chat account_circle
  • chat
  • Somalijobs Inc
    Somalijobs Inc

    Codsiga Shaqooyinka (talaabooyinkan Raac)

    In aad shaqo hesho 50% waa diyaargow. Hadba wakhtiga aad ku bixiso isdiyaarinta ayey ku xidhantahay shaqo heliddaaduna. Shaqo kuma helaysid in aad hal (1) CV ku xareyso shaqo kasta ama 10 shaqo oo aan isku shuruud iyo baahin midna aan ahayn.

    Raac talaabooyinkan codsiga shaqada:
    1. Shaqada la baahiyey
    Akhri bar bilow ilaa bar dhamaad shaqada la baahiyey waxa aad ogaanaysaa shaqada banaan, halka laga shaqeynayo, wakhtiga la shaqeynayo, shirkadda, hay'adda, ganacsiga ama xafiiska ay shaqadani ka banaantahay, waajibaadka qofka shaqadan soo codsanaya, Shuruudaha laga rabo (heerka aqoonta, khibraddaha shaqo, xirfadda, Waxqabadka uu xiiseeyo, tixraacyo IWM). Ugu danbayn waxa aad ogaanaysaa Habkeen u codsadaa shaqan (HOW TO APPLY) Waxa aad ku ogaanaysaa habka aad u codsan karto ma email ayaan ku codsanayaa, ma xafiis ayaan geynayaa waraaqahayga mise mareegta (Website) cidda shaqada xayeysiisey ayaan ka dhex codsanayaan.

    2. Diyaarso CV & Cover Letter
    Diyaarso waraaqahaaga codsiga shaqada oo ku qotoma shuruudaha iyo waajibaadka shaqada la baahiyey ee aad isu garatay in aad aqoonteeda, khibraddeeda iyo xirfadda looga baahanyahayba aad leedahay. Ku tol oo ku fadhiisi baahida loo shaqeeya. Ogsoonow CV gaagu ma aha weel wax walba lagu gurayo kaliya ku qor wixii xidhiidh la leh shaqada aad codsanayso, xogta ka baxsan intaa looshaqeeyuhu uma baahna ee haku daalin.

    3. CODSO Shaqada
    Sida aynu hore usoo tibaaxnay saddex hab midkood ayaa shaqada la baahiyey loo codsadaa isla markaana looshaqeeyuhu kusoo qoraa baahinta shaqo. In lagu yidhaa email kusoo codso (Tusaale: [email protected]), In lagu yidhaa xafiiska keen waraaqahaaga iyo in lagu yidhaa kasoo dhex codso mareegta (Website) ka cidda shaqada baahisey (Tusaale: https://somalijobs.com/auth/signup).

    4. Imtixaan/Waraysi Shaqo
    Imtixaanku waa tijaabo aqoomeed oo lagu qiimeynayo dadyowga kala duwan ee soo codsaday shaqo u baahan aqoon iyo xirfado dheeri ah. Inta qof ee kusoo baxda imtixaankaasi waxay fursad u heli doonaan imtixaan kale oo afka ah (Waraysi shaqo).
    In aad ku guuleystid waraysi shaqo 100% waa diyaar garow. Isu diyaari waraysi shaqo oo guuleysta sida qaab lebiskaaga, kalsooni dhiskaaga, indho siinta dadka ku sugan goobta waraysiga shaqo, diyaargarowga waydiimaha guud ee la iswaydiiyo, qaababka aad uga jawaabayso, haddii su'aali kugu istaagto codsiga in laguugu celiyo ama laguu faahfaahiyo, In aad diyaarsato waydiimo aad su'aasho looshaqeeyaha marka uu fursad kusiiyo, mahadcelin iyo macasalaamayn. Ugu danbayn in aad khayr iyo guul rajeyso.

    ---------------------------------------------------

    Si aad si maalinle ah ula socoto dhamaan shaqooyinka, qandaraasyada iyo tababarada aanu baahino halkan kala deg APP-KA Somalijobs

    https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs

    ---------------------------------------------------------

    Guuleyso

    Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
    Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato.

    Tixgelin

    -----------------------------------------------------