Qaladaadka Waraysiyada Shaqada

 

Waraysiyadu waa qayb qiimo leh oo ka mid ah nidaamka codsiga shaqada. Iyadoo hababka ugu wanaagsan ee wareysiga xooggan ay ka mid yihiin maareynta waqtiga, kalsoonida iyo luuqadda jidhka; musharaxiinta qaarkood waxay sameeyaan khaladaad mudan in la iftiimiyo inta lagu jiro wareysigooda. Ka fogow khaladaadka wareysiga si aad aragti hore oo wanaagsan u sameyso oo aad u hesho booska shaqo.

 

Maqaalkan, waxaynu ku sharaxaynaa sababta wareysiyada shaqadu ay muhiimka u yihiin iyo sida looga fogaado khaladaadka waraysiga shaqada:

 

Waa maxay sababta waraysiyadu ay muhiimka u yihiin?

Waraysiyadu waa muhiim sababtoo ah inta badan waa marka ugu horraysa ee qofka la waraystay uu tago goobta shaqada oo uu la kulmo shakhsiyaad ka socda xafiiska. Waraysiyadu waxay siinayaan loo-shaqeeyaha fursad uu ku arko sida uu waraystuhu u maareeyo wada hadalka iyo werwerka, waxayna siinayaan fursad uu ku eego haddii boosku ku haboon yahay iyaga. Badanaa, waraysiyada waxa ku lug yeelan doona dhowr xubnood oo shirkadda ah, taasoo siinaysa musharraxa dareen wanaagsan oo dhaqanka shirkadda iyo fursad uu ku waydiiyo su'aalo.

 

Khaladaadka waraysiga iyo sida looga fogaado:

Haddi aad ku cusub tahay waraysiga shaqada (job interview), waxa fiican inaad dib u eegto rajada laga filayo muuqaalkaaga, isu diyaarintaada iyo ilaalinta wakhtiga waraysiga shaqada.

 

1. Diyaarin la'aanta

Iska ilaali inaad gasho waraysiga adigoon waxba ka baran shirkadda ama jagada aad u tartamayso. Maareeyayaasha shaqaaleysiintu waxay filayaan inaad wax ka ogaan doonto ururka iyo doorka ka hor wareysiga shaqada.

Taa baddalkeeda, maadaama aad had iyo jeer horay u sii ogaan doonto wareysiga shaqada, qaado waqtiga u dhexeeya martiqaadka iyo wareysiga dhabta ah si aad ugu diyaargarowdo barashada shirkadda, soo saarista macluumaadka lagaaga baahan karo, sida liiska tixraacyada iyo diyaarinta su'aalo aad waydiiso.

 

2. Cilmi-baadhis xaddidan

Iska ilaali inaad dayacdo inaad cilmi-baadhis ku samayso shirkadda, shaqada ama mas'uuliyadda jagada ka hor waraysiga.

Taa baddalkeeda, soo gal adiga oo ogaanaya waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkadda iyo fikradda ah sida booska aad wareysiga u leedahay uu ugu habboon yahay ururka guud ahaan.

 

3. Xidhashada dhar aan habboonayn

Iska ilaali xidhashada dhar aan habboonayn xilliga waraysiga shaqada. Xidho dhar caadi ah. Haddii aad xidhato dhar qaali ah waxaad bixinaysaa farriin aan habboonayn. Sidoo kalena waxaad la labbis noqonaysaa maamulayaasha waraysiga shaqada.

Taa beddelkeeda, ka feker waxa aad xidhan doonto, adiga oo waafajinaya booska shaqo.

 

4. habsan

Iska ilaali in aad habsaanto, habsanku waxa uu kaa gudbinayaa sifo aan habboonayn.

Taa beddelkeeda, imo dhowr daqiiqo ka hor. Kahor waraysiga oo aad timaado waxa uu kaa caawinayaa in aad la qabsato jewiga goobta; sidoo kalena aad naftaada u diyaariso waraysiga.

 

5. Isticmaalka taleefankaaga

Iska ilaali inaad adeegsato taleefankaaga inta lagu jiro waraysiga. Tani waxay tusin kartaa inaadan dan ka lahayn wada hadalka oo aad leedahay arrimo ka muhiimsan oo aad dareenkaaga siiso.

Bedelkeeda, dami teleefankaaga. Xidho saacad haddii aad rabto inaad ogaato saacadda.

 

6. Weydiinta su'aalo hore

Iska ilaali inaad waydiiso su'aalaha muuqda ama uu waraystuhu mar hore ka hadlay wada hadalka dhexdiisa, maxaa yeelay tani waxay tusinaysaa inaadan dheg jalaq u siin hadalkiisa.

Taa beddelkeeda, weydii su'aalaha asalka ah ee la xidhiidha shaqada ama shirkadda. Haddii maareeyaha shaqaalaynta uu mar hore ka jawaabay mid ka mid ah su'aalahaagii hore loo qorsheeyay, looma baahna in mar labaad la waydiiyo.

 

7. Si xun u hadal

Iska ilaali inaad si xun uga hadasho shaqooyinkii hore, shirkadaha, kormeerayaasha ama asxaabtaadi.

Taa beddelkeeda, xitaa haddii aad la kulantay caqabado jagooyinkii hore, ku ilaali codkaaga iyo luqadaada ku saabsan shaqooyinkaas mid wanaagsan; haddii aad ka tegi kartana kaba sii fiican.

 

8. Diyaarinta mushaharka oo la dayaco

Iska ilaali inaad markaba la soo booddo arrimaha la xidhiidha mushaharka, sidoo kalena iska ilaali inaad timaadid waraysiga adigoon gabi ahaanba diyaar u ahayn inaad ka hadasho mushaharka.

Taa baddalkeeda, diyaari mushahar kala duwan oo aad la wadaagto haddii lagu waydiiyo, diyaarna u noqo inaad gorgortan gasho haddii lagaa codsado.

 

9. Isticmaalka isgaadhsiinta aan afka ahayn

Iska ilaali hoos u eegidda, qarinta gacmahaaga iyo inaad muujiso deganaan la’aan; maadaama maamuluhu uu u fasiran karo falalkani inay yihiin calaamado raaxo darro ama daacad darro ah.

Taa beddelkeeda, dhoola caddee, isha ku hay oo gacmahaagu ha muuqdaan si aad u tustid maamulaha shaqaaleysiinta inaad ku kalsoon tahay naftaada, daacadna aad tahay.

 

10. Beenta

Iska ilaali inaad qurxiso resumeygaaga ama inaad been ka sheegto khibradaada shaqo, waxbarasho ama dhinac kasta oo kale oo noloshaada ah.

Taa beddelkeeda, daacad uga noqo maamulaha shaqaaleysiinta wixii ku saabsan tagtadaadii. Haddii aad ogtahay in maamulaha shaqaalayntu uu kuu hayo su'aalo ku saabsan qaybo ka mid ah taariikhda shaqadaada oo laga yaabo inay adagtahay in aad ka jawaabto, horay u sii diyaari jawaabaha.

 


 

  - - ---------------------------------------------------------      

Guuleyso!     

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164