Sideed Uga Gudubi Kartaa Cabsida Laga Qabo Fashilka Ganacsiga?

Aug 14, 2023 by somalijobs inc

Sideed Uga Gudubi Kartaa Cabsida Laga Qabo Fashilka Ganacsiga?

Sideed uga gudubi kartaa cabsida laga qabo fashilka ganacsiga? 

 

Xusuusnow in noloshan oo dhan sida ay diinteenu sheegtay ay tahay nolol imtixaanno ah, sidaas darteed qof kasta oo innaga mid ah siyaabo kala duwan ayaa loo imtixaamayaa. Habka ugu weyn ee looga gudbi karo imtixaannada iyo tijaabooyinkaasina waa dulqaad. Alle gargaar weydiiso marka aad la kulanto masiibooyinka ama wax si uun guud ahaan nolosha kuu dhibaya. 

 

Faylasuuf Chinese ah Lao Tzu ayaa mar si xikmad leh u yidhi, "Safarka kunka mayl wuxuu ka bilaabmaa hal tallaabo." 

Cabsida guul-darradu waa mid ka mid ah shucuurta ugu badan ee curyaamisay ee ay la kulmaan ganacsatadu. Waxay kaa joojin kartaa inaad raacdo riyooyinkaaga, wax ka barato khaladaadka, sidoo kalena aad kobciso ganacsigaaga. Si kastaba ha ahaatee, cabsida guul-darradu maaha caqabad joogto ah ama aan laga gudbi karin. Waxaad kaga gudbi kartaa feker sax ah, xeelado iyo ficillo. 

Runtu waxay tahay, guul-darradu waa qayb nolosha ka mid ah, inta badana waa qayb ka mid ah socodsiinta ganacsigaaga. Dhammaan ganacsatadu waxay u baahan yihiin inay aqbalaan cabsidan, oo ay la yimaadaan awood dheeri ah, haddii ay doonayaan inay ku guuleystaan. Maqaalkan, waxaan ku wadaagi doonaa talooyin ku saabsan sidaad uga gudbi lahayd cabdsida laga qabo fashilka ganacsiga. 

 

Wareysiyo lala yeeshay 65 ganacsato ah ayaa muujinaya cabsida ugu badan ee ay wadaagaan aasaasayaasha bilowga ah iyo sidoo kale, arrin layaab le:in cabsidani ay waxtar yeelan karto. Iyadoo cabsidu ay inta badan joojiso ficilka, cabsida qaar ayaa innagu dhiirigelin karta inaan si adag u shaqeyno. Daraasaddu waxay ogaatay in werwerka ku saabsan fursadaha lagu helayo kharashyada, badbaadada maaliyadeed ama awoodda ay ku helaan maalgelin ay dhammaantood si togan ula xidhiidhaan joogteynta ganacsadaha. Taas bedelkeeda, markii ganacsatadu ay ka werweraan kartida fikradooda ama awoodahooda shakhsi ahaaneed, waxay noqdeen kuwo aan firfircoonayn. hadaba iyada oo cabsidu tahay xaalad dabiici ah oo loogu talagalay ganacsadaha, awoodda odoroska iyo maarayntu waa xirfad muhiim u ah. 

 

Qodobadan soo socdaa waxay kaa caawin doonaan, sidii aad uga gudbi lahayd cabsida laga qabo fashilka ganacsiga: 

 

Aqoonso cabsidaada 

Tallaabada ugu horreysa ee looga gudbi karo cabsida guul-darradu waa in la aqoonsado oo la aqbalo inay tahay qayb dabiici ah oo caadi ah oo ka mid ah ganacsiga. Ha diidin, ha iska indhatirin, hana cabudhin cabsidaada, sababtoo ah taasi way ka sii dari kartaa. Taa beddelkeeda, u aqoonso inay calaamad u tahay inaad danaynayso yoolalkaaga iyo inaad la kulanto caqabadaha. Marka aad qirato cabsidaada, waxa kale oo aad garan kartaa ilaha ay ka soo jeedaan, waxa kiciya iyo saamaynta ka dhalata, intaa kadib waxaa kuu fudud in aad si waxtar leh wax uga qabato. 

 

Dib u habayn ku samee guul darradaada 

Talaabada labaad ee lagaga gudbi karo cabsida guuldaradu: waa in aad dib u habayn ku samayso guuldaradaada oo aad ka fekerto sidii aad u heli  lahayd fursad waxbarasho, korriin iyo horumar. Ha u arkin guuldarada mid shaqsiyeed, xukun kama dambays ah ama sabab aad uga baxdo hawsha aad wado. Taa beddelkeeda, u arag guuldarada sidii jawaab celin, cashar ama xujo. Markaad dib u habeyn ku sameyso guul-darrooyinkaaga, waxaad sidoo kale bedeli kartaa dabeecadaada, filashadaada iyo ficilladaada; waxaadna u qaadan kartaa guuldarada qayb ka mid ah safarka ganacsiga. 

 

Deji yoolal macquul ah  

Talaabada saddexaad ee lagaga gudbi karo cabsida guul-darradu waa in aad dejiso yoolal dhab ah oo gaar ah kuwaas oo la jaan qaadaya aragtidaada, qiyamkaaga iyo agabkaaga. Ha dhigin yoolal aan caddayn, xaqiiqo ahayn ama aan la gaadhi karin kuwaas oo kugu keeni kara, niyad jab ama walaac. Taa baddalkeeda, deji yoolalka wax-ku-oolka ah sida: hawl la Cabbiri karo sidoo kalena la Gaadhi karo, kedib Markaad dejiso yoolal macquul ah oo gaar ah, waxaad sidoo kale kordhin kartaa dhiirigelintaada, diiradaada iyo la xisaabtankaaga, waxaadna cabbiri kartaa horumarkaaga iyo guushaada. 

 

Raadi taageero iyo jawaab celin 

Talaabada afraad ee aad kaga gudbi karto cabsida guuldaradu waa in aad taageero iyo jawaab celin ka raadsato dadka kale kuwaas oo kaa caawin kara in aad ka gudubto cabsidaada oo aad gaadho hadafyadaada. Naftaada ha go'doomin! Taa  baddalkeeda, la xidhiidh lataliyeyaal, macaamiishaadii ama khubarada ku siin kara hagitaan, talo, ansaxin ama dhaliil wax dhisaysa. Markaad raadsato taageero iyo jawaab celin, waxaad sidoo kale ballaadhin kartaa shabakadaada, waxaad wax ka baran kartaa khibradaha iyo aragtiyaha kuwa kale, waxaadna horumarin kartaa xirfadahaaga iyo aqoontaada. 

 

Talaabo qaad oo tijaabi 

Talaabada shanaad ee lagaga gudbi karo cabsida guuldaradu waa in la qaado tallaabo oo la tijaabiyo fikrado, xeelado iyo xalal kala duwan. Cabsidu yeyna ku curyaamin, ku xaddidin ama yaysan kaa hor istaagin inaad wax cusub tijaabiso. Taa beddelkeeda, ku dhaqan yoolalkaaga, tijaabi fikradahaaga, oo wax ka baro natiijooyinkaaga. Markaad talaabo qaado oo tijaabiso, waxa kale oo aad dhisi kartaa kalsoonidaada, adkeysigaaga iyo hal-abuurkaaga, oo waxaad ogaan kartaa fursado cusub. 

 

U dabaaldeg guulahaaga oo wax ka baro guuldarrooyinkaaga 

Talaabada lixaad iyo tan ugu danbeysa ee lagaga gudbi karo cabsida guuldarada waa inaad u dabaal dagto guushaada oo aad wax ka barato guuldarrooyinkaaga. Ha ku mashquulin guuldarrooyinkaaga, hana dayacin guulahaaga. Taa beddelkeeda, qir dadaalkaaga, qadarinna sii natiijooyinkaaga, oo naftaada uga abaal gud guulahaaga. Markaad u dabbaaldegto guulahaaga oo aad wax ka barato guuldarrooyinkaaga, waxaad sidoo kale kor u qaadi kartaa niyaddaada, sidoo kalena aad xoojin kartaa meelaha aad ku wanaagsan tahay, waxaanad ka gudbi kartaa meelaha aad ku liidato. 

 

Ugu dambayn, noloshu way adag tahay, waana imtixaano joogto ah, waxaad u baahan tahay caawimo, halkee ayaad caawimo ka heli doontaa? Allaah wuxuu sheegay laba arrimood: 

Caawimaad ka raadso samir iyo duco. 

 

 

 --------------------------------------------------------      

Guuleyso      

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164