Faa’idada Takhasusku U Leeyahay Shaqada!

May 13, 2023 by somalijobs inc

Faa’idada Takhasusku U Leeyahay Shaqada!

FAA’IDADA TAKHASUSKU U LEEYAHAY SHAQADA 

Takhasusku waa tayayaynta shay, iyada oo laga gaadhayo heer aad u sareeya. Takhasusku waxa uu muhiim u yahay shaqaalaha iyo loo shaqeeyahaba. Sidoo kale xafiisyada ay joogaan dadyow takhasus u le shaqada ay hayaan waxa kordha tayadiisa iyo aaminaada ay ku qabaan macaamiishiisu; tanina waxay ku hogaaminaysaa guulo waaweyn. Waxa jira dhaqanno ay ka siman yihiin dadyowga aan takhasuska u lahayn shaqada  ay qabanayaan, oo ay ka mid yihiin: diyaarsanaan la’aan, la dhaqanka macaamiisha oo liita iyo sidoo kale luuqad aan ku haboonayn in la adeegsado. Maqaalkan ayaynu isku dul taagi doonaa faa’iidooyinka ay leedahay  in uu qofku takhasus u lahaado shaqada uu qabanayo. Sidoo kale waxaynu qeexi  doonaa sababta uu takhasusku (Professionalism) uga caawiyo in uu deegaanka shaqadu ahaado mid toosan. 

 

1. Masuuliyad  

Qofku in uu ahaado mid ku xisaabtama shaqadiisa, qaata qaladaadkiisa, sidoo kalena uu talaabo-talaabo u saxo waxa kasta oo ka qaldamay; waxay u horseedaysaa in uu ahaado mid qaaday masuuliyaadkiisa.  

2. Diyaar-garaw 

Mar kasta oo shaqadaada ku ilaaliso waqtigeeda, ahaatana mid diyaarsan waa mar kasta oo aad u dhawaato in aad shaqadaas ka dhigato takhasuskaaga.  

3. Xallinta  

Mar kasta oo aad xal u raadiso mashaakilka taagan, sidoo kalena aad raadiso habab aad u horumariso shaqada aad hayso waxay fursad kuu siinaysaa in aad takhasus u yeelato shaqada aad hayso. Ku dhex jirka badan iyo sidoo kale diirad saarsitu yaa ah fursad aad ku noqon karayso qof takhasus le.  

4. Kooxayn

In aad ula shaqayso dadyowga kula shaqaynaya si wada jira, sidoo kalena fekradaha aad la wadaagto, taageerana aad siiso hadii ay kaaga baahdaan waxay kor u qaadaysaa in aad shaygan ku ahaato mid takhasus u le (Professional)  

5. Aqoon Korodhsi 

Si joogto ah u horumari xirfadahaaga iyo aqoontaada, tani waxay kor u qaadaysaa in aad hal shay ku takhasusi karto.  

 

Ugu dambayn in aad takhasus u lahaato shaqadaadu, kama dhigna in aad raacdo xeerarka, se sidoo kale waxay qayb ka tahay “horumarinta maskaxdaada”  

 

 Qodobdan oo aad dabbaqdaa waxay kugu dhiiri gelinayaan in aad ahaato, qof takhasuskiisa yaqaana. Sidoo kalena marka uu fahmo halkaas ka sii wada siina awoodeeya.  

 

---------------------------------------------------------   

Guuleyso   

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.   

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]    

Tixgelin. 

-------------------------------------------------- 

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP) 

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs 

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164