Xeerarka Isbeddelka!
Jan 06, 2024 by

Xeerarka Isbeddelka!
Isbeddelku waa lama huraan, ha noqoto mid dhankaaga ka yimaada ama isbeddel duruufuhu wadaan oo aad u dhaqaaqdo hadba jihada mawjaduhu kuu dhaqaajiyaan waa sida loo badanyahaye.
Halkan waxaynu ku faaqidi doonnaa xeerar innagu kaabaya ka gun gaadhista isbeddel qofeed si aynu ugu noolaano nolol ka duwan midda maanta iyo tii shalay aynu ku noolayn.
1. Bartaad taqaano (Saldhiggaaga) beddel.
Qofkii si xawaare leh isku beddeli kara ayaa hanan kara fursaddaha qaaliga ah. Soomaalidu waxay tidhaahdaa,''Bartii yaqaan, bari uma korodho.'' Bay'ad, asxaab, iyo goob isku mid ah joogitaankeeda waxa ku luma fursaddaha iyo wakhtiyo aad ku keeni karo isbeddel midho dhal leh. Sida dhan dhaqaale, xidhiidho cusub, aqoon, xirfad, waayo-aragnimo, bulsho waxtaris iyo fursad abuurid naftaada, asxaabtaada, bulshadaada iyo qoyskaagaba.
2. Hab u akhrinta tagtadaadii beddel:
Khibraddii aad ka heshay sannadadii hore waxay kaa soo saartay qofka aad tahay, Kaliya wax ka baro oo hore uga soco. Ka fikirka tagtadu waxay kaa luminaysaa amin aad ku horumarin lahayd naftaada. Xasuusnow, wakhti tagay tiigsimaad maleh.
3. Isbeddelku wuu adagyahay hadda, Balse waxa ka xun ka werwerka fursaddihii aad dayacday mustaqbalka:
Dooro in aad isbeddel sameyso, kaddib horumar samee oo maalinba talaabo hore u qaad si kasta oo wadadaad maraysaa u tahay wada qodaxaan. Markasta oo aad go'aamo waaweyn iyo khataro waaweyn aad u badheedho waa markasta oo go'aanada yar-yar ee dadka baqo geliyaa kuu fududaanayaan nolosha.
4. Haddii aad rabto natiijo ka duwan taad hayso, Beddel tacabka aad gelinayso marka hore:
Sameynta ficilladii iyo qaadista talaabooyinkii aad awalba hore u qaadeysay kuma siinayaan natiijo kaduwan midda aad haysay. Isku day waxyaalo cusub oo isku day inaad wax ka barato khaladaadkaaga.
5. Haka caban oo baqan isbeddel aanad weli sameyn:
Col hortii hajabin oo ha caban. Qaad masuuliyaddaada nololeed 100% oo samee isbeddelka aad jeceshahay inaad naftaada ka aragto. Hana ka eegin cid kale intay kusoo qaado figta sare ee nolosha ku geynayso ama ay qaadayso masuuliyadda natiijada ka dhalata ficillada kaasoo fulaya kuwo san iyo kuwo qallooocaba.
6. Isbeddelka xawaaraha lihi wuxuu ka yimaadda bedelidda waxaad hore u qaban jirtay:
Si aad horumar u sameyso uma baahnid inaad gunta kasoo bilowdid. Buug iyo qallin sooqaado, fadhiiso oo qiimee maanta halka aad joogto, ka fikir halka aad rabto inaad gaadho kaddib xisaabi dedaalka ay u baahantahay inaad geliso ka dhaqaaqista maanta halka aad joogto iyo beri halka aad rabto inaad gaadho. Qorshee, qiimee, fuli oo Ilaahay SWT Talo saaro.
7. Isbeddelku waa isku beddel:
Waxaad bixinaysaa shay u qalma shayga aad rabto helistiisa. Caadooyinkii, habdhaqannadii, bay'addii, asxaabtii iyo jawigii hore ee aad ku jirtay waxaad u bixinaysaa si aad u hesho wax ka fiican nolol ahaan, dedaal ahaan iyo mustaqbal ahaanba. Beddel shaykasta oo aan kugu kaalmeynayn isdhaafsigaas inay aqbalaan oo kugu kaalmeeyaan.
8. Talaabada koowaad waa guul taariikhiya:
Isku daygu waa dawada ka werwerka shay. Inaad talaabo hore u qaaday, waxay ka dhigantahay inaad jebisay dayrkii cabsida oo aad jeexatay waddo noloshaada isbeddel aad mahadiso kuu horseeda.
9. Xogta iyo Go'aan qaadashada:
Ilaa aad helayso xog aad ku go'aan qaadato ha beddelin hadafkaaga nololeed, Labada beddel habka aad u raacayso. Hoos ha u dhigin hadafkaaga isagoo qorshahaad kusocotaa u baahanyahay isbeddel. Qor, qiimee, kaabis iyo waxkabedelna ku samee qorshayaasha aad ku wajahayso yoolashaada nololeed.
10. Isbeddelka qofeed ayaa ka mudan darreennadaada raaligelintooda:
Aragtidaada ku jihee inaad dhisto dedaal dardar leh iyo guulo talaabo talaabo ah si ay naftaadu dhiirigelin ay ka shidaal qaadato uga hesho.
11. Isbeddelka waxkastaa liqi kari maysid:
Waxaad ogaan in waxbadan kaa dhiman yihiin, hantida aad qorsheyneed ee aad ku hawlgalaysaana koobantahay. Taas beddelkeeda kusii taagnow arrimaha suuban ee aad sameyso isla markaana saxartir arrimaha kaa qalloocan.
12. Haddii aad rabto in dadku ku maqlaan, Beddel habka aad ula hadlayso dadka:
Diiradda saar fahanka baahida xogta ay tahay in lagaa maqlo iyo hab u wada-xidhiidhka si toolmoon.
13. Kamid noqo isbeddelka aad rabto inaad dunida ku aragto:
Cidkale ma garabsiin kartid, haddii aanad naftaada caawin karin marka hore.
14. Dadku isma beddelayaan ilaa ISBEDDELKU noqto xalka kaliya ee u banaan:
U diyaarsanow inaad isbeddel sameyso markay daruuri tahay. Xataa haddii xaaladdu adagtahay.
15. Ilaahay kaalmeyso:
Dedaalkasta oo aad la timaadaa haddii aanad Ilaahay kaalmeysan geedkaas dhaafi meysid. Cibaadada ku dedaal, ducayso oo Ilaahay kaalmeyso.
- - ---------------------------------------------------------
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164