3 Caado Oo Kordhin Kara Fursadaha Aad Ku Heli Karto Shaqo

Mar 01, 2022 by somalijobs inc

3 Caado Oo Kordhin Kara Fursadaha Aad Ku Heli Karto Shaqo

Marar badan, shaqo heliddu waxay noqotaa caqabad adag inta lagu jiro marxaladda shaqo raadinta. Waa macquul in aad dareento in codsiyadaadu eegmo iyo dhaafis ku joogsadaan inta hore. Waana suurtegal in aanad helin jawaab sheegaysa in aad kusoo baxday shaqadii aad u tartantay isla markaana aad geli doonto imtixaan ama waraysi shaqo.

Runtii, si kastaba ha noqotee waxa jira dad badan oo dhinaca kale iyagu shaqada ku guulaysta ama waraysiga shaqo ku soo baxay. Looshaqeeyayaashu badanaa waxay kala soocayaan codsiyo badan maalin kasta, iyagoo ka shaqeynaya soo koobaan tartamayaasha sida ugu wanaagsan u daboolaya baahidooda. Mar alla markii aad heshay shaqooyin aad dooneysid inaad dalbato, mid ka mid ah yoolalkaaga ugu muhiimsan shaqo raadiye ahaan waa inaad si cad ugu caddeysaa loo shaqeeyaha sababta aad ugu habboon tahay booska.

Way adagtahay in si dhab ah loo ogaado waxa kaa caawin doona inaad istaagto oo aad kordhiso fursadahaaga shaqo helista. Haddaba waxaan si dhow u eegnay sida dadka shaqodoonka ah ugu guuleysan lahaayeen jaran jartaa shaqo raadinta. Maqaalkan waxa aad ka barankartaa inay jiraan dhowr waxyaalood oo ay dadku sameeyaan inta ay codsanayaan shaqooyinka labaahiyo taas oo mararka qaarkood si baaxad leh u kordhisa fursadaha ay ku heli karaan jawaab celin ah waxa aad kusoo baxday booskii aad u tartantay.

Raac talaabooyinkan si aad u hesho shaqada kugu habboon:

1. Xulo ama dooro shaqooyinka kugu haboon

Ilaa hadda waxa ugu muhiimsan ee aad ku sameyn karto shaqo raadintaada waa inaad si taxaddar leh u qiimeysaa shaqo kasta oo aad codsaneyso. Markaad hesho shaqo lasoo dhajiyay oo aad jeceshahay, is weydii haddii ay tahay shaqo aad uqalanto oo ay tahay shaqo aad wax ku kordhin karto waxna ka baran karto.

Markaad dhexda uga jirto shaqo raadinta, waxaad dareemi kartaa inaad kordhineyso fursadahaaga ah inaad shaqo hesho haddii aad dalbato shaqooyin badan intii suurtogal ah. Waxaanu kuu soo jeedineynaa in aanad codsan shaqo kasta oo aan ku khusayn ama aanad u lahayn takhasus maadaama laga yaabo in ay aad u yartahay inaad ka hesho jawaabo wanaagsan

dhamaan loo shaqeeyayaasha. Codsashada shaqooyinka ku habboon khibraddaada xirfadeed waxaa laga yaabaa inay helaan qiimeyn ka fiican kuwa aan ahayn.

Tirada saxda ah ee shaqooyinka la dalbado ayaa ka duwanaan doonta qof kasta. Intii aad diirada saari laheyd tirada codsiyada aad soo gudbiso, tamartaada geli baadhitaanka shaqada aad aqoonteeda, khibraddeeda iyo xirfaddeedaba aad leedahay isla markaana taxaddar leh u diyaarso codsiyo tayo sare leh. Kuwani waa ficillada qaarkood oo aad rabto inaad tixgeliso kahor intaanad dalban:

Akhri sharaxaadda shaqada bilow ilaa dhammaad

 

Aqoonso waxa kaa dhigaya shaqadan mid ku guulaysta

Go'aanso inaad si macquul ah u qaban karto shaqadan adoo dib u eegis ku sameynaya aqoontaada, xirfaddaada iyo khibradahaaga shaqo ee ku habboon shaqadan.

U fiirso tilmaamaha ku saabsan sida loo codsado (Haddii aanad aqoon baadh oo baro qaabka loo qoro CV isla markaana loogalo waraysi shaqo.

Isla marka aad bilowdid arjiga, si taxaddar leh u akhri ugana jawaab wixii su'aalo ah ee ay maskaxdaadu qabto

Labo jeer hubi codsigaaga shaqada kahor intaanad gudbin ama aanad dirin.

In kasta oo qaabkani kordhin karo waqtiga aad horay ubixisay, haddana wuxuu awood u leeyahay inuu soo gaabiyo raadintaada shaqo guud ahaan maxaa yeelay waxaad gudbineysaa codsiyo tayo leh oo loo shaqeeyeyaashu ay u badan tahay inay ka jawaabaan.

2. Shaqadaada raadinta ha ahaato mid abaabulan

Dadka shaqodoonka ah ee ugu guusha badan waxay ku wajahaan raadinta fursad cusub oo anshax iyo diyaarsanaan hadaf leh. Habkani wuxuu la mid yahay sida aad ugu diyaar garoobi karto imtixaan ama aad ula tacaali laheyd shaqo culus. Waxa aad u baahan doontaa inaad waqti u qoondeyso oo aad tallaabo tallaabo u qaaddo.

Mid ka mid ah dariiqooyinka ugu fudud ee lagu joogtayn karo abaabulka ayaa ah inaad u isticmaasho ama u qorshayso waqtigaaga si haboon iyo dabeecadaadu inay xarun u noqoto dhammaan raadinta shaqadaada. Waxaad awood u yeelan doontaa inaad si fudud u aragto oo aad u cusbooneysiiso codsiyadaada shaqo xaalad kasta.

Waqtiga aad u qorshaysay raadinta shaqada, waxaad dib u eegi kartaa wixii fariimo ah ee aad ka hesho looshaqeeyaha.

3. Waqti buuxa u hel markaad buuxinayso codsiyada

Sababtoo ah waxaad waqti hore ku bixineysaa si taxaddar leh u qiimeynta shaqo kasta oo la soo xayaysiiyay, way fiicantahay in waqtigaas dib loo helo wax kasta oo ku saabsan shaqada la soo xayaysiiyay si aad dalabkaaga u gudbiso.

Wakhri fiican u hel hubinta qaab dhismeedka warqad codsiyeedkaaga shaqo, Email ka aad direyso, Cinwaanka, Fariinta la raaciyo email ka aad direyso iyo CVgaaga cinwaankiisaba.

Waxaan u aragnaa in dadku si aad ah uga faa'iideysanaya qaabkan - shaqo dooneyaasha codsada iyagoo isticmaalaya codsi shaqo waxay 56% u badan tahay inay jawaab-celin togan ka helaan looshaqeeyeyaasha marka loo eego kuwa aan helin talaabooyinkan

Xusuusnow: In aad shaqo hesho 50% waxa ah habka aad u diyaar garowdo. Diyaar garowgaaga hore haddii uu dhisnaado waxa 100% in aad kusoo baxdo marxaladda 1aad ee shaqo raadinta sida in aad imtixaan gasho iyo in aad waraysi shaqo hesho hadba qorshaha loo shaqeeyaha fursadda baahiyey.

Guuleyso

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.

Lama ogola idan la'aan (Ogolansho la’aan) in la qaato.

Tixgelin

Attachments