Furaha Horumarka Naftaada: Tallaabooyin Hagaya Naftaada
Apr 23, 2025 by

Inaad naftaada horumariso waa safar nololeed, mid qof walba leeyahay, balse si kala duwan lool marayo. Horumarka dhabta ah ma aha kaliya in aad lacag haysato ama boos sare aad gaadho, ee waa in aad naftaada barato, awooddaada kobciso, dareenkaaga fahanto, niyadaada xoojiso, oo aad nolosha u aragto fursad joogto ah. Maqaalkan waxa aan ku falanqeyn doonaa furayaasha horumarka nafta:
1. Naftaada baro: Aasaaska horumarka
“Ninkii naftiisa bartay, wuxuu bartay sidii uu dadka kale u fahmi lahaa.” – Socrates
Cilmibaadhis ay sameysay Jaamacadda Harvard (Harvard Business Review, 2022) ayaa muujisay in dadka si joogto ah u sameeya falanqayn iyo dib u milicsi nafeed oo joogto ah (self-reflection) ay gaadhaan go’aamo wanaagsan, xidhiidh shaqsiyadeed oo adag, iyo horumar degdeg ah oo shaqo.
Islaamku wuxuu aad u dhiirrigeliyaa qiimeynta joogtada ah. Suuratu Ad-daariyaat: 20-21 Ilaahay SWT wuxuu innoogu tilmaamay "Korkaaga ha eegin, gudahaaga eego si aad Rabbiga u barato."
Kulan nafeed yeelo aad naftaada ku qiimeynayso, baranayso isla markaana aad ku sameynayso dib u milicsi. Todobaadkii mar u qorshee kulan nafeed adigoo ka jawaabayo waydiimahan iyo kuwa lamid ka ah; Maxaan si fiican u sameeyey todobaadkaa? Maxaa iga khaldamay? Maxaan kaga fiicnaan karaa todobaadka cusub midkii hore ee I dhaafay? Wakhtigayga maxaan ku bixiyaa? Mudnaan masiiyaa arrimaha ii muhiimsan?....
2. Yool lahaanshuhu waa hagaha horumarka
Cilmibaadhis uu sameeyay Dr. Edwin Locke (Goal Setting Theory) wuxuu caddeeyey in yool cad iyo qodobo la cabbiri karo ay si weyn u kor u qaadaan dedaalka iyo waxqabadka. Zig Ziglar wuxuu yidhi: “Ujeeddo la’aantu waa sida dooni aan isteerin lahayn oo badda dhex sabaynaysa.”
Yoolkasta oo aad leedahay waa inuu u adeegayaa hadafka weyn oo ah inaad janno gasho. Haddii aad rabto inaad aqoon ahaan derajo sare gaadho, dhaqaale ahaan xor noqoto, xirfado badan barato oo aad hal-abuur iyo ikhtiraac la timaaddo intaasiba waa inay u adeegtaa yoolka ah inaad janno ku gaadho. Sababtuna waa inaanad ku kadsoomin safarka yar ee kooban balse aad ku fikirto ka la waarayo ee lagu badhaadhayo deegaan aan lasiwaran Karin, dhegi maqal, ili arag oo aan la dhimanayn abid.
Qor yoolaha aad rabto inaad gaadho maalin kasta 24 kaaga saacadood, Haddii aad sidaas yeesho waxaad ku guulaysanaysaa todobaadkaaga, bishaada iyo ugu danbayn sannaddaada. Intuba waxay ka bilaabmaan daqiiqadaha kusoo mara sida aad u maalgashato.
Daqiiqad kasta adduunyadana wax ku anfaca kaga faa’idayso, aakhirona janno kuu gooya. Todobaadkaaga, bishaada iyo sannadkaaguba haddii aad sidaa uga faa’idayso isla jeerkaasna aad joogtayso waad badhaadhaysaa labada daaroodba.
3. Barashada joogtada ah: maskaxday kor u qaaddaa
Nebigu SCW wuxuu yidhi,’’Qofkii u baxa dariiq uu cilmi ku baranayo, Ilaahay SWT wuxuu u fududeeyaa dariiqa jannada.’’
Cilmibaadhis laga sameeyay Stanford University ayaa muujisay in kobcinta garaadku ay tahay furaha guusha. Dadka u arka waxbarashada mid joogto ah ayaa hal-abuur fiican leh, khaladkana u arka fursad waxbarasho. Brian Tracy Wuxuu yidhi:“Dadka guuleysta waa kuwa had iyo jeer wax cusub bartaan – Si joogto ah.”
Akhriska joogtada ahi waa maalgeliya ugu wayn ee garaadka qofka. Wuxuu dhisaa kalsoonida, aqoonta, waayo-aragnimada iyo horumarka qofka. Akhrisku wuxuu qaabeeyaa nolosha, wuxuu xalliyaa caqabadaha, wuxuu ku siiyaa dariiqyo doctuur (shortcut) aad kaga gudbi karto waayaha nolosha. Wuxuu balaadhiyaa ogaalka iyo garashada, ugu danbayn akhrisku waa nolol iyo la noolaanshaha cilmiyaqaankii hore ee dunida soo maray iyo tijaabooyinkii nololeed ee ay soo sameeyeen. Qofkaa akhris badan, waligaa ma gaadhid.
Qaadashada tababaro joogto ah oo xirfadeed iyo lafadhiisiga dadka cilmiga lihi waa derejo weyn ee ha u daymo la’aan inaad saddexdaa dhardhaar maalin kasta aad wakhti ka siiso. Waa midkamida furayaasha horumarka’e.
4. Niyada & Samirka: Xoogga Gudaha
Cilmi-baadhis lagu sameeyay American Psychological Association (2021) ayaa muujisay in adkaysigu yahay furaha guusha muddada fog. Islaamku wuxuu si weyn u qiimeeyaa samirka:
"Ilaahay SWT wuxuu la jiraa kuwa samra." – (Suurat al-Baqarah: 153)
Mahatma Gandhi, halgamaagii reer Hindiya wuxuu yidhi,“Guusha kama dhalato xoog, waxay ka dhalataa adkaysi.”
Waayaha nolosho waa caynba-cayn maalinba bad weyn dhex jooga. Xaalad kasta oo aad ku jirto qaado taladii Nebiga SCW,’’ Kaashada Samir iyo salaad.’’ Marka aad yaabto carabkaagu haboobo xuska Ilaahay si arrimahaagu kuugu furfurmaan oo dheh; Subxaanallah, Alxamdulilah, Allahu Akbar, Laa’ilaaha Illallaah iyo Xasbunallahu wa nicmal wakil. Niyaddana adkayso.
5. Wanaaji xidhiidhadaada
Ka bilow xidhiidhka ugu muhiimsan oo ah xidhiidhka aad la leedahay Ilaahay. Haddii uu hagaago dhamaan xidhiidhada noloshaadu way hagaagayaan, haddii aad ka gaabisana wadarta xidhiidh ee kale way kala dhantaalmayaan. Raac Nebiga SCW, Ilaahay kuusoo direy ee Ilaahay SWT ku amaanay: (Nebi Allow raxmad waxaan ahayn Caalamka kuuma aanan keenin - وَمَآ أَرْسَلْنَـٰكَ إِلَّا رَحْمَةًۭ لِّلْعَـٰلَمِينَ ١٠٧)
Cilmibaadhista John Maxwell waxay muujisay in xidhiidhka dadka kale yahay mid ka mid ah furayaasha horumarka nafsiga ah iyo hogaaminta. John C. Maxwell wuxuu yidhi, “Guusha dhabta ah waa marka dadka kugu xeeran ay kuu noqonayaan dhiirrigelin
Naftaada horumarinteedu waa waajib adiga kugu xidhan oo u baahan talo saarasho Rabbi. Ma jiro qof kale oo kuu qaban kara, balse cilmiga, niyada, qorshaha, xidhiidhka dadka, iyo adkaysigu waa furayaasha kuu furan. Waxa aad haysataa hal nolol, hana ka dhigin mid iska siibata oo daba furan. Balse u samee qorshe, u samee himilo, una samir safarka horumarkaaga.
Noloshu iskama hagaagto si toos ah, ee waxaa hagaajiya kuwa go’aansada inay hagaajiyaan. Dedaal, horumar iyo isbeddel kastaa adiga ayuu kaa bilaabmaa.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164