Sidee Loo Sameeyaa Qorshe Shaqo Raadineed?

Nov 12, 2023 by somalijobs inc

Sidee Loo Sameeyaa Qorshe Shaqo Raadineed?

 Waa maxay sababta qorshaynta istiraatijiyadeed ay muhiim u tahay inta lagu jiro shaqo raadinta?

Raadinta iyo codsashada boosaska kugu habbooni waxay noqon kartaa shaqo waqti-buuxa ah lafteedu. Adiga oo go'aaminaya yoolalkaaga shaqo raadinta iyo dejinta sida loo gaadhi karo, geeddi-socodka guud wuxuu noqon karaa mid si ka sii wanaagsan loo abaabuli karo, oo aan cabsi gelin oo soo saaro natiijooyin abaal-marin leh.

Dejinta qorshe istaraatiijiyadeed waxay qaadataa waqti, dadaal iyo halgan. Markaad samaysato istaraatijiyad u qalanta booska shaqo ee aad haybinayso, waxaad ka dheefi kartaa dareen dhamaystirnaan ah. Halkan waxaa ah dhowr siyaabood oo aad ku horumarin karto qorshahaaga shaqo raadineed:

1. Go'aami oo tax yoolalkaaga shaqo

Kahor intaadan raacin booska oo aadan bilaabin nidaamka codsiga, samee liisaska yoolalkaaga shaqo. Waxaad tixi kartaa labada yool nololeed ee ka fog iyo midka dhaw, oo ay ku xigto waxa aad ku qiimeyso nolosha. Waxa kale oo aad go'aamin kartaa waxa aad rajaynayso in aad ku sii wadato mihnadahaaga, mas'uuliyadaha laga yaabo in aad ku habboon tahay iyo tayada aad ka raadinayso shaqadaada mustaqbalka.

Tusaalooyinka yoolalka xirfaddaadu waxay noqon karaan:

·         Caawinta iyo la dhaqanka dadka maalin kasta

·         Wadashaqeyn joogta ah oo lala yeesho xubnaha kooxda

·         La shaqaynta dadka muujiya rabitaanka caawinta dadka kale

Markaad samaysato liiska yoolalka iyo qiyamka xirfaddaada ku habboon, waxay noqon kartaa mid sahlan inaad doorato jagooyin ku habboon doorbidkaaga.

 

2. Qor khibradaada, xirfadahaaga iyo meelaha aad ku fiican tahay

Markaad liis garayso shirkadaha ugu fiican, kuna habboon booskaaga shaqo, waxaad hadda ogaan kartaa khibradaada, xirfadahaaga iyo meelaha aad ku fiican tahay. Kuwani waxay noqon karaan awood aad ka soo saartay boos hore aad uga shaqayn jirtay, sifooyin aad ku kasbatay waxbarasho ama xirfado fudud. Tixidda xirfadahani waxay kaa caawinayayaan inaad si fiican u fahanto halka ay hibadaadu jiifto iyo haddii aad u adeegsan karto shirkado iyo doorar kala duwan.

 

3. Maskaxda ku hay shirkado fiican oo aad jeclaan lahayd inaad u shaqeyso

Iyadoo qiyamka iyo yoolalkaaga aad go’aamisay, waxaad si fiican maskaxda ugu haysaa shirkado aad xiisaynayso la shaqayntooda; sidoo kalena aad door-bidayso ka mid ahaanshiyahooda. Ku dadaal in aad baadho shirkado kala duwan aragtidooda, odhaahdooda iyo ahdaaftooda. Ka fiirso dhaqamada iyo qiyamka shirkadaha, adiga oo mar kasta eegaya kuwo ku habboon kkuwaaga. Qor liiska dhammaan waxa adiga kuugu muhiimsan iyo cidda ku siin karta.

 

4. Fahamka shayada shaqo raadinta

Marka aad dejiso hadafyada iyo xirfadaha suuqa shaqada laga tixgeliyo, waxaad hadda bilaabi kartaa liis wax-qabad oo shaqo raadintaada ah. Tan waxa ka mid noqon kara in aad si taxadar leh u baadho shirkad kasta, akhrinta sharraxaadda shaqada, dhisidda Cv-gaaga iyo ururinta tixraacyada. Samee liis wax-qabad oo dhammaan walxahan ah, ka dibna geli jadwal, si aanay sinaba shaki u gelin. Waxaad dejin kartaa waqti kama dambays ah marka shay kasta aad dhameyso si aad isula xisaabtanto oo aad ugu dhowaato inaad dhammaystirto dhammaan hawlaha.

 

5. Baadhis ku samee shirkadaha

Bilow inaad raadiso shirkadaha shaqaaleysiinta, adigoo hubinaya inay xidhiidh la leeyihiin yoolalkaaga iyo qiyamkaaga. Waxa kale oo aad ku bilaabi kartaa adigoo baadhaya jagooyinka shaqo ee laga yaabo inay ku habboon yihiin liiska xirfadahaaga oo aad ka raadiso boosas furan. Samee qoraalo inta aad jidka ku jirto si aad dib u booqato marka aad urursato liis adag oo shaqo iyo ikhtiyaar shirkadeed.

 

6. Dhis istaraatijiyad codsi shaqo oo raac

Markaad kala soocdo cilmi-baadhistaada, go'aami boosaska u baahan waxyaabo dheeraad ah sida waraaqo la xidhiidha goobo hore oo aad ka soo shaqaysay ama hawlo aad soo qabatay.  Bilow dhisidda helidda xeelado si aad u dhammaystirto shay kasta oo dheeraad ah. Yoolalkaagu   waxay noqon karaan in aad ka fekerto wax kasta oo aad ku dhisi karto muunadda hawl-qabadaydaadii hore. Markaad samaysato istaraatiijiyad iyo jadwal aad ku codsanayso shaqo kasta, habkani wuxuu noqon karaa mid fudud oo aad kula socon karto suuqa shaqada iyo shirkadaha.

 

 

 

7. Samee astaantaada gaarka ah

Markaad codsato jagooyin, iska hubi inaad ka fikirto astaantaada gaarka ah. Astaantaadu waa sida aad rabto in shirkaduhu kuu arkaan oo ay kuu qiimeeyaan. Waxaad ku soo bandhigi kartaa summadaada (Cv), boggaga warbaahinta bulshada iyo fursadaha isbarashada.

Waa kuwan dhowr siyaabood oo aad ku aasaasi karto oo aad ula xidhiidhin karto summadaada gaarka ah loo shaqeeyaha iyo maareeyayaasha shaqaaleysiinta:

·         U samee soo koobid ama ujeedo CV-gaaga. Markaad go'aaminayso yoolalkaaga, qiyamka iyo waayo-aragnimadaada, ku lifaaq cv-gaaga, adiga oo isticmaalaya qoraal- kooban. Si faahfaahsan isugu qeex barahaaga bulshada, si ay ugu adeegaan mustaqbalkaaga.

·         Isticmaal midab kuu gaar ah ama naqshad. Waxaad la xidhiidhin kartaa astaantaada gaarka ah adoo adeegsanaya odhaah hal abuur leh. Tan waxaa lagu soo bandhigi karaa Cv-gaaga, warqadda daboolka iyo bogagga warbaahinta bulshada. Markaad samaysato qaabka midabka ama nashqada astaantaada, isku day inaad si joogto ah u ilaaliso oo aad u muujiso dhammaan agabka shaqo raadinta. Barahaaga bulshada mar kasta ku xus xirafadahaaga adiga oo sheegaya waxqabadyadaada.

 

8. Ka qayb-qaado fursadaha isku xidhka

Isku xidhiddu waa hab wax ku ool ah oo lagu ogaanayo loo-shaqeeyayaasha oo lagu ogeysiiyo dadka kale yoolalka aad rajaynayso inaad gaadho. Waxaad ku xidhi kartaa naftaada dunida kugu hareeraysan, adoo ka qayb galaya goobo shaqo oo kala duwan ama ka qayb galaya kulanada shirkadaha. Dhacdooyinkan, waxaad is bari kartaa ka qaybgalayaasha oo waxaad la xidhiidhi kartaa, shakhsiyaad kuu noqon kara fursado.

Isku-xidhiddu waa hab wax ku ool ah oo lagu ogaan karo shirkado kala duwan. Waxa kale oo aad wax badan ka baran kartaa waxa shirkadaha kala duwan ay ka raadinayaan shaqaalahooda mustaqbalka.

 

9. Habbee liiska shirkadaha aad codsatay

Haku hadhin kaliya codsashada, raadi waddooyin kale oo aad ku gaadhi karto shirkadaha aad codsatay. Ha ahaadaan in aad farriimo E-mail-ah u dirto. Haka caajisin in aad markasta kordhiso aqoontaa iyo xirfadaada adiga oo daraasaynaya baahiyaadka suuqa shaqada yaala.

 

 

  - - ---------------------------------------------------------      

Guuleyso!     

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164