Horumarinta Naftaada: Talaabooyinka Kobaca
Aug 01, 2023 by
Si aad naftaada u horumariso, diiradda saar korriinka shakhsi ahaaneed iyo horumarintiisa. Waa kuwan qaar ka mid ah tallaabooyin aad raaci karto, oo kugu hagaya sidii aad naftaada u horumarin lahayd:
Deji yoolal cad-cad
Qeex waxa aad rabto inaad gaadho, abuurna yoolal la fulin karo, oo waaqici ah oo aad ku shaqayn karto.
Waxbarasho joogto ah
Akhri buugaag, qaado koorasyo, kuna dadaal in aad kordhiso xiisahaaga ku aadan inaad balaadhiso aqoontaada iyo xirfadahaaga.
Ogaanshaha Nafta
Ka fikir meelaha aad ku fiican tahay, meelaha aad ku liidato, iyo waxa aad qiimayso si aad si fiican u fahanto naftaada.
Aqbalaada caqabadaha
Ka bax aagagga raaxada oo qaado caqabado cusub si aad u samayso korriin nafeed una barato adkaygsiga.
Ku celceli is-edbinta
Kobci caadooyinka kor u qaadaya anshaxa iyo joogteynta dhaqannada wanaagsan. Tanina waa talaabo kor u qaadaysa in aad horumariso naftaada.
Raadi jawaab celin
Qofka doonaya in uu horumariyo naftiisa waxaa lagama maarmaan ah in uu u furnaado dhaliil kasta oo wax dhisaysa si aad u aqoonsato meelaha aad u baahan tahay in aad hagaajiso.
Maareynta wakhtiga
Mudnaanta sii hawlaha oo si hufan u maamul wakhtigaaga si aad u ahaato mid waxtar leh.
Si wanaagsan u feker
Mar kasta ku dadaal sidii aad uga fekeri lahayd wax kasta oo waxtar u le horumarinta naftaada, si aad uga war-hayso fayo-qabkaaga guud.
Xidhiidho macno le
Naftaada ku xeer shakhsiyaad wanaagga kugu taageersan iyo kuwo aad isku aragti tihiin; kuwaas oo ku dhiirigelin kara.
Naftaada daryeel
Diirada saar jimicsiga jidhka, nafaqeynta saxda ah iyo nasasho kugu filan si aad u ilaaliso tamartaada iyo awoodda maskaxdaada.
Xusuusnow, horumarka shakhsi ahaaneed waa geedi socda, markaa u samir naftaada una xus horumarkaaga inta aad jidka ku jirto.
Xadiis ku saabsan horumarinta nafta
Mid ka mid ah Xadiisyada laga weriyay Nebi Muxammad NNKH, ee ku saabsan horumarinta nafta ayaa ah:
“Mu’minka xoogga leh ayaa Alle agtiisa uga kheyr badan, loogana jecel yahay mu’minka daciifka ah, labadabana kheyr ayaa u sugnaaday. Eebbena talo saaro, hana niyad jabin, haddii ay wax kugu dhacaan ha dhihin “haddaan saas iyo sidaas samayn lahaa,” laakiin waxaad tidhaahdaa, waa qadarkii Eebe, wuxuuna falaa wuxuu doono. Waayo odhaahda 'haddii' waxay albaabka u furaysaa faragelinta Shaydaanka." (Saxiix Muslim)
Xadiiskani waxa uu xoogga saarayaa muhiimada ay leedahay kobaca qofka, awoodaynta akhlaaqda, iyo talasaarashada Alle iyada oo laga fogaanayo in lagu mashquulo qoomamaynta ama shakiga. Waxa uu (xadiiskani) ku dhiirigelinayaa mu'miniinta inay diiradda saaraan sidii ay naftooda u hagaajin lahaayeen, una raadin lahaayeen cilmi faa'iido u leh.
--------------------------------------------------------
Guuleyso
Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164