faa'ideystaan fursaddaha ganacsi ee xalka u hayaan.

-Hanti maskaxeedka: Curinta siyaasaddo anshax marin leh oo ku aadan sugidda hanti maskaxeedka muwaadiniinta wakhti badan geliyey inay u fikiraan dadkooda iyo dalkooda. Furista iyo dhagaysiga dacwadaha hal-abuureyaasha si loo dhowro xuquuqda xaqlaha.

4. Muujinta caqabadaha suuqa shaqada:

- Mushaharka Ugu yar: Xadeynta mushaharka ugu yar ee muwaadinku ku shaqeyn karo.

-Xal u helidda farqiga xirfaddaha: Islahaansho la'aanta xirfaddaha suuqa shaqada looga baahanyahay iyo aqoonta taala goobaha waxbarasha FARQI weynbaa u dhexeeya. Taasi waxay dhiirigelinaysaa inay fursaddaha helaan ajaanib wadamadooda ku bartay farsamooyinka looga baahanyahay suuqeena shaqada.

5. Wadashaqeynta ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Maadaamoonay kala maarmayn ganacsiyada iyo dawladnimadu waa muhiim xoojinta wadashaqeynta labadaa waaxood.

- Iskaashiga: Kawada shaqeynta kaabayaasha dhaqaalaha, carbiska shaqodoonka iyo dedaalada lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

-Xog iyo siyaasaddo: Diyaarinta xogta maalgashi ee wadanka si maalgashadayaasha muwaadiniintuba u abuuraan mashaariic baahi weyn looqabo oo dadka iyo dalkuba ka faa'ideystaan. Si looga baxo kudayashada indhaha la' ee kolba mashaariic iskumida lagu yaacayo sida Huteellada, tukaamada dharka iyo maqaaxiyaha.

-Yaraynta caqabadaha: In dawladdu ka kor qaado ama ka khafiifiso cashuuraadka sharikaadka yar yar iyo kuwa dhexe ee shaqo abuurka ugu badan sameynaya, taas bedelkeeda laga qaado ganacsatada waaweyn cashuurta saxda ah ee xaq loogu leeyahay. In la abuuro ilo kale oo cashuur ama ganaaxyo laga helo sida ganaaxyada  gaadiidka, wadooyinka iyo liisamada, Maalgelinta dalxiiska oo dakhli badan laga heli karo.  Sidoo kale midda ugu muhiimsan ee ah maalgashiga tiknoolajiyadda casriga ah waxay kor u qaadaysaa nolosha shaqaalaha oo hoggaaminaysa koboca ganacsiyada iyo dhaqaalaha wadanka

6. Maalgelinta

- In la yareeyo shuruudaha maalgelinta ganacsiga

- In dawladdu maalgeliso ganacsiyada  yar-yar iyo dhexe ee mustaqbalka fiican leh si ay saami ugu yeelato.

-In la kor loo aqoonta iyo xirfaddaha maamulka iyo maareynta ganacsiga iyo dhaqaalaha.

-In la abuuro jawi aaminaad iyo is afgarad dhinacyada maalgashiga.

-In dawladdu sugto xogta muwaadiniinnta rasmiga ah oo ay yeeshaan meel loo raaco, si ay u fududaato maalgelintu.

- Bixinta kabka CARBISKA Shaqo ee dhallinyarada sannadwalba.

- Dhiirigelinta balaadhinta ganacsiyada iyo taageeridda maalgelinta ay u baahanyihiin.

- Hoos u dhigista caqabadaha hortaagan koboca iyo hormarsameynta ganacsiyada shaqo abuurka ugu badan sameynaya.

 

Qodobadaas iyo qodobo badan oo kali waxay  sahli karayaan in dawladda iyo ganacsiyaduba shaqo abuur badan sameyn karaan haddii qorshe hag fiican iyo dedaalba la sameeyo idamka Alle.

 Guuleyso!    

 

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.   

--------------------------------------------------   

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)   

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164