Ducooyinka Ugu Fiican Ee Lagu Raadsho Arsaaqda Iyo Shaqo Xalaal Ah Bisha Ramadaan

Mar 17, 2025 by somalijobs inc

Ducooyinka Ugu Fiican Ee Lagu Raadsho Arsaaqda Iyo Shaqo Xalaal Ah Bisha Ramadaan

Ducooyinka Ugu Fiican Ee Lagu Raadsho Arsaaqda Iyo Shaqo Xalaal ah Bisha Ramadaan

Bisha Ramadaan waa fursad weyn oo qofka Muslimka ah uu ku duceysan karo, isla markaana ka baryi karo Alle SWT inuu u furo albaabada khayrka, shaqooyinka wanaagsan, iyo barakada arsaaqda. Ilaahay SWT wuxuu Qur'aanka Kariimka ah ku yidhi:

وَقَالَ رَبُّكُمُ ادْعُونِي أَسْتَجِبْ لَكُمْ
“Rabbigiin wuxuu idin yidhi: I baryaa waan idinka ajiibayaa.” (Surat Ghafir: 60)

Ilaahay SWT isagoo og baahideena iyo xaaladdeenna, ina siin kara waxkasta oo aynu tamanniyayno inaynu helno haddana wuxuu rabaa inaad addoonnimadaada muujiso, baahidaada iyo arrimahaagaba inaad Ilaahay oo kaliya aad u bandhigto, si uu kuu siiyo.

Halkan hoose waxaynu ku eegi doonna adkaar iyo ducooyin aad Ilaahay ku baryi karto maalmahan barakaysan ee ducada laga aqbalayo qofka muslimka ah ee sooman maalintii, habeenkiina cibaadada u taagan. 

1. Duco guud oo arsaaqda lagu weydiisto

اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ رِزْقًا طَيِّبًا وَعِلْمًا نَافِعًا وَعَمَلًا مُتَقَبَّلًا

Allāhumma innī as'aluka rizqan tayyiban wa ‘ilman nāfi‘an wa ‘amalan mutaqabbalan

Macnaha: "Ilaahayow, waxaan kaa baryayaa arsaaq xalaal ah, cilmi anfaca, iyo camal la aqbalo."

Waxaa habboon in la yidhaahdo subax walba salaadda subax kadib, si Ilaahay SWT u barakeeyo maalintaada.

2. Duco arsaaqda iyo shaqada lagu badinayo

اللَّهُمَّ اكْفِنِي بِحَلَالِكَ عَنْ حَرَامِكَ وَأَغْنِنِي بِفَضْلِكَ عَمَّنْ سِوَاكَ

Allāhumma ikfinī biḥalālika ‘an ḥarāmika wa aghninī bifaḍlika ‘amman siwāk

Macnaha: "Ilaahayow, iigu filaysii xalaashaada oo iga dhowr xaaraanta, iina furo fadligaaga oo aan cid kale wax uga baahnayn."

Nabigu ﷺ wuxuu sheegay in qofkii ducadan badiya uu heli doono arsaaq xalaal ah, Ilaahayna uu baahi tirayo.

3. Duco fudud oo shaqo wanaagsan lagu helo

يَا فَتَّاحُ افْتَحْ لِي أَبْوَابَ رَحْمَتِكَ وَارْزُقْنِي مِنْ حَيْثُ لَا أَحْتَسِبُ

Yā Fattāḥu iftaḥ lī abwāba raḥmatika warzuqnī min ḥaythu lā aḥtasib

Macnaha: "Ilaahayow, Cid wax furta adigaa ugu mudane, ii furo albaabada naxariistaada, igana arsaaq meel aanan filayn."

Waxaa la odhan karaa waqti kasta oo la raadinayo shaqo ama fursado cusub.

4. Ducooyinka Qur’aaniga ah oo arsaaqda lagu weydiisto

رَبِّ إِنِّي لِمَا أَنْزَلْتَ إِلَيَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِيرٌ
Rabbi innī limā anzalta ilayya min khayrin faqīr

Macnaha: "Rabbiiyow, waxaan aad ugu baahanahay kheyr kasta oo aad ii soo dejiso." (Surat Al-Qasas: 24)

Duco uu Nebi Muuse CS ku ducaystay markuu shaqo iyo arsaaq u baahnaa, kadibna Ilaahay SWT wuxuu siiyey shaqo iyo xaas.

5. Duco lagu furo albaabada shaqada iyo fursadaha

اللَّهُمَّ يَسِّرْ لِي أَمْرِي وَبَارِكْ لِي فِي رِزْقِي وَاكْفِنِي بِحَلَالِكَ عَنْ حَرَامِكَ

Allāhumma yassir lī amrī wa bārik lī fī rizqī wakfinī biḥalālika ‘an ḥarāmika

Macnaha: "Ilaahayow, ii fududee arrinkayga, ii barakee arsaaqdayda, igu filaysii xalaashaada oo iga dhowr xaaraanta."

Waxaa habboon in la akhriyo marka la raadinayo shaqo ama fursad dhaqaale.

Talooyin Muhiim Ah

  • Salaadda Duxada (Salaadda Barakooyinka/ Salaatul Aw-waabiin) – Salaaddan waxay fure u tahay arsaaqda, Nabigu ﷺ wuxuu yidhi: "Qofkii Duxa tukada, Ilaahay wuxuu u ballan qaaday inuu arsaaqdiisa u fududeynayo."

Sadaqada Badso – Nebigu ﷺ wuxuu sheegay in sadaqadu ay fure u tahay arsaaq badan.

Istighfaar Badi – Qur’aanka kariimka ah waxaa lagu sheegay in istighfaarta badinteedu ay sabab u tahay roob barakeysan iyo arsaaq badan (Surat Nuh: 10-12).

Shaqadu waa qeyb muhiim ah oo nolosha qofka Muslimka ah, waxaana muhiim ah in qofku ku tiirsanaado Ilaahay SWT isagoo kaalmeysanaya duco, samir, iyo u dedaalidda raadsiga Xalaasha. Ilaahay SWT wuu u barakeeyaa maalintiisa ruuxa kallaha, Sida Suubanneheenu SCW innoo tibaaxay: Umaddayda waxa loo barakeeyey kallahaadda.  waxaana lagama maarmaan ah in la raadsado shaqo (aan la fadhiisan, oo aan lasugin mustaqbal) iyo arsaaq xalaal ah (oo laga dheeraado xaaraanta.)

Ilaahay ha inno furo albaabada kheyrka oo haynasiiyo shaqo wanaagsan iyo arsaaq xalaal ah Aamiin 

Guuleyso!  

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164