Raac 5-Tan Tallaabo Si Maskaxdaadu U Noqoto Mid Hal-Abuur Leh
Jan 18, 2025 by

Fikirrada hal-abuurka ah ee waaweyn waxay inta badan raacaan hab hawleed isku mid ah. Fahamka habkan waa muhiim, sababtoo ah fikirka hal-abuurku waa mid ka mid ah xirfaddaha ugu faa’idada badan ee aad yeelan karto. Ku dhawaad dhammaan dhibaatooyinka aad la kulanto shaqada iyo nolosha waxa loo heli karaa xalal cusub, feker dhinac kale ah, iyo fikrado hal-abuur leh.
Qof kastaa wuu baran karaa inuu noqdo hal-abuure isagoo raacaya shantan tallaabo. Si kastaba ha ahaatee, ma ahan in la noqdo hal-abuur mid sahlan; soo saarista awoodda hal-abuurku waxay u baahan tahay geesinimo iyo tababar badan. Shantan tallaabo ah ayaa kaa caawin doona inaad fahanto habka hal-abuurka oo aad waddada u furi kara fikirka cusub.
Si aan u sharaxo sida habkan u shaqeeyo, aan sheeko kooban kuu sheego.
Dhibaato u baahan xal hal-abuur leh
1870-meeyadii, wargeysyada iyo kuwa wax daabaca waxay la kulmeen dhibaato kharash badan leh. Waqtigaas, sawir qaadashadu waxay ahayd farsamo cusub oo xiiso leh. Akhristayaashu waxay doonayeen inay arkaan sawirro badan, laakiin cidina ma awoodin inay sawirro ku daabacaan si dhakhso leh oo raqiis ah.
Tusaale ahaan, haddii wargeys uu doonayey inuu daabaco sawir, waa inay shaqaalaysiiyaan qof sawirkaas ku xardha bir, birtaasna waxaa loo adeegsan jiray in sawirka lagu daabaco wargeyska. Si kastaba ha ahaatee, habkan xardhista sawirradu wuxuu ahaa mid aad u qaali ah oo waqti badan qaata.
Ninkii dhibaatadan xalks u helay waxaa la oran jiray Frederic Eugene Ives. Isagu wuxuu noqday hal-abuur ku caan baxay sawir qaadista, wuxuuna haystay in ka badan 70 rukhsad (patent) markuu xirfadfiisa soo gabagabeeyey. Sheekadiisa hal-abuurka iyo hal-adayga, oo aan halkan kula wadaagay, waa tusaale fiican oo lagu fahmi karo shanta tallaabo ee muhiimka ah ee habka hal-abuurka.
Tallaabada Hal-abuurka:
Habka uu Frederic Eugene Ives u xalliyey dhibaatada waxa ku jira casharro muhiim ah oo aan ka baran karno hal-abuurka. Waa kuwan shanta tallaabo ee hal-abuurka oo si faahfaahsan loo sharaxay:
1. Ururinta waxyaabo cusub
Marka hore, waa inaad barato wax cusub. Xilligan waxaad diiradda saartaa laba nooc oo waxbarasho ah:
- Waxbarasho ku saabsan arrinta aad xallinayso.
- Waxbarasho guud oo aad ka hesho mawduucyo kala duwan oo xiiso leh.
2. U falanqaynta fikraddaha si xeeldheer
Tallaabada labaad waa inaad si qoto dheer uga fikirto waxa aad baratay. Waxaad u baahan tahay inaad eegto xaqiiqooyinka dhinacyo kala duwan oo aad isku daydo inaad isku xidho fikrado kala duwan.
Tusaale,
Apple markii ay soo saartay MP3 gar yar ee wax lagu dhagaysto. Waxay free ka dhigtay badi waxa lagu dhagaysanayo MP3ga ay soo saartay. Dadku si ay lacag la’aanta barnaamijyadaa dhagaysiga uga faa’ideystaan waxay ku khasbanyihiin inay iibadaan ITune/MP3 ka Apple.
3. Ka fogaanshaha dhibaatada
Tallaabada saddexaad waa inaad dhibaatada ka leexato. Waa inaad maskaxda ka saartaa muddo gaaban oo aad qabato wax kale oo xiiso kuu leh.
4. Dib-u-soo-noqoshada fikraddaada
Fikraddu waxay si dabiici ah dib ugu soo noqon doontaa xilli aad ka nasatay dhibaatada. Fikradda hal-abuurka ah inta badan waxay timaaddaa marka maskaxdaadu u muuqato inay nasanayso.
5. Hagaajinta iyo tijaabinta fikradaha
Fikrad kastaa waxay u baahan tahay in la mariyo tijaabo. Waa inaad u bandhigtaa dunida, u aqbashaa dhaleecaynta, oo aad hagaajisaa si ay u noqoto mid waxtar leh.
Sheekada Frederic Eugene Ives waxay soo bandhigaysaa shanta tallaabo sida ay ficil ahaan u shaqeeyaan:
- Ururinta wax cusub: Ives wuxuu laba sano ku qaatay inuu baranto farsamada daabacaadda iyo afar sano oo uu maamulayey sawir qaadis ah.
- Falanqayn qoto dheer: Wuxuu si joogto ah ugu howlanaa tijaabooyin iyo isku dayo cusub.
- Ka fogaanshaha dhibaatada: Wuxuu kala xadeeyey naftiisa iyo dhibaatada, taas oo u ogolaatay maskaxdiisa inay si dabiici ah xal u hesho.
- Dib u soo laabashada fikradda: Wuxuu ku toosay xalka dhibaatadiisa oo muuqda.
- Hagaajinta iyo tijaabinta: Sanado ayuu ku qaatay hagaajinta habkiisa, isagoo abuuray hab cusub oo ka wanaagsan kii hore.
Hal-abuurka waa isku xidhka fikrado hore si loo abuuro wax cusub. Hal-abuurku wuxuu raacaa shan tallaabo:
- Wax cusub baro.
- Si qoto dheer uga fikir waxa aad baratay.
- Ka naso dhibaatada.
- Ha mashquulin maskaxdaada si ay si dabiici ah xal ugu hesho.
- Tijaabi oo hagaaji fikradaada.
Hal-abuurku ma aha inaad wax cusub ka abuurto wax madhan; waa inaad isku xidho fikrado jira si aad u abuurto wax cusub oo waxtar leh.
Tixraac
Furaha Ganacsiga – Dr. Said Ali Shire
James Clear
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164