10 Hab Oo Aad U Akhrin Karto Buugaag Badan 2024

Jan 09, 2024 by somalijobs inc

10 Hab Oo Aad U Akhrin Karto Buugaag Badan 2024

''Baadidoon aqoonta ilaa inta iilka lagu dhigayo.'' Nebi Muxammed NNKH.

­­­­

''Waxbadan oo aad akhridaa, waa waxbadan oo aad taqaano. Waxbadan oo aad barataa, waa sida goobo badan oo aad bookhatay.'' - Dr. Seuss

 

Maanta halka aynu joogno iyo sannad kaddib halkaynu gaadhi doonno waxa go'aamin doona nooca buugaagta aynu akhrino Ilaahay idamkii. Kaliya ma aha buugaag balse waa qaybta ugu muhiimsan ee maalgelinta caqliga, inkasta oo ay dhinac kasoo galayaan maqalka iyo muuqaalka barnaamijyadu.

1.     Akhri waxaad jeceshahay:

Jacaylka aqoonta iyo buugaagtu waa nuur ka tirtira qalbiga jaahilnimada! - Imaam Al-Ghazali

Shaykastaa xiisaha kama soo hadho, naftaada haku khasbin akhrinta buugaag aaney xiise u haynin. Taas beddelkeeda raadi dhigenayaal kale oo aad xiiseynayso akhrintooda, kaddib kuwaas ku bilow.

 

2. Ka Caajisid:

Haddii aanad xiiseyn buugga aad akhriyeyso, in aad ka caajistaa waa caadi. Haka baqan inaad joojiso, bedesho ama aad iskaga kacdo akhriskiisa. Xulashada badso kaddib markaad qiimeyso naftaadu mawduucyada ay u bogto oo ay ku dareento rayn-rayn akhrintooda.

 

3. Marwalba Iibso:

Buugtu waa midkamida maalgelimaha qofeed ee ugu weyn kana qayb qaata horumarka qofka. Buugtu waa maalgelinta ugu fudud ee jaban qiime ahaan marka loo eego kharashka aad ku bixiso baahiyahaaga kale ee aasaasiga ah iyo kuwa abaalmarinta nafta ahba. Si lamid ah sidaad cunto, cabitaan, dawo, maryo iyo agabkaleba aad kharash ugu talo gasho, u qorshee iibsiga buugaagta bishiiba in go'an.

 

4. Wada akhri dhowr buug muddadiiba:

Isku daqiiqad uma jeedno, Balse dhowr buug ha iskugu kaa dhex qalnaadaan oo wada wad akhrintooda. Waxaad ka badbaadaysaa xiise go'a oo haddii midi ku cajabin waayo, midka kale ayaa laga yaaba inuu nalka xiisaha kuu daaro. Faraxdo, qososho, oydo, murugooto intaasiba waa dareeno aad ka heli karto buugaag kala jaada akhrintooda todobaadkiiba tusaale ahaan.

 

5. Deegaankaa qaabee:

''Ma jiro saaxiib u daacad ah sida buugga.'' Ernest Hemingway

Noolaha dhammaan kugu hareeraysani waa deegaankaaga. Xulo deegaan aad ka helayso dhiirigelin iyo faaqidaad ku aadan akhriska buugaagta iyo falanqeyntoodaba. Waa isha aad ka biyo cabi karto si aad u joogtayso abuurashada caado wax akhris

 

6. Qorshe Dejiso

''Akhrisku wuxuu ku geeyaa goobo aanad waligaa booqan iyo barashada dad aanad waligaa lakulmin.'' - Ibnu Khaldun

2024 imisa buug ayaan rabaa inaan akhriyo. 6 bilood, 3 bilood, 1 bil, 1 toddobaad iyo maalintii maxaan akhrinayaa? Waydiimahaa jawaabtoodu waa hadaf cad inaad ka yeelato. Tusaale Todobaadkasta buug baan akhrinayaa.

Buugan todobaadka 1aad waa 200 oo bog, 200/7:29 Bog ayaan akhrinayaa maalintii

 

29 Kii bog waxaan u qaybsanayaa wakhti haddaanan mar wada akhrin karin oo aan ka caajisayo. 29/3 wakhti: 10 Subixii, 9 Bog duhurkii iyo 10 Bog oo habeenkii ah.

 

Habeenkii intaanad seexan kahor waa inaad lahaadaa MAANTA WAAN QABTAY halka maalintiina aad qoranayso Hawl-qabadka (Todolist)

 

7. Xubin kanoqo:

Maktabaddu waa janno aan cidna laga reebin.'' - Imam Al-Ghazali

Si aad u hesho asxaab sidaada xiiseysa akhriska, Ku biir naadiyada akhriska ka shaqeeya iyo makabaddaha qabta kulan todobaadle, bile ama 2 biloodba mar ay ku falanqeeyaan buugaag ay soowada akhriyeen. Wacyigaagu si xawli ah ayuu u kori Ilaahay idamkii.

 

8.  Madadaalo Dhexgasho

Hawlo marka aad qabanayso aanad ka xiiso dhigin baa jira. Buugaagta qaar hakuu noqdaan kuwo aanad ku madadaalato oo aana dka xiise go'in.

 

9. Hab fikirkaaga beddel:

''Buugaagtu waa biriishka u dhexeeya ILBAXNIMOOYINKA.'' - Abu Nasr Al-Farabi

Akhriskaad ku liidataa ku bedel inaad ku fikirto ahaanshaha qof buugaag badan akhriya. Sawiro adigoo sannadkii akhrinaya 24 buug, 48, 80, 150 iyo 200 buug. Waa hiigsi iyo hadaf ay dad hore u dejisteen gaadheenna. Adiguna waad gaadhi kartaa.

 

10. Ha tixgelin tirada:

''Buuggu waa sida bustaan xidhan, Dhexqaad oo ka guro midhaha.'' Ali Binu Abi Daalib (AS)

Muhiimad hasiinin ka jawaabista imisa buugbaad akhriday sannadkan ama kii hore, balse raaxeysiga akhriska diiradda saar. Hakuu noqdo midkamida tiirarka aad dadka kaga horumarsantahay, horeyso oo aad kaga wanaagsantahay.

 

Tixraac:

- Sahih Al-Bukhaari

- Quora

- Imam al-Ghazali, Muslim theologian

- Ali Abdal

 

 

  

  - - ---------------------------------------------------------      

Guuleyso!     

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164