chat account_circle
  • chat
  • Somalijobs INC
    Somalijobs INC

    Tilmaamaha Hoggaamiyaha Wanaagsan..

    Aqoon

    Aqoontu waxbay dhistaa, jahliguna waxbuu dumiyaa!

    Waa hoggaamiye aqoon u leh shaqada uu qabanayo, dadka uu hoggaaminayo, taariikhda iyo halka loo socdo ee lagu danbayayo.  Aqoontu hoggaamiyaha waxay dhaxalsiisaa Alle ka cabsi, daacadnimo, deeqsinnimo, tawaaduc, tixgelin iyo masuuliyad kasoo bixid dhab ah.

    C/lahi Ibnu Mubarak Raximahullah waxa uu tibaaxay,''  Qofku haddii uu fududeysto aadaabta, waxa lagu ciqaaba sunnada/sunanka rasuulku SCW inay dhaafto. Qofka sunnada fududeystana waxa lagu ciqaabaa faralka iyo waajibaadku inay dhaafaan. Haddii faralka ama waajibaadku dhaafaanna aqoontii iyo garashadii Ilaahay ee dhabtii uu garanayey ayaa dhaafaysa.''

    Suubaneheenu wuxuu Ilaahay SWT subax kasta ka baryi jirey cilmi faa'ido leh.

    2. Alle Ka cabsi

    Shaacirkii waa kii lahaa,''Ruuxu haddii aanu xidhan huga Alle kacabsiga, Waxaa uu soconayaa dadka dhexdooda isaga oo qaawan walow marada ugu quruxda badanba ha xidhee!''

    Alle kacabsigu hoggaamiyaha wuxuu ka dhigaa mid toosan oo samaha ka shaqeeya. Cadaaladda ka doorbida dulmiga, danta guud mid ka horumariya danta gaar ahaaneed, Ka fikira horumarka umaddiisa iyo sidii ay u liibaani lahayd, Xaqa fara oo xumaha reeba. Wanaag oo dhanbaa astaan u noqonaya.

    Suuratul Axsaab aayadda 1aad. Ilaahay SWT Wuxuu faray Nebi Maxammed CSW Ku toosnaanta Alle ka cabsiga, hoggaamiye kasta oo umadda Nebi Maxammed CSW hoggaaminayana waa ku waajib inuu taladaa gaws-danbeedka ku guntado meel hoose ilaa umad hoggaaminteed.

    يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ ٱتَّقِ ٱللَّهَ وَلَا تُطِعِ ٱلْكَـٰفِرِينَ وَٱلْمُنَـٰفِقِينَ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًۭا ١

    Nebigii Allow, Ilaahay ka cabso (Alle kacabsiga dhanna ha uga leexane ku toosnow) Gaalada hayeelin, Munaafiqiinta talo ha waydiinin. Ilaahay wuxuu ahaa (Ahaanna doonaa) cilmi badane xakiima oo farsamo wacan.

    3. Hantida ugu Mudan.

    Waxtar kasta iyo derejo kasta oo uu gaadho hoggaamiye waxa laf dhabar u ah hantida ugu mudan ee uu haysto oo ah kooxda la jirta ee ka agshaqaynaysa. Xulashada tayo ahaan dad dhisan, ku habboon, daacad ah oo kasoo dhalaali kara boosaska loo igmado.

    Nebi Muxumed NNKH, ‘’ Asxaabtiisa wuu kala yaqaanay, qofkastana meesha uu ku munaasibka yahay ayuu u dhiibayey, Tusaale ahaan, ‘’Macaad ibnu Jabal waxa uu madax uga dhigay garsoorka madaama oo xaga fiqiga iyo aqoonta xalaasha iyo xaaraanta aqoon dheeraada ulahaa. Nebigu CSW. ‘’Asxaabigii Muscab binu Cumayr dacwadda ayuu u dhiibey maadaama oo uu ahaa nin cilmi, xigmad iyo hab-dhaqan wanaagsan.‘’ Sidoo kale Cumar Binu Khadaab, ‘’ Wuxuu Nebigu CSW u dhiibey in lasoo ururiyo sadaqada iyo maalka umadda ka dhexeeya sababta oo ah wuxuu ahaa qof awood badan oo waxsoosaari kara caddaalina ah.’’ Khaalid ibnu Waliid isagoo wakhti yar laga joogo islaamiddiisii wuxuu nebigu CSW u dhiibey hoggaamintii dagaalka iyagoo rag badan oo kagasoo horeeyey joogaan balse uu khibrad uu ulahaa aqoonta dagaalka iyo hoggaamintiisa. Sidaas oo kale ayaa Nebigu CSW baytul maalka ugu dhiibey Bilaal Binu Rabaax, Bangigii Islaamka iyo hayntii dhaqaalaha muslimiinta Wuxuuna nebigu eegayey amaanadiisa, Alle ka cabsigiisa iyo isaga oo aan adduunyada daneynayn. Sayid binu Thabit, ‘’ Uu Nebigu SCW u doortay inuu soo ururiyo qur’aanka kariimka ah, Maadaama oo xifdigiisa iyo aqoonta uu qur’aanka u leeyahay mid sareeyaa.’’

    4. Xilkasnimo

    Ilaahay waxaan ka rajeynayaa xilka aan qaadey inaanu dhaqankaygii waxba kabadalin. - Abu bakar RC

    Hoggaamiye qaaday masuuliyaddiisa nololeed boqolkiiba boqol. Ku dedaalay inuu naftiisa meel ku tiiriyo oo uu la jihaado. Waa kaas hoggamiyaha xilkaska noqon karaa ee umadda u hoggaamin kara hiraal cad oo ay dadku ku horumarayaan ama badbaadayaan labada daaroodba. Waa xilkas dadka u adeegaya, geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya sidii nolol iyo mustaqbal barwaaqo ah dadku ugu noolaan lahaayeen. Waa isdire iyo samawade.

    Wakhtigii khaliifada Abuubakar RC, Reerka magtu ku badato ama dayntu ku badataa waxay odhan jireen innoo geeya Abubakar RC baa dadka innoo dhexmariye.  Sida Ibnu Jawzi raximahullahu tilmaamay, ''Haddii arrin loola yimaado, Keena annagaa doonaynee ayuu odhan jirey Abu-bakar RC.''

    Nebi Shucayb wuxuu yidhi isagoo umaddiisii la hadlaya ''Ma ihi mid idiin daba maraya wuxuu idinka reebayo, Waxkale dooni maayo isbeddel islaax ku saleysan, hadba taagtay halkay i dhigto.''

    5. Talo-wadaag

    Astaamaha hoggaamiyuhu yeesho midda ugu mudani waa astaan latashi. Ilaahay SWT Suubaneheena wuxuu ku dhiirigelinaya talo wadaaga Suuratu Al-Cimraan.

    فَبِمَا رَحْمَةٍۢ مِّنَ ٱللَّهِ لِنتَ لَهُمْ ۖ وَلَوْ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ ٱلْقَلْبِ لَٱنفَضُّوا۟ مِنْ حَوْلِكَ ۖ فَٱعْفُ عَنْهُمْ وَٱسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِى ٱلْأَمْرِ ۖ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُتَوَكِّلِينَ ١٥٩

    Naxariis darteed xaga Rabbi kaaga ahaataybaad (Nebi Maxammedow SCW) Ugu debecsanaatay ciidankaagii. Haddii aad ahaan lahayd (Nebiyow) mid dabeecad adag oo qalbigiisu adagyahay way ka firdhan lahaayeen hareertaada (Ciidanku) . Saamaxaada badi, qaladkana saamax( istikhfaar u waydii) la tasho arrinku markuu yimaado, marka arrintu go’aan gaadhana ilaahay tala saaro. Ilaahay wuxuu jecelyahay kuwa tala saarta’e

    Tusaale,

    Cumar Binu Cabdicasiis,'' Talaabadii ugu horeysay ee uu qaadey waxa uu magacaabay Gole lataliyeyaal. Maanta wixii ka danbeeya golaha lataliyeyaashayda ayaad tihiid. Hadalkii uu maalintaa u jeediyey waxa kamid ahaa,'' Waxaan isugu kiin yeedhay haddii aad fuqahadii tihiin arin idinka ilaahay idinka abaalin doono, anigana aad iigu hiilinaysaan xaqa aan rabo inaan oogo aad igu garab istaagaysaan. intaan halkaa odaygeeda ahay arin aydaan idinku jarin in aan gooyo marabo.  Haddaad aragtaan qof xad gudbaya ama idin soo gaadho inta aan u taliyo cidi cid dulminayso aydaan ii sheegin ilahaybaan idinku ashkataynayaa.''

    6. Tixgelin

    Abdirahman Ibnu Layla wuxuu yidhi,''120 Saxaabadii Rasuulka ayaan Masaajidka kusoo gaadhay oo ninkastaa ninka walaalkii ah ee ka aqoonbadan uu ixtiraamayo''. Hoggaamiyihii umaddeenu hoggaamiyeyaasha uu soosaaray ixtiraamka iyo tixgelintu waa tilmaamaha ugu mudan ee aad ka dheehanayso taariikh nololeed kooda. Hoggaamiye u tixgeliya qofkasta aqoontiisa, kartidiisa, shaqadiisa iyo waxtarkiisuba waa hoggaamiye leh astaan hoggaamineed oo lamahadiyo.

    7. Isdhul-dhigid

    ۞ وَٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا۟ بِهِۦ شَيْـًۭٔا ۖ وَبِٱلْوَٰلِدَيْنِ إِحْسَـٰنًۭا وَبِذِى ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْيَتَـٰمَىٰ وَٱلْمَسَـٰكِينِ وَٱلْجَارِ ذِى ٱلْقُرْبَىٰ وَٱلْجَارِ ٱلْجُنُبِ وَٱلصَّاحِبِ بِٱلْجَنۢبِ وَٱبْنِ ٱلسَّبِيلِ وَمَا مَلَكَتْ أَيْمَـٰنُكُمْ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ مَن كَانَ مُخْتَالًۭا فَخُورًا ٣٦

    Ilaahay caabuda oo shayna ha lawadaajinina, U ixsaan fala labada waalid wanaag, dadka qaraabada, masaakiinta, jaarka qaraabadana ah, jaar shisheeye ah, saaxiibka garabkaaga fadhiya, ruux safar ah iyo addoonta mulkigiina ku jirtana u samafala. Ilaahay ma jecla midkii ahaaday mid santaag badan, kibir badan oo faan badan. Suuratul Nisa: 36

    Hoggaamiyaha leh u debecsanaanta dadka uu hoggaaminayaa waa mid hanta qalbiyadooda iyo maskaxdooduba, taas oo keenta hanasho hoggaamiyuhu ku heli karo adeecidda, u dhego nuglaanta, la dareen noqoshada iyo garab galidda dedaalkasta oo hoggaamiyehaasi wado. Maalinta qiyaame qofkasta oo umad hoggaamiyey waa la waydiin doonaa habkii uu ula dhaqmay dadkii uu masuuliyaddooda Ilaahay SWT u dhiibey halka uu dhigey.

    8. Dhaxal

    وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ ٧٨

    Waxaanu uga tagnay nebi nuuxna abaal wacan (hadal hayn wacan) Suuratul Saafaad: 78

    إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ ٨٠

    Annagu sidaad arkaysaan ee aanu u wanaajinnay Nebi Nuux ayaanu u wanaajinaynaa cid kasta oo wanaag sameysa. Suuratul Saafaad: 80

    Waa mid umadda uga taga dhaxal wanaagsan. Sumcad iyo sarreyn ay umaddaha kula noolaadaan, Sharaftooda oo uu sare u qaado, noloshooda oo uu horumariyo, caqligooda oo uu xoreeyo, Waxsoosaarkooda oo uu sare u qaado iyo masuuliyaddii loo dhiibey oo uu meel adag saaraa waa tilmaamaha hoggaamiyaha wanaagsan ee aan ka tirtimin qalbiga iyo xasuusta umadda uu hoggaamiyey. Sharafta iyo karaamadu Ilaahay agtiisay ahaatay oo Ilaahaybaa SWT laga helaa.

    وَوَهَبْنَا لَهُم مِّن رَّحْمَتِنَا وَجَعَلْنَا لَهُمْ لِسَانَ صِدْقٍ عَلِيًّۭا ٥٠

    Naxariistayada ayey wax ka heleen Nebiyadaasi. Waxaanu u yeelnay hadal hayn sareysa (Raad fiican). Suuratul Maryam: 50

    فَمَآ أُوتِيتُم مِّن شَىْءٍۢ فَمَتَـٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا ۖ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيْرٌۭ وَأَبْقَىٰ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ ٣٦

    (Haddii aadduunyada ninka ugu milyaneersan lagaa dhigo, ka ugu aqoonta badan lagaa dhigo, ka ugu madaxsan lagaa dhigo waxaasiba waxay dhamaanayaan maalintaad dhimato) Waxa la idin siiyey oo shay uun ah adduunyada raaxadeeda ayuunbay ku gabaabsidaa, wixii hor ilaahay jirabaa khayr badan oo waliba baaqinnimo badan, Kuwiibay u baaqi noqon Ilaahay rumeeyey ee Ilaahay talo saartay (Waxay heli doonaan wax ka khayr badan aduunyadan nimcada lahaysto)

    9. Talo-saarasho

    وَلَا تُطِعِ ٱلْكَـٰفِرِينَ وَٱلْمُنَـٰفِقِينَ وَدَعْ أَذَىٰهُمْ وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ ۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلًۭا ٤٨

    Asalkaagaba ha adeegin (talo) ha waydiin gaallada iyo munaafiqiinta (Kuwa uurka ka buka) Dhibtay kugu hayaanna iskaga tag oo hadanayn. Ilaahayna talo saaro, talo saarasho ilaahaybaa ku filane. Suuratul Axzaab:47

    Waa hoggaamiye gaar ahaan naftiisa iyo masuuliyadda uu hayo talaabooyinka ka dhalanaya oo dhan talo-saarta Ilaahay SWT, Talo saarasho dhab ah oo uu mudanyahay. Suuratul Anfaal wuxuu Ilaahay innoogu sheegay tilmaamo gaar ah,'' Inkale ma aha’e, kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisaba rumeeyey, Waa duulka haddii Ilaahay lamagac dhabo ay qabanqacyoonayso quluubtoodu, haddii lagu akhriyo guudkooda aayadaha Ilaahay Iimaan iyo yaqiinbaa u siyaadaysa, waana duulka Ilaahay talo saarta.

     

     

     Guuleyso!    

    Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

    Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

    Tixgelin.

    --------------------------------------------------    

    Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

    Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

    (IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164