Oct 29, 2022 by
Waa mid kamid ah luqaddaha lagaga hadlo dunida maanta. Luqadda ganacsiga, waxbarashada, shaqooyinka iyo medaadaallada. Luqaddu waxay kamid noqotay aasaasiyaadka shaqo ee waddankeena la iskaga baahanyahay. Halkan waxaynu kusoo bandhigi doonnaa 10 hab oo aad ku horumarin karto luqaddaada ingiriisiga
1. Dhis Ereyadaada
Shay walbaa hal talaabo ayuu ku bilaabmaa. Maalin kasta talaabo u qaad horumarinta ereyadda luqadda ingiriisiga oo baro 10 ilaa 20 erey oo cusub, ku celceli ilaa ay degayso qaybta xifdiga ee maskaxdada.
- Bilow akhriska buugaaga, wararka iyo maqaallada ingiriisiga ah oo hoosta ka xariiqo ereyada kugu cusub, ka eeg qaamuuska ingiriisiga sida Merriam-Webster oo kale (Ha isticmaalin turjumaan [translation])
- Dooro 5, 10 amma 20 ereyo cusub maalin kasta si aad u barato.
- Qor ereyada iyo macnehooda oo ingiriisi ah 5 - 10 jeer
- Todobaadka dhammaadkiisa ku noqo oo dib adeegso
Maalin kasta 30 daqiiqo ayey kaa qaadan kartaa waana habka ugu muhiimsan ee aad u horumarin karto kaydkaaga luqadda ingiriisiga.
2. Ku hadal ingiriisi
Ku hadalka ingiriisiga si maalinle ahi waxay kaa caawinaysaa barashada luqadda iyo kor u kaca kalsooniddaada marka aad ku hadlayso. Maskaxda ku hay in kalsooniddu tahay furaha aqbalaadda iyo isku dayga ee barashada luqadda xataa haddii aad taqaano inyar oo kooban kor u dhawaaq, dadka kula hadal inta aad awooddo iyo naftaadaba.
3. Adeegso Codeeyayaasha si aad u saxato Dhawaqa ereyada.
Ku darso hababka barashada luqadda dhagaysiga dhawaqa ereyada. Waa mid kale oo kamida qodobada kor u qaadaya kalsooniddaada marka aad sifiican u saxayso dhawaqa ereyga.
4. Dhagaysi habboon
Tixgelin gaar ah sii dhagaysiga ingiriisiga meel walba oo aad joogto. Dhagayso wararka, khudbaddaha, barnaamijyada iyo warbixinnada kubaxaya luqadda ingiriisiga si korodh ugu yimaado kaydka ereyada, halqabsiyada, sarbeebaha iyo jumladdahaagaba. Awood saaridda dhagaysi kaliya waa mid aad ka dhaxli karto barashada xirfadda wada xidhiidhka ee luqadda aad baranayso.
5. Akhri oo ku dhawaaq
Badanaa akhri oo kor ugu dhawaaq ereyada ku qoran buugga, warka ama maqaalka aad akhriyeyso. Waxa aad xidhiidh la sameynaysa dhacdada ay soo tebinayaan ereyada hortaada ku qorani. Waxa aad 25% caawinaysaa koru kaca awoodda dhismaha ereyadaada, ku hadalkaaga, dhagaysigaaga iyo qoraalkaagaba.
6. Kula tababaro Asxaabtaada
Curi ama sameyso hab aad kula tababarato akhyaartaada ereyada, sarbeebaha iyo hal-qabsiyada cusub ee aad baratay. Kuwa sheekaysiga luqadda ingiriisiga wakhtiyada aad asxaabtaada la joogtaa waxay ka qayb qaadanaysaa kobocaaga.
Bay’addiina (Kulannadiina) u beddela goob lagu wada shaaho, lagu wada sheekaysto laguna wada xidhiidho luqadda ingiriisiga.
7. Ereyada isku macnaha ah: Adeegso qaamuus:
Adeegso kaydka qaamuusyada mareegaha casriga ah (Websites) si aad u korodhsato ereyada aad taqaan ereyo kale oo la micno ah si aad u adeegsato. Diyaarso kayd qoraaleedkaaga ama buug aad ku qorato ereyada si aad u xoojiso luqaddaada ingiriisiga.
Ereyadaa waxa ka mid ah:
Example word: Beautiful
Synonyms: Gorgeous, stunning, striking
8. Daawo Barnaamijyada, Wararka, Filin Kartoonka iyo bandhigyada telafiishanka
Maqalka iyo muuqaalku waa hababka ugu mudan ee kaa caawin kara korukaca xirfaddahaaga luqadda ingiriisiga. Waa iswaafajin ereyga aad maqlayso iyo taswiirta amma sawirka, dhawaqa, codka iyo isku xidhka ereyada shaygaasi leeyahay.
9. Wax qor:
Fikir oo qor si aad ugu sugto ereyada aad baratay qaybta xasuustaada fog. Dedaalka aad ku bixiso ku qorista qoraal ereyo adigu aad leedahay (Ku cabirto) waxa uu 25% ka yahay dedaalkaaga horumarineed ee xirfaddaha luqadda.
10. Qorshe dejiso:
Qorshaynta iyo dejinta muddo aad hawl bilowdo, hawlqabad ilaa iyo dhameystirka hawshaasi waa mid keeni karta midho dhal yididiilo leh.
Tus,
Maalinkasta waxaan wakhti dhan 1 saac (60 Daqiiqo) ku bixinayaa horumarinta luqaddayda ingiriisiga
60/4= 15
60 Daqiiqo
4 : 1. Reading, 2.Writing, 3. Speaking & 4. Listening
Maalinkasta in aad 60 daqiiqo ku bixiso horumarinta luqaddaadu waxay kuu keeni kartaa isbeddel weyn oo horumarineed. Adiguna dejiso qorshe noocaas oo kale ah.
Tixraac
BBC English Learning
ESL Directory
TalktoEnglish
Guuleyso
Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ogolaansho ah la xidhiidh [email protected]
Tixgelin
---------------------------------------------------
NAGUSOO BIIR --- SOMALI JOBS
Tiktok: https://www.tiktok.com/@somalijobsinc
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCterdvGtdVbUNKQiZFCLenw
Telegram: https://t.me/somalijobsinc
Linkedin: https://www.linkedin.com/company/somali-jobs/
Facebook: https://www.facebook.com/somalijobs
Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somalijobs
Twitter: https://twitter.com/somalijobs
Instagram: https://www.instagram.com/somalijobs/
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
---------------------------------------------------------