Kaabayaasha Shaqada

Kaabayaasha shaqada 

 

Waxa jira xirfado fudud oo kaa caawin doona in aad kor u qaado awoodda shaqadaada. Qofku wuxuu u baahan yahay in uu aqoon dheeraada u lahaado shaqadiisa, marar badanna uu ku dadaadalo sidii uu u kordhin lahaa aqoonta uu u leeyahay shaqadaa uu qabanayo. 

 

Cilmi baadhhis cusub ayaa daaaha ka qaaday, in shaqooyinka fudud ee ay ka midka yihiin: dhir beerista, jimicsiga gaaban iyo kuwo kale oo aad maalin walba samayso ay ilaaliyaan caafimaadka maskaxda ee qofka. Khubarada soo saaray daraasaddan ayaa sheegay, in shan shaqo oo noocan oo kale ah oo maalin walba la smaeeyo ay u keeni karaan maskaxda deganaanshiyo iyo feker qoto dheer oo wax-ku-ool ah. Daraasaddan waxaa si wada jira iskugu duba riday 400 oo aqoon yahan oo ku takhusasay cilmi nafsiga iyo cilmiga habdhiska noolayaasha. Shantan qaybood ee ah ficilada maalin kasta loo baahan yahay ayaa waxaa ka mida: booqashada qaraabada, asxaabta iyo jaarka, u furfurnaanta ciyaaraha, barashada xirfadaha kala duwan iyo sidoo kale fursad siinta dadka kula wadaagaya hawsha aad markaas qabanayso.  

 

Innaga oo ka faa’iidaysanayna daraasadan waxaynu eegi doonaa xirfado fudud oo uu qofku u baahan yahay in uu ku dhex barto, sidoo kalena laga helo shaqadiisa.  

 

  1. Wada xidhiidh  

Xirfad wada xidhiidh oo wanaagsan waa u muhiim qofka shaqadiisa, sidoo kalena waxay ka caawinaysaa in uu qofku ahaado mid soo jeeda, xidhiidhna la le dadka.  

  1. Wada shaqayn 

Qofku waa in uu awood u lahaado in uu si fiican u dhex geli karo dadka sidoo kalena uu qayb wayn ka ahaado shaqooyinka socda.  

  1. La qabsi 

Loo shaqeeyayaashu waxay qiimeeyaan dadyowga sida dagdaga ah ula qabsada isbadelka; kuwaas oo oo aanay mar kastak u adkaan la qabsiga isbadellada ku dhacaya tiknoolajiga (Technology) amaba gudaha shaqada.  

  1. Mushkilad xallinta  

Qofku waa in uu awood u lahaado xallinta mushkiladaha, ahaadana mid u fekera si qoto dheer; kuna dadaala in uu ahaado mid u taagan xallinta mashaakilka ka dhaca goobta shaqada.  

  1. Maareynta waqtiga 

Waxaa waajib ah in qofku awood u leeyahay in uu kala muhiimad siiyo shaqooyinka, sidoo kalena uu ogaado xilliyada ay ku beegan yihiin ballamuhu. Mar kastana uu ka fekero sidii uu iskugu miisaami lahaa waqtiga uu haysto iyo wax soo saarkiisa.  

  1. Hogaaminta  

Qofku waa in uu lahaado xirfad hogaamineed oo adag, oo ay ku jiraan in uu awood u leeyahay in uu dhiirigeliyo shaqaalaha, sidoo kalena uu hago cidda uu ka aqoon badan yahay, qayb waynna uu ka qaato koritaanka shaqada.  

  1. Hal-abuurka 

Waxaa waajiba qofku in uu balaadhiyo fekerkiisa, sidoo kalena uu awood u leeyahay in uu abqaalo fekrado cusub. 

 

Xirfadahan oo aad isku qalabaysaa, waxay kor u qaadayaan awoodda aad ugu guulaysan karto shaqadaada.

--------------------------------------------------------      

Guuleyso      

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164