10 Hab Oo Aad Ku Heli Karto Dalacsiin Shaqo!
Nov 23, 2024 by

Haddii aad doonayso inaad dalacsiin ku hesho shaqadaada, waxaa muhiim ah inaad muujiya xirfad, dedaal, iyo hab-dhaqan wanaagsan oo kaa dhigaya shaqaale mudan. Halkan waxa aynu ku wadaagi doonnaa 10 hab oo muhiim ah oo kaa caawin kara inaad ku hesho dalacsiin:
1. U qabso shaqadaada si ka baxsan filashada
Muuji inaad ka badan tahay waxa lagaa filayo. Ka faa’idayso fursaddaha si aad u qabato shaqo tayo sare leh oo xitaa aan lagaa codsan. Ka horee maamulehaaga oo noqo qof is dira ee aan la sugin inta shaqo loo dirayo. Arrintaasi waxay dhisaysaa sumcaddaada, kalsoonida lagugu qabo, kartidaada, kalsoonidaada iyo ku faraxsanaanta natiijada tacabkaaga.
2. Baro xirfado cusub
Ku dedaal inaad kasbato xirfado cusub oo ku xoojinaya awooddaada shaqo. Xirfaddaha sida maaraynta, hoggaaminta, iyo tiknoolajiyadda waa kuwa aad loo qiimeeyo isla markaana kor u qaadaya hankaaga, doonistaada, naftaada iyo in aad kor u socoto.
Akhris ku maalgelin naftaada si kalsoonidaadu kor ugu kacdo. Maalinkasta ugu yaraan 30 daqiiqo wax akhri. Maanta halka aad joogto iyo sannad kaddib halka aad gaadhi doontaa waxay ku xidhan yihiin inta buug ee aad akhrido, muuqaallada aad daawato, dadka aad la fadhiisato iyo dedaalka maalgelineed ee aad naftaada geliso.
3. La wadaag yoolalkaaga maamulayaasha
U muuji maamulahaaga inaad rabto horumar iyo inaad diyaar u tahay inaad qaado mas’uuliyado dheeraad ah. Haddii aan doonisba lagaa arag arrinkaagu wuxuu noqon bartii yaqaan bari uma korodho. Raadi isku dayo cusub oo kuu diyaarinaya waayo-aragnimo shaqo oo ka badan inta aad maanta hayso.
4. Dhis xidhiidho wanaagsan
Samee xidhiidh wanaagsan oo la yeelo saaxiibadaada shaqada iyo maamulayaasha. Xirfaddaha xidhiidhada bulshada ayaa kaalin weyn ka qaata horumarkaaga shaqo. Waxaad ka kasban khibrad, waayo-aragnimo, talooyin iyo hoga-tusaaleyn waxbadan nolosha kaa tarta. Qayb-qaybi dadyowga kugu xeeran: Kuwo kaa aqoon iyo khibrad badan oo aad la fadhiisato wakhtigaaga qayb kamid ah, Kuwo kula aqoon iyo khibrad ah oo aad wax falanqeyn kartaan iyo kuwo kaa aqoon iyo khibrad yar oo aad wax ku biirin karto.
5. Ka qayb qaado mashruucyo waaweyn
Si firfircoon uga qayb qaado mashruucyada muhiimka ah ee shirkadda si aad u muujiso inaad diyaar u tahay inaad qaado waajibaadyo cusub.
6. Raadi fursado tababar
Ka qayb qaado tababaro iyo aqoon-isweydaarsiyo si aad u kordhiso aqoontaada iyo xirfaddahaaga. Shirkaduhu waxay jecel yihiin shaqaale is-horumariya. Daqiiqad haddii aad wakhti hesho kaga faa’idayso inaad ku maalgeliso naftaada.
7. Lakaalay xalka dhibaatooyinka
Noqo qof xalliya dhibaatooyinka, halkii aad ku mashquuli lahayd ka cabashada. Tani waxay muujinaysaa inaad leedahay awood hoggaamineed. Dadka xalka heli og baad ka mid noqonaysaa haddii aad isku daydo ka fikirka, falanqaynta iyo xallinta caqabadaha iyo dhibaatooyinka soo wajaha goobta shaqada.
8. Ka dhex muuqdo shaqaalaha
Muuji kartidaada iyo waxtarkaaga si cad oo muuqda, si maamulayaashu u ogaadaan inaad tahay qof muhiim u ah kooxda. Kaab oo ku caawi waayo-aragnimadaada akhyaarta kale ee goobta shaqada waxay kor u qaadi kalsoonidaada iyo kaalinta aad kaga jirto goobta shaqada.
9. Xushmee waqtiga iyo anshaxa shaqada
Ka dhig inaad tahay shaqaale lagu aamino waqtiga, xirfadda, iyo anshaxa wanaagsan. Hab-dhaqan wanaagsan ayaa ku kordhinaya sumcaddaada. Ha sugin in lagu maamulo, in lagu diro, in lagu tilmaamo balse qaado kaalinta shaqadaada oo adigu iswad hubaal adigaa hoggaaminta yeelan doona oo lagu mahadin doonaan. Inbadan oo kamid ah maamuleyaasha goobta shaqaduna ku faani doonaan kartidaada iyo shaqo wacnidaada.
10. Codso dalacsiin marka aad diyaar tahay
Haddii aad aaminsan tahay inaad diyaar u tahay dalacsiin, u soo bandhig maamulahaaga qorshe cad oo muujinaya sababta aad ugu qalanto boos sare.
Haddii aad ku dhaqanto hababkaas, fursaddaha aad ku heli karto dalacsiin si weyn ayay u kordhayaan. Isku kalsoonow, si joogto ah isku horumari, oo ha ka cabsan inaad soo bandhigto awooddaada.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164