Akhlaaqiyaadka Shaqada
Jun 27, 2024 by

Daraasado badan ayaa muujiyay in shaqaalaha ilaaliya akhlaaqiyaadka shaqadu ay inta badan yihiin kuwo wax soo saar sare leh. Tusaale ahaan, daraasad ay sameysay hay'adda Gallup ayaa muujisay in shaqaalaha haysta jawi shaqo oo wanaagsan ay wax soo saar ka badan yihiin kuwa aanan helin jawi wanaagsan .
Waa mawduuc baahi weyn aynu u qabno si bay'addeena shaqeed u noqoto mid waxsoosaarkeedu sareeyo. Arrimaha muhiimka ah waxa ka mid ah.
1. Tixgelinta: Shaqaalaha waa inay ixtiraamaan madaxda, asxaabta shaqada, iyo macaamiisha. Tani waxay ku jirtaa dhageysiga si wanaagsan iyo ka fogaanshaha hadalada ama falalka dhaawacaya.
2. Daacadnimo: Shaqaalaha waa inay yihiin kuwo daacad ah, si ay uga fogaadaan xatooyada, beenta, iyo khiyaanada. Xatooyadu ma aha hanti la dhaco balse daqiiqadaha looshaqeeyuhu kaa iibsaday inaad shaqadii ku qaban waydo lafteedu waa dhac aakhiro lagu waydiin doono.
Wakhtiga, ‘’ Mushaharkaaga iyo wakhtigaagu way isku miisaaman yihiin. Markaad saacad ama laba maqnaato intaa ku beegan ee mushaharkaaga ahi xaaraanbay noqonaysaa. (Sheekh Dirir)
3. Mas'uuliyad: Waa muhiim in shaqaaluhu ay qaataan mas'uuliyadda shaqooyinkooda iyo khaladaadkooda. Inaan la isku dayin in khaladaadka la isku dhufto dadka kale ama aan la isku tuurtuurin.
4. Hufnaan: Waa muhiim in shaqaalaha ay si hufan u qabtaan shaqadooda, taasoo ay ku jirto wakhti ku habboon iyo wax-soo-saarka ugu fiican ee suurtogalka ah.
5. Wadashaqeyn: Shaqaalaha waa inay si wanaagsan ula shaqeeyaan kuwa kale, iyaga oo ka fogaada isqabqabsi iyo muran aan loo baahnayn.
6. Ilaalin hantida: Waa muhiim in shaqaalaha ay xilliga shaqada ilaaliyaan oo aysan dib u dhigin hawlaha muhiimka ah. Sidoo kale ilaalinta hantida goobta shaqada iyo xil iska saaristooda.
Tusaale,
Cumar ibnu cabdicasiis nin badhasaabbaddiisii kamid ahbaa u yimid, warbixintiibuu siiyey dhulkii uu madaxda ka ahaa.Intii ay shaqadu usocotay laabmadbaa u baxaysay, marii ay arrintii dhamaatay iyo warbixintii laga hadlayey ayuu ninkii doonay inuu sigaara u waraysto Cumar ibnu Cabdicasiis. Markuu arkay inuu ka baxay hawshii dawladda ayuu laambaddii bakhtiiyey oo uu tukale siraaday, Ninkiibaa wuxuu ku yidhi malaha waxa fiicnayd inaad taa hore inoo dayso taasaaba yara iftiin wayneyde. Cumar wuxuu ugu jawaabay, ‘’ Intii hore arrinka umadda ayeynu haynay, iminkana dan gaar ahbaynu ka hadlaynaa oo taada iyo tayda ah markaa taydan gaarka ahbaynu shidaynaa.’’
7. Xirfaddaha: Waa muhiim in shaqaalaha ay yeeshaan xirfaddaha lagama maarmaanka ah ee shaqadooda iyo in ay joogteeyaan horumarinta xirfadahooda. Gaar ahaan xirfaddaha nolosha (Life skills) oo aasaas u ah wadashaqeynta iyo shaqooyinkeennaba.
Akhlaaqiyaadka shaqada oo la dhowro waxay abuureysaa jawi shaqo oo wanaagsan oo dadka oo dhan ay ku faraxsan yihiin kuna soo saari karaan waxqabadka ugu fiican.
Si kor loogu qaado akhlaaqiyaadka shaqada waxa lagama maarmaan ah:
1. Ilaalinta cibaadaadka iyo waajibaadka Alle
2. Hoggaamin fiican
3. Tababaro joogto ah
4. Dhiirigelinta shaqaalaha
5. Isgaadhsiin wanaagsan
6. Talo iyo taageero joogto ah
7. Ka hortagga arrimaha dhaawacaya akhlaaqiyaadka shaqada
8. Ilaalinta balamaha
9. Kulamo joogto ah
10. Hannaan wada xidhiidh oo toosan.
Daraasad lagu sameeyay Jaamacadda Toronto ayaa muujisay in tababarrada akhlaaqiyaadka shaqada ee la siiyo shaqaalaha ay kordhiyaan wax soo saarka iyo hufnaanta shaqada. Tababaradani waxay shaqaalaha ka caawiyaan inay fahmaan waxa laga filayo iyo sida ay ugu dhaqmi karaan akhlaaqiyaadka wanaagsan ee goobta shaqada .
ٱلَّذِينَ إِن مَّكَّنَّـٰهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ أَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَمَرُوا۟ بِٱلْمَعْرُوفِ وَنَهَوْا۟ عَنِ ٱلْمُنكَرِ ۗ وَلِلَّهِ عَـٰقِبَةُ ٱلْأُمُورِ ٤١
Ilaahay wuu guuleyn doonaa kuwa marka aanu masuuliyadda dhulka gacanta u gelino ee salaadda ooga, sadaqada bixiya, wanaaga fara, xumahana reeba (Quwaddooda waanu adkayn doonna) Cidhib danbeedkana Ilaahaybaa iska leh. Suuratul Xajj: 41
Tixraac:
1. Muxaadaro: Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.
2. Tafsiirka Sh. Maxamed Ismaaciil
3. Gallup: Gallup's State of the American Workplace report
4. University of Toronto: The benefits of ethics training programs in organizations: Treviño, L. K., & Nelson, K. A. (2014). Managing Business Ethics: Straight Talk about How to Do It Right. Wiley.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164