Daacadnimada!

Haddi aanad daacad ahayn, ha daalin naftaada. - Ibn Qayim

Daacadnimo waa sifo muhiim ah oo qofka ka dhigta mid lagu kalsoonaan karo, run sheegta, oo leh anshax iyo ixtiraam sare. Waxay ka mid tahay akhlaaqda wanaagsan ee bulshada laga filayo. Dadka daacadda ah waxaa lagu yaqaan in aanay been sheegin, heshiisyada ilaaliyaan, una dhaqmaan si waafaqsan qiyamka iyo mabda’a wanaagsan.

Daacadnimo waxay kaloo ka dhigtaa qofka inuu noqdo mid saaxiibtinimo iyo xiriir wanaagsan la yeesha dadka kale, sababtoo ah dadka ayaa aaminaya waxayna ka helayaan waxyaabo wanaagsan oo laga sugo. Sidoo kale, daacadnimo waxay door muhiim ah ka ciyaartaa horumarinta xirfadaha iyo hogaaminta wanaagsan.

Suubanneheena (NNKH) wuxuu ahaa tusaale ugu wanaagsan ee daacadnimada. Xadiisyada Nebiga waxay tilmaamayaan in daacadnimadu ay tahay sifo muhiim ah oo ay tahay in qof kasta oo Muslim ah uu lahaado:

Waxaa ku sugan Saheeh Al-Bukhari iyo Muslim xadiis, Nebiga (NNKH) laga wariyay inuu yiri: "Calaamadaha munaafiqiinta waa saddex: Markuu hadlayo, been buu sheegayaa; markuu ballan qaadana, wuu jebinayaa; markii la aamino, wuu khiyaamayaa." Xadiiskan wuxuu si cad u tilmaamayaa sida daacadnimada ay muhiim u tahay.

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱسْتَجِيبُوا۟ لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمْ لِمَا يُحْيِيكُمْ ۖ وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ يَحُولُ بَيْنَ ٱلْمَرْءِ وَقَلْبِهِۦ وَأَنَّهُۥٓ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ ٢٤

Kuwa Ilaahay iyo Rasuulkaba SCW rumeeyayow. Ajiiba Ilaahay iyo Rasuulkiisa markay idiinku baaqayaan waxaad kunoolaataan (Waxyiga,shareecada iyo diintuba Waa nolol. Waa waxaad kukala soconaysaan) waxaad ogaataa inuu Ilaahay kala hortaaganyahay oo uu u dhexeeyo (Maamulka Ilaahaybaa qaalib ku ah) Sha’niye, Ilaahay xagiisa uunbaa la idiin soo uruurinayaa.

 

Daacadnimadu waa sifada dadka wanaagsan ee Ilaahay iyo khalqigiisuba jecelyihiin. Waa arrimaha lagu galo jannada oo lagaga badbaado naarta.

1. Addoon daacad ah noqo

Sabab la'aan iyo dheel dheel laguuma abuurin. Ilaahay wuxuu innoo abuuray inaynu caabudno. Haddii aad uga cabsato Ilaahay sida isagoo ku arkaya (haddii aanad arkay isagaa ku arkaya'e) derejo ayuu Ilaahay kor kuuqaadayaa, arrimahaaga oo dhamina sifududbay kuugu dhammanayaan. Daarta danbena Ilaahay idamkii abaalkaagu waa janno'e daacad ka noqo ficillada iyo wanaagyada Ilaahay kuu dhaweynaya.

2.Naftaada daacad u noqon

Kula dedaal wanaaga, samaha, khayrka, waxqabsiga, fikirka wanaagsan iyo arrimaha sare u qaadaya qofnimadaada iyo jiritaankaaga.

2. Masuuliyaddahaaga

Nin xilqaaday, eedqaad bay Soomaalidu tidhaahdaa. Marba haddii aad masuuliyad cidkale leedahay ama looqabanayo aad xilkeega qaaday. Daacad noqo ilaa inta aad ka wareejinayso hawsha madaxaaga saaran. Midheheeda adduunkana waad ku arki, aakhirona derejooyinbay kor kuuqaadaysaa daacadnimadu.

3. Dadka kugu xeeran daacad u noqo.

Si daacad laguugu ahaado, adiguna daacad ka noqoo xidhiidhada dadka idinka dhexeeya, ballamaha iyo dhaarta. Cidna haku dulmiyin carabkaaga iyo addinkaaga midna.

Nin daacad hoggeeda qoday

miyuu ka danbaynayaa

intuu bahalaha dugsado

intuu Dubur hawd ka xulo

ayuu qofku doonayaa

dugaaggu inaanu cunin! - Daba-huwan

Abwaan Maxamed I. Warsame (Hadraawi) AHU

  

Guuleyso!    

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164