Shaqada: Xaqa Lagu Leeyahay Shaqaalaha!
Oct 08, 2022 by

Shaqadu waa jihaad. Asxaabtu waxay arkeen nin dhallinyaro ah oo xoog ah. Saxaabadu waxay yidhaahdeen,’’ Ninkaas dhallinyarada ahi haddii xooggaa uu la geli lahaa jihaadka lagula jiro gaallada way wanaagsannaan lahayd.’’ Nebigu CSW Waxa uu ku yidhi, ‘’ Isaga laftiisu haddii uu hawlo kale oo wanaagsan uu ku qabanayo xoggiisa inuu jihaad ku jiro.’’ Nebigu CSW waxa uu tilmaamay, ‘’ Haddii ninkani u baxay isaga oo u shaqeynaya caruur yar-yar, Haddii ninkani u baxay isaga u shaqeynaya laba waalid oo waaweyn jihaad ayuu ku jiraa, isaga oo naftiisa dhawraya oo su’aal, shaxaad iyo dawarsi kaa ilaalinaya oo waxsoosaar ugu dedaalaya naftiisa jihaad ayuu ku jiraa. Hadduu soo baxay isaga oo faanaya oo istusnimo u jeeda shaydaanbaa hagaya.’’
Xaqa shaqaalaha lagu leeyahay way badan yihiin, waxa ka mid ah:
1. Shaqo Wanaag
Ilaahay SWT waxa uu yidhi,‘’Marka aad salaadda dhameysataan dareera, shaqo taga oo waxsoosaara.’’
Qabashada shaqo qofku kartideeda iyo awooddeeda leeyahay si waxsoosaarka laga filayaa u noqdo mid buuxiya halkii loo qoondeeyey ama qorsheeyey iyadoo la adeegsanayo wakhtiga, kharashka iyo agabka kale ee loo asteeyey. Shaqaalaha waxa xaq loogu leeyahay ka shaqeynta shaqo uu/ay aqoon, khibrad, karti iyo dedaalkeedaba leedahay/leeyahay isla markaana qofku keeni karo natiijada loogu dirtay hawshan shaqo.
2. Ballan
Ilaalinta ballanta wakhtigeeda. Maskaxda ku hayn wakhtigaaga in aad ka iibisay looshaqeeyaha. Inta saacaddood ee shaqada wakhtigaa waxa leh looshaqeeyaha, waxaad ku qaban kartaa shaqada uu kuu igmaday oo kaliya. Haddii aad wakhtigaa maqnaato, baxdo, hawlo kale ku buuxsato, baraha bulshada iska isticmaasho, hawshii dayacanto amma dib u dhacdo saacaddahaa mushaharkaaga waad ka jaraysaa oo waad u celinaysaa haddii kale waa xaaraan ee ogow alle idamkii (Ilaa aad fasax ka qaadato mooyaane).
Mushaharkaaga iyo wakhtigaagu way isku miisaaman yihiin. Markaad saacad ama laba maqnaato intaa ku beegan ee mushaharkaaga ahi xaaraanbay noqonaysaa.’’ Inta aad maqantahay xaq uma lihid inaad wax ku qaadato.(Sh. Dirir)
3. Ammaano
Ilaahay SWT Wuxuu shardi ka dhigay, ‘’ qofka shaqeynayaa in laba arimood muhiim u yihiin: amaano iyo xoog.’’
Masuuliyaddu waa amaano. Xaqa shaqaalaha lagu leeyahay waxa kamid ah in qofku ilaaliyo ammaannada goobta shaqada sida hantida, sirta, warbixinta, xirfaddaha Iwm ee goobta shaqadu leedahay.
Tusaale1,
“Ninbuu Nebigu CSW u diray inuu maal soo ururiyo, markii uu keenay wuxuu yidhi intan idinkaa leh haddii aad muslim tihiin, intan kalena aniga ayaa leh. Nebigu CSW waa uu ka xanaaqay. Markii Nebigu mimbarka fuulay waakii yidhi, ‘’ Maxay ku dhacaysaa qof shaqaale ah intoonu shaqo udirno wixii uu keenay qaybiyo oo uu yidhaahdo intan anigaa leh intanna idinkaa leh. Bal miyu gurigii hooyadii fadhiyo in loosoo hadiyadeeyo.’’
4. Caddalad
U caddaalad sameynta dadka ama macaamiisha aad u adeegayso. Qof aad garenayso iyo qof aanad garenaynba waxa waajib kugu ah u caddaalad sameyn aan dheeli iyo fudeydin midna aan lahayn haddii kale waa xaq darro iyo dulmi, Ilaahayna ma jecla xaqdarrada.
Tusaale2;
Nebigu CSW Waxa uu yidhi, '' Qofkasta oo adduunka marka uu joogo toban qof iyo waxkabadan xukumay waxa la soo joojinaya aakhiro isaga oo xidhan(garba duuban). Haddii uu caddaalad sameyn jirey waxa la odhanayaa ka fura, malaa'igtaa iyo mu'miniinta ayaa u markhaati furaya. Haddii aanu caddaali aheynna jiq ayaa lagusii siinayaa.''
5. Ilaalinta Hantida
Ilaalinta hantida sida shaqaalaha, agabka, sirta, macluumaadka, nidaamyada iyo mashaariicda hantiyeed ee goobta shaqo leedahay ganacsi/hay'ad amma xafiis dawladdeedba.
Tusaale3,
‘’Cumar Ibnu Cabdicasiis nin badhasaabbaddiisii kamid ahbaa u yimid, warbixintiibuu siiyey dhulkii uu madaxda ka ahaa. Intii ay shaqadu usocotay laabmadbaa u baxaysay, markii ay arrintii dhamaatay iyo warbixintii laga hadlayey ayuu ninkii doonay inuu sigaara u waraysto Cumar Ibnu Cabdicasiis. Markuu arkay inuu ka baxay hawshii dawladda ayuu laambaddii bakhtiiyey oo uu tukale siraaday. Ninkiibaa wuxuu ku yidhi malaha waxa fiicnayd inaad taa hore inoo dayso taasaaba yara iftiin wayneyde. Cumar wuxuu ugu jawaabay, ‘’ Intii hore arrinka umadda ayeynu haynay, iminkana dan gaar ahbaynu ka hadlaynaa oo taada iyo tayda ah markaa taydan gaarka ahbaynu shidaynaa.’’
Haddii aanad sidaa isku ilaalin adduun iyo aakhiroba waydiinbaa ku hortaala kusaabsan hantiddaa masuulka lagaaga dhigay.
Tixraac
Buug: Nuun
Buug: Dhambaallada Qur'aanka
Muxaadaro: Sheekh Dirir
Muxaadaro: Sheekh Mustafe
------------------------------------------------------------------
Guuleyso
Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ogolaansho ah la xidhiidh [email protected]
Tixgelin
---------------------------------------------------
NAGUSOO BIIR --- SOMALI JOBS
Telegram: https://t.me/somalijobsinc
Linkedin: https://www.linkedin.com/company/somali-jobs/
Facebook: https://www.facebook.com/somalijobs
Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somalijobs
Twitter: https://twitter.com/somalijobs
Instagram: https://www.instagram.com/somalijobs/
Application: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
---------------------------------------------------------