Sida Loo Qorsheeyo Ajandaha Kulan Wax Ku Ool Ah!
Apr 30, 2025 by

Sida Loo Qorsheeyo Ajandaha Kulan Wax ku ool Ah!
Kulan walba wuxuu noqon karaa mid horumar keenaya ama mid waqti iyo tamar luminaya. Waxa u dhexeeya labadaas waa hal arrin muhiim ah: Qorsheynta ajandaha kulanka.
Ajande si fiican loo diyaariyay wuxuu kulanka ka dhigaa mid fiiro leh, habaysan, oo wax soosaar leh, halka ajande liita uu keeno jahawareer, waqti lumis, iyo niyad jab.
Haddaba, waa kuwan tillaabooyin aad raaci karto si aad u naqshadeyso ajande kulameed wax ku oolka ah:
1. Ku Bilow Ujeeddo Cad
Ka hor intaadan qorin ajandaha, is weydii:
- Maxaa loogu baahan yahay kulankan?
- Waa maxay natiijada aan rabno inaan kulanka ka gaadhno?
Haddii ay tahay go’aan gaadhid, xal u helid dhibaato, curinta fikrado, ama bixin warbixinno, ujeeddo cad ayaa dejinaysa jihada iyo qaabka kulanka.
Tusaale:
Ujeeddo: "In lagu go’aamiyo istiraatiijiyadda suuq-geynta ee soo bandhigidda alaabta cusub."
2. Kala hormari qodobada
Liisgaree dhammaan mowduucyada la rabayo in la ka hadlo, kadibna mudnaan u kala saar.
Marka hore ka shaqee arrimaha ugu muhiimsan inta maskaxda iyo feejignaanta dadka ay wali sarreyso.
Iska ilaali inaad ajandaha ka dhigto mid aad u tandhaaf ah, waxaa fiican in qodobo yar si qoto dheer looga wada hadlo halkii qodobo badan si deg-deg ah loo dulmarilahaa.
3. U qoondee wakhti,qodob walba
Qodob walba u samee wakhti cayiman. Tani waxay ka hortagtaa in hal mowduuc uu qabsado waqtiga intiisa badan, waxayna ilaalisaa habsami u socodka kulanka.
Talo:
- Samee dhowr daqiiqo oo hordhac u ah qodob walba, si aad uga fogaato dib u dhac.
- U kaydi 5–10 daqiiqo ugu dambeysa in lagu soo koobayo talaabooyinka xiga.
Tusaale:
- Dulmar Miisaaniyadeed:15 daqiiqo
- Go'aaminta Istiraatiijiyadda Suuq-geynta: 30 daqiiqo
- Jadwalka Soo Bandhigidda Alaabta: 20 daqiiqo
4. Caddee mas’uuliyadda qodob walba
Qodob walba ku lifaaq:
- Qofka hogaaminaya doodda
- Qofka soo bandhigaya xogta
- Qofka talooyinka bixinaya
Tani waxay diyaarinaysaa kaqeybgalayaasha kulanka waxayna hubisaa in qof walba uu fahmo doorkiisa.
5. Wadaag ajandaha kahor kulanka
U dir ajandaha ugu yaraan 24–48 saacadood kahor kulanka.
Tani waxay siisaa kaqeybgalayaasha:
- Fursad ay ku diyaariyaan warbixinadooda
- Fursad ay ku keenaan aragtiyo cusub
- Fursad ay ku soo jeediyaan wax ka beddel haddii loo baahdo
Ajande hore loo helo wuxuu kor u qaadaa feejignaanta iyo waxtarka kulanka.
6. Ku dar dhukumentiyada taageeraya
Ku lifaaq dhukumentiyo muhiim ah sida warbixino, jaantusyo, ama qorshayaal.
Tani waxay xaqiijineysaa in dadku yimaadaan kulanka iyaga oo si fiican u diyaar ah, halkii ay kaliya dhagaysan lahaayeen.
7. Ku dhammee qorshe hawleedka
Qodobka ugu dambeeya ee ajandaha ha ahaado in laga wada hadlo tallaabooyinka xiga ama hawlaha la qabanayo.
Caddee:
- Go’aanada la gaadhay
- Qof walba masuuliyaddiisa
- Waqtiyada kama dambaysta ah ee la dhammeystirayo howlaha (Deadline)
Tani waxay hubisaa in kulanku u beddelmo ficil la taaban karo, halkii uu noqon lahaa hadal qudha.
Tusaalaha ajandaha kulan
Ujeeddo: Go'aaminta qorshaha soo bandhigidda alaabta cusub
Taariikh/Wakhti: Salaasa, 6da May 2025 | 10:00 AM – 11:30 AM
Goob: Qolka Shirarka B / Zoom
Kulan wax-ku-ool ahi iskama dhaco si aan kutalo gal ahayn, wuxuu u baahan yahay ajande si fiican loo diyaariyay. Adigoo dejinaya ujeeddo cad, si wanaagsan u kala hormarinaya mowduucyada, maamulaya waqtiga, oo si fiican u diyaarinaya kaqeybgalayaasha, waxaad kulamada ka dhigi kartaa aalad kor u qaada waxqabadkaaga goobta shaqada.
Maskaxda ku hay: Ajandaha wanaagsan ma aha kaliya shax; waa khariidada guusha. Hadba inta dedaal, diyaargarow iyo karti lagu bixiyo ayuu qiime sare yeelanayaa oo uu midho dhal fiican yeelanayaa.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164