Qorista Fikraddaha!

 Qorista Fekradaha

 

Xawliga degdega ah ee adduunka iyo da'da dhijitaalka ah ee aynu ku nool nahay, waxa jira ku-dhaqan qadiimi ah oo weli ah qalab awood u leh korriinka shakhsi ahaaneed, is-helidda iyo fayo-qabka-maskaxda. Bal qiyaas tan: meel gaar ah oo fikradahaaga, riyooyinkaaga iyo hamigaagu ay si xor ah ugu qulquli karaan, iyadoon culays ka saarnayn dalabaadka adduunka kaa baxsan. Qoristu waa nafisaad wakhtigaaga gaarka ah, wada sheekaysi aad la yeelanayso naftaada iyo socdaal aad ku aadayso gunta maskaxdaada iyo qalbigaaga. Marka laga soo tago ficilka fudud ee qalinka warqadda la dul dhigayo, qoristu waa albaab laga galo adduunka faa'iidooyinka la taaban karo. Waa agabka aad ku dhex marto nolosha adag ee degdegga ah, waa isha laga helo nasteexo wakhtiyada qalalaasaha iyo fanka hurinaya hal-abuurkaaga. Ku biir hal-doorka mufakiriinta waaweyn ee taariikhda, hoggaamiyeyaasha iyo aragti-yahannada ka faa’iidaysta awoodda wax-bedelka ee qorista fekradaha, una billow safar is-helid iyo korriin qofeed oo aan cid kale kugu wehelinayn. Waa markii aad furi lahayd maalka qarsoon ee maskaxdaada iyada oo aad u marayso farshaxanka feker qoridda.

 

Jahawareerka iyo mashquulka nolosheenna maalinlaha ah, iyadoo ay ku dhex jiraan degdega iyo sawaxanka joogtada ah ee innagu hareeraysan, waxaa jira meel qarsoon—goob qiime le oo aan u baahnayn qalab gaar ah, xirfado aan caadi ahayn iyo jadwal go’an oo aan laga talaabi karin. Waa farshaxanka aan waqti lahayn ee qorista fekradaha iyo hawl-qabadyada; dhaqanka ku baraya inaad hakiso, milicsato, oo aad furto kaydka faa'iidooyinka fekradaha. Bal qiyaas in aad haysato qof aad ku kalsoon tahay oo si dulqaad leh u dhegaysta fikradahaaga hoose, riyooyinkaaga iyo male-awaaladaada; iyada oo aan lagu xukumayn. Kalsoonidaas ayaa ah fekradahaaga qoran, bogaggiisana waxaa ku jira awoodda lagu dhimi karo walbahaarka, kicinta hal-abuurka, kor u qaadida wacyiga nafta iyo jaan-goynta jidkaaga xagga korriinka shakhsi ahaaneed iyo dhammaystirka hawlahaaga. Ku gal safar qalinkaaga iyo warqadaada, oo soo hel dunida xiisaha leh ee qorista fekradahaaga - adduun is-helid lana kulan horumarka naftaada iyo halka ficilka fudud ee qoraalku uu noqdo xoog wax beddela. Ku soo dhawoow saaxada qorista fekradaha, halkaas oo qalinku runtii ka xoog badan yahay sidaad waligaa u malaynaysay.

 

Qorista fekraduhu waa hab-dhaqanka aad si joogto ah ugu qorto fikradahaaga, dareenadaada, khibradahaaga iyo wax kasta oo aad u aragto xusuus-qor. Waa hawl shakhsi ah oo inta badan is-fiirsasho leh halkaas oo aad ku duubto fikradahaaga. Ujeedada ugu weyn ee qorista fekraduhu waa in aad qabsato fikradahaaga iyo shucuurtaada, kuwaas oo kaa caawin kara is-wacyigelinta, dhimista walaaca, korriinka shakhsi ahaaneed ikk. Waa hab-dhaqan dabacsan oo la beddeli karo oo lagu jaangooyo baahiyahaaga iyo yoolalkaaga gaarka ah.

 

1.      Is-milicsiga: Qorista ayaa kaa caawinaysa inaad si fiican u fahamto fikradahaaga iyo dareenadaada.

 

2.      Dhimista walbahaarka: Qoraalku waxa uu noqon karaa hab daweyn ah oo lagu sii daayo walbahaarka iyo werwerka.

 

 

3.      Dejinta yoolasha: Qoristu waxay caawisaa dejinta iyo dabagalka yoolalkaaga. Waxaad helaysaa kaydkii yoolashaada oo kuu diyaarsan.

 

4.      Kobcinta hal-abuurka: qoristu Waxay kicin kartaa hal-abuurkaaga iyo xirfadahaaga xallinta dhibaatooyinka. Marka aad qorto fekradahaaga waxaad ku dhiiran kartaa in aad sii balaadhiso hanaanka fekerkaaga.

 

 

5.      Hagaajinta xusuusta: Qoraalku waxa uu caawiyaa xoojinta xusuusta. Mar kasta oo aad wax qorto way ka xasuus badan tahay mar kasta oo aad hadasho oo aad iska dhaafto.

 

6.      Nidaaminta shucuurta: Qoristu waxay kaa caawin kartaa inaad maareyso oo aad nidaamiso shucuurtaada; lana socoto dareenadaada.

 

 

7.      Ku celcelinta mahadnaqa: qoraalku waxa uu kuu fududaynayaa in aad is barato oo aad kobciso wanaaggaaga.

 

8.      Is-helid: qorista fekraduhu waa aaladda is-sahaminta iyo is-ogaanshaha.

 

 

9.      Maaraynta wakhtiga: qorista fekraduhu waxay wanaajin karaan maaraynta wakhtiga iyo wax soo saarkaaga qofeed.

 

10.  Bogsiinta iyo soo kabashada: Qorista fekraduhu waxay noqon kartaa qayb ka mid ah habka bogsashada waqtiyada adag.

 

 

11.  Qabsashada fikradda: Way ku fiican tahay qorista fikradaha laga yaabo in si kale loo ilaabo, fekrad muhiim kuu ahayd.

 

12.  Go'aan qaadasho: qorista fekraduhu waxay ka caawisaa samaynta go'aamo xog ogaal ah adigoo miisaamaya faa'iidooyinka iyo khasaarooyinka.

 

 

13.  Xallinta mushkiladda: Qorista fekraduhu waxay u horseedi kartaa xalal hal abuur leh oo khuseeya arrimahaaga shakhsi ahaaneed. Waxay sidoo kale kuu fududaynaysaa in aad si fudud ku ogaato mashaakilka kugu soo noqnoqda.

 

14.  Kobac shakhsiyeed: Waxa ay kor u qaadaa is-horumarinta nafta waxayna kuu kordhinaysaa fursadaha joogtada ah iyo horumarinta nafta.

 

 

15.  Maskax furnaan: qorista fekraduhu waxay dhiirigelisaa ku noolaanshaha wakhtiga aad joogto; oo waxaad noqonaysaa qof wacyigiisu joogo.  

 

16.  Dabagalka hab-dhaqannada: Qorista fekraduhu waxay faa'iido u leeyihiin la socodka caadooyinka iyo qaababka dabeecadahooga.

 

 

17.  la Xisaabtanka nafta: qorista fekraduhu waxay kaa caawinaysaa inaad la xisaabtanto ballan-qaadyadaada, naftaadana ku dardar geliso jidka guushaada.

 

18.  hoos u dhaca walbahaarka: qorista fekraduhu waxay keensanaysaa aqoonsiga walbahaarka waxayna horseedi kartaa maaraynta walbahaarka oo aad u maarayso sid ugu wanaagsan.

 

 

19.  Aragtida: qorista fekraduhu waxay kaa caawin karaan in aad mustaqbalkaaga sawirto oo aad qorsheyso tallaabooyinka aad ku gaadhayso himiladaada.

 

20.  Diiwaanka nolosha: Qorista fekraduhu waxay kaa caawinaysaa in aad samaysato qoraalo taariikheed oo ku saasbsan shakhsiyadaada; oo aad diiwaan geliso dhacdooyinka nolosha ee muhiimka ah.

 

Xusuusnow, faa'iidooyinka qorista fekraduhu way ku kala duwanaan karaan dad ka dhexdooda, markaa hel sababaha adiga kuu gaar ka ah; si aad si wax ku ool ah ugu qortid fekradahaaga.

 

 


--------------------------------------------------------      

Guuleyso      

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164