Feb 25, 2025 by
Waa mid aad muhiim u ah inaynu baranno isla jeerkaasna fahamno noocyada iyo heerarka fursaddaha shaqo ee ganacsiyada. Kuwaas oo noqon kara ganacsiyada yar-yar, kuwa dhexe iyo ganacsiyada waaweyn boosaska shaqo ee ka banaanaada. Si aad u baadhi karto shuruudaha, mas’uuliyaddaha, xirfaddaha, khibradda iyo tayooyinka looga baahanyahay dadyowga u tartamaya boosaskan shaqo. Halkan waxaad ka ogaan kartaa haddii aad baratay maamulka, inta boos ee aad shaqo ka qaban karto marka la eego aqoontaada, xirfaddaada iyo khibraddaadaba.
Si aad ugu diyaar garowdo fursaddaha iman karana. Una raadsan karto diyaarinta tababaro iyo shahaadooyinka la tixgeliyo ee boosaskan hoos ku qoran. Kuwaas oo mararka qaar ka saameyn badan kara shahaadada jaamacadda ee aad muddada badan soowaday:
1. Executive and Management
2. Finance and Accounting
3. Marketing and Sales
4. Human Resources (HR)
5. Operations and Logistics
6. Information Technology (IT)
7. Customer Service and Support
8. Legal and Compliance
9. Research and Development (R&D)
10. Administrative and Office Support
11. Product and Project Management
12. Creative and Design
13. Production and Manufacturing
14. Strategy and Planning
Ganacsiga deegaannadeena imiso boos oo kamid ah kuwa halkan sare ku xusan oo ganacsiyadeenu u baahanyihiin oo aanay lahaynbaa maskaxdaada kusoo dhacay. Fursaddo qofku raadin karo haddii aqoonteeda, xirfaddeeda iyo khibradeedaba uu leeyahay. Taaso horseedi karta guulo lataaban karo oo gaadha in ganacsiyada Soomaalidu doc ka kor ay noqdaan oo ay xuduudaha ka gudbi karaan.
Baadhis kusamee shaqo walba xogteeda, si aad naftaada ugu maalgeliso xirfaddaha looga baanyahay. Suuqa shaqadu wuxuu u baahanyahay xirfadyahanno ku qalabaysan xirfaddaha looga baahanyahay suuqa shaqada. Fursaddaa hadii aad ka faa’idayso waxaad noqon mid suuqa shaqu u baahanyahay oo la raadiyo, halkii adigu aad suuqa shaqada aad daba socon lahayd.
Guuleysta.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164