Dhiirigelinta Shaqaalaha: Shab Hab Oo Lagu Dhiirigelin Karo Shaqaalaha!

May 20, 2022 by somalijobs inc

Dhiirigelinta Shaqaalaha: Shab Hab Oo Lagu Dhiirigelin Karo Shaqaalaha!

Heerka waxsoosaarka shaqaaluhu waxa uu ku xidhanyahay hadba dhiirigelinta ay ka helaan loo shaqeeyayaasha ama maamulaha qaybta hoggaaminaya. Halkan waxa aynu ku wadaagi doonna qodobo dhiirigelin wanaagsan u noqon kara shaqaalahaaga si kor u kac ugu yimaado waxsoosaarkooda sannadkasta marka la qiimeeyo.

1.     1. Aqoonsi

Ha laguu ilmeeyee

horta dhimo afmaahee

Ifkaan kaaga baahnay

In yar oo aqoonsiya!

-        Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) Alle ha u raxmado.

Marka la eego dhiirigelinta shaqaalaha wakhti badan kaa qaadan mayso dirista fariin falcelin wanaagsan oo ku aadan shaqo wanaagsan oo uu qabtay qofka shaqaalaha ahi. Aqoonso shaqo wanaaga iyo kaalinta uu qofku kaga jiro tiirarka shirkadda ama hay’adda. Ku qiimee aqoonta, kartida, daacadnimada, dedaalka iyo dardargelinta hawlaha maalinlaha ah ee u yaala.  Waa mid kamida qodobada kor u qaadi kara waxsoosaarka shaqaale weynahaaga. 

2.     2. Tixgelin

Tixgelintu waa dhiirigelin awood leh marka la eegayo wadashaqeynta maamulaha/looshaqeeyaha iyo shaqaalaha. Xog ururin lagu sameeyey in kabadan 20,000 oo shaqaale xirfadle ah waxna laga waydiiyey in ay ka dareemaan tixgelin maamulka ama looshaqeeyayaasha goobohooda shaqo. 55% waxa ay tibaaxeen in aanay ka dareemin wax tixgelina maamulka goobtooda shaqo. Waa muhiim ku tixgelinta shaqaalahaaga shaqadooda, hawlaha ay u xilsaaran yihiin, kulamada gaar gaarka iyo kuwa guud ahaan ee shaqaalaha.

3.     3. Wadaxidhiidhka (Communication)

Shirkad, hay’ad, xafiis ama ganacsiba midka uu ka wada xidhiidh liito ka shaqaale dhiirigelin iyo shaqo jeclaan liita kuwa kale’ee isku shaqooyinka yihiin. Wadaxidhiidhku waa midkamida tiir dhexaadka shaqo wanaaga iyo in sifiican looga midho dhaliyo hiigsiga ama yoolasha u yaala goobta shaqo. 

4.     4. Bay’ad koboc

Goobta shaqadu in ay noqoto bay’ad dhiirigelisa koboca, hal-abuurka iyo waxsoo kordhintu waa mid ka timaada hoggaamiye dhiirigeliya xirfad korodhsiga si ay maskaxda shaqaalaha ay ugu cariso waxsoosaar cusub ama horumarinta qaab shaqo loo qaban jirey oo hore. Waa midkamida qodobada dhiirigelinta suuban u noqon kara shaqaalaha.

5.     5. Falcelin iyo Abaalmarin

Sii shaqaalahaaga falcelinta kasoo noqota shaqadaa mid saxan iyo mid khaldanba adiga oo u maraya wadada ku habboon kuna siina meel aad gaar ku tihiin sida xafiiskaaga. Waxay ka caawinaysaa shaqaalaha in ay horumariyaan shaqadooda maalinlaha ah.

Ku abaalmarin wax farxad gelinaya shaqaalahaga shaqada wanaagsan qabta. Marka shaqadaasi dhamaato ama sannadkiiba. Dhiirigelintani waxay sare uqaadaa dareenka farxadeed ee shaqaalaha taasoo keensanaysa kordhinta dedaalada maalinlaha ah ee ku aadan shaqada ay u xilsaaran yihiin.

Shantaa qodob iyo arrimo kale oo badani waxay dhiirigelin karaan shaqaalaha si waxsoosaarkoodu u kordho. Waa muhiim in looshaqeeyuhu maskaxda ku hayo taas.

Tixgelin

 --------------------------------------------
Guuleyso

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato.

Tixgelin