Sababta Ay U Fashilmaan Istaraatijiyado Badani; Maaha Istaraatijiyad Dhab Ah!

Apr 28, 2025 by somalijobs inc

Sababta Ay U Fashilmaan Istaraatijiyado Badani; Maaha Istaraatijiyad Dhab Ah!

Maanta oo ganacsigu si degdeg ah isu beddelayo, shirkado badan ayaa maalgelin xooggan ku sameeya qorsheyaal istiraatijiyadeed. Hoggaamiyeyaashu waxay galaan shirar fog, waxay qaataan ama la-taliyeyaal, waxayna soo saaraan dhukumantiyo qurux badan. Si kastaba ha ahaatee, deadaalladan oo dhan, istiraatijiyado badan ayaa fashilma.  sababtuna ma aha fulin xumo, balse waa in aanay markii horeba ahayn istiraatijiyad dhab ah.

Dhibaatada ugu weyn: yoolal loo moodo istaraatijiyad

Istiraatijiyadda dhabta ahi ma aha kaliya hammi sare ama liis yoolal ah. In la yidhaahdo, "Waxaan rabnaa inaan noqono kuwa ugu sarreeya suuqa," ama "Waxaan dooneynaa inaan macaamiisha farxad gelino," ma aha istaraatijiyad; waa himilo. Inkasta oo yoolashu muhiim yihiin, haddii aan la haynin qorshe cad oo lagu gaadhi karo, waxay isku rogaan rabitaan madhan.

Istaraatijiyad dhab ah waxay ku salaysan tahay laba su'aalood oo aasaasi ah:

  1. Xaggee ayaynu ku tartameynaa? (Suuqyadee, macaamiilkee, badeecadooyinkee, ama gobollodee?)
  2. Sidee ayaan ku guuleysaneynaa? (Maxaa naga dhigi doona kuwo ka duwan oo guuleysta?)

Haddii aan su'aalahan si cad aan looga jawaabin, hay'addu waxay halis ugu jirtaa inay ku fido hawlo badan oo aan iswaafaqsanayn, taasoo keenta in dedaalka iyo kheyraadku lumo.

Waa maxay istaraatijiyad dhab ah?

Sida uu sheegay khabiirka istaraatijiyadda Richard Rumelt, istaraatijiyad wanaagsan waxay leedahay saddex qaybood oo muhiim ah:

  • Falanqeyn cad: Faham dhab ah oo ku saabsan caqabadaha ama fursadaha jira.
  • Qaanuun hagaya: Siyaasad guud oo loo doortay in lagu wajaho caqabadahaas.
  • Tallaabooyin isku xidhan: Ficillo cad oo si nidaamsan u fuliya qaanuunka hagaya.

Haddii qaybahaan midkood maqan yahay, waxa la helo waa hammi iyo howlo kala go’an, balse aan lahayn jihayn cad.

Calaamadaha muujinaya inaysan ahayn istaraatijiyad:

Waxaa jira calaamado badan oo muujinaya in waxa la sheegayo aysan ahayn istaraatijiyad dhab ah:

  • Hadallo guud: Sida "aan noqono kuwa ugu fiican ee adeeggan bixiya" iyada oo aan la caddeyn sida.
  • Liis hawleedyo aan mudnaan lahayn: Liis dheer oo hawlo ah iyada oo aan la sheegin kuwa mudnaanta leh.
  • Fahanka caqabad la'aan: Inaan la aqoonsan caqabadaha dhabta ah ee horyaalla.
  • Yoolal iskhilaafsan: In la isku dayo in la bixiyo adeeg raqiis ah iyo tayo sare leh isla mar ahaantaana, iyada oo aan la caddeyn sida loo iswaafajinayo.

Maxay tahay muhiimadda arrintan?

Haddii istaraatijiyad dhab ah la waayo, waxa lumaya waqti, dedaal, iyo hanti. Shaqaaluhu way wareeraan, hoggaamiyeyaashana waxay ku adkaataa inay si sax ah u qaybiyaan kheyraadka. Shirkaddu waxay noqotaa mid falcelin badan (reactive) halkii ay ahaan lahayd mid jiheysan (proactive).

Laakiin haddii istiraatijiyad dhab ah la helo, waxay keentaa:

  • Jihayn cad
  • Dedaal la isku duwo oo meel uwada jeeda
  • Go'aano fudud oo degdeg ah
  • Kala dambayn guud oo kor u qaada guusha

Sidee loo dhisaa istaraatijiyad dhab ah?

Si looga fogaado qarda jeexa "yool aan istiraatijiyad lahayn," hoggaamiyeyaashu waa inay:

  • Si qoto dheer u falanqeeyaan dhibaatooyinka iyo fursadaha jira.
  • Sameeyaan doorashooyin adag oo qeexan waxa la qabanayo iyo waxa la iska daynayo.
  • Sameeyaan siyaasad hagta oo kooban, cad, oo la fahmi karo.
  • Isku waafajiyaan ficilada, kheyraadka, iyo dhiirrigelinta si loo fuliyo qorshaha.

Sidaa darteed, istiraatijiyad wanaagsan waxay u baahan tahay go'aan adag, ma aha ururinta liis rabitaan oo kaliya.

Xilligan adag ee isbedelka degdega ah, waxaa si sahlan loo dhici karaa in la sameeyo qorsheyaal hadal qurux badan leh, balse aan lahayn waxyaabo la taaban karo. Si kastaba ha ahaatee, tartanka dhabta ah waxa marwalba gacan sarreeya shirkadaha iyo hay'adaha leh istiraatijiyad cad, go'aan adag, iyo ficil mideysan.

Haddii aad rabto in aad gaadho guul dhab ah, maskaxda ku hay: Istaraatijiyado badan way fashilmaan sababtoo ah ma aha istaraatijiyad dhab ah. In la fahmo arrintaas waa tallaabada koowaad ee guusha.

Guuleyso!  

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164