chat account_circle
  • chat
  • Somalijobs Inc
    Somalijobs Inc

    Shan (5) Arrimood Oo Qiimahaaga Hoos U Dhigaya

    1. Xirfadda wada-xidhiidhkaaga oo liita (Communication)

    Badi goobo badan dadka ka hawlgala waxa lagu arkaa tilifoon qabasho la'aan, fariin ka jawaabis la'aan iyo ku celin la'aan qofkii hawsha u socday ama balan qabsashada. Mararka qaar waxa dhacda in qofku iskaga xidho lama heli karo ama waa mashquul iyadoo laga yaabo qofka wacayaa inuu arkayo ruux aan hawl hayn oo meel iska fadhiya.

    Dadku tixgelinta ay kuu hayaan way hoosaysaa haddii wada-xidhiidhkaagani liito. Siiba dadka usoo adeeg, shaqo, balan iyo hawl doonanaya goobta aad ka hawlgasho. Waa xirfad haddii aad hagaajiso kuu furaysa albaabo badan, haddii aad iska indho tirtona qiyamkaaga iyo qiimahaaga hoos u dhigaysa.

    ''Wadaxidhiidhka - Isku xidhka bani-aadamku - Waa furaha guulahaaga shakhsiyadeed iyo shaqo.'' Paul J. Meyer

    2. Beenta

    Waad ku raaligelin kartaa been balse cidhib danbeedkeedu waa in lagaa aamin baxo. Taas bedelkeeda halkii aad ku raaligelin lahayd been aqbal runta, runta u bandhig ruux kasta oo hawl iyo arrin kuula yimaada. Haddii aad qaban karto aqbal, haddii aanad awood u lahaynna ma qaban karo dheh. Nebigu SCW wuxuu inoo sheegay in Ilaahay agtiisa ay laba liis yaalaan: 1. Liiska dadka runta sheega 2. Liiska dadka beenta sheega

    3. Ka hadalka waxwalba.

    Dhankii loo jeediyoba haddii aad ujeediso waxa halaabaya qiimahaagii. Waxa la garan waayeyaa wax laguugusoo hagaago oo la odhan karo ruuxaasa ugu mudan oo xog iyo xeeladba innala wadaagi kara'e innoo geeya. Inaad ka dhowrsato kahadalka wax walba waa xikmad iyo indheergaradnimo aad dadka dheertahay. Naftaada si fududbaad ugu tababari kartaa caadooyin cusub oo ay tani kamid tahay.

    4. Ceebaynta dadka.

    In kabadan intii aad ka shaqeyn lahayd buuxinta qabyadaada nololeed iyo ceebahaaga haddii aad hadh iyo habeen ku fooganaato ceebaynta iyo hadal haynta addoomaha Ilaahay abuurtay kuwooda wanaagsan iyo kuwa xumaha doonka ah waa liidnimo iyo hooseyn.

    Waxay keensanaysaa inay dadka garashada lihi kaa durkaan, kuuna arkaan ruux duulaanku ah sharaftooda iyo qiyamkooda oo beri kaga sheekayn kara meelahaas oo aan la isku halayn karayn.

    5. Laba danbiile:

    In aad war u kala qaado dadka aad wada shaqeysaan, maamulka iyo shaqaalaha amma dadka kugu xeerani waxay hoos u dhigi doontaa qiyamkaaga iyo sumcaddaada. Waxa lumi doonta kalsoonida lagugu qabo oo hoggaaminaysa in la dhimo wadashaqeyntaada iyo wadaqabasho hawlo muhiima.

    وَمَن يَكْسِبْ خَطِيٓـَٔةً أَوْ إِثْمًۭا ثُمَّ يَرْمِ بِهِۦ بَرِيٓـًۭٔا فَقَدِ ٱحْتَمَلَ بُهْتَـٰنًۭا وَإِثْمًۭا مُّبِينًۭا ١١٢

    Ruuxii shaqaysta danbi yar ama danbi wayn, Dabeeto kutuura ruuxaan waxba sameyn (hebelbaa waxaa sameeyey) (Ruuxaasi laba danbibuu galay) Ruuxaasi wuxuu xambaartay hafaryo (been abuurad) iyo danbiyo.

     

     

    Guuleyso!    

    Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

    Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

    Tixgelin.

    --------------------------------------------------    

    Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

    Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

    (IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164