Xirfaddaha Aasaaska U Ah Goobta Shaqada

Meerto kasta oo nololeed iyo marxaladda qofku ku jiro ee kastaa waxay leedahay kaabayaal bila hawlaha gacanta lagu hayo xaaladdaas. Marka la joogo bay'adda shaqada waxaa sees u ah shaqo wanaaga xirfaddo ruuxii kumaalgeliya ee ku carbiya naftiisa waxbadan ka taraysa.

Waxa kamid ah:

1. Waxbarashada Joogtada ah:

Awoodda qofku u leeyahay wax isbaridda joogtada ahi waa nidaam u baahan barasho, joogteyn, qorshe iyo go'aan. Qofkii nidaamkaa waxbaridda naftada dhista ee si maalinle ah u joogteeyaa wuxuu la soconayaa horumarka aqoonta ee xawaaraha ku socda, caafimaad qabka maskaxda, dareennada iyo guud ahaan nolosha qofka ayaa u koraysa simaalinle ah.

2. Aqbalaadda kala duwanaanshaha:

Goobta shaqada waxa iskugu imanay dadyow kala dhaqan, fahan iyo kala nidaam duwan. Qofku inuu gaadho heerka qangaadhnimada aqbalaadda kala duwanaanshaha fikraddaha, fahamka iyo tixgelintu waxay sare u qaadaysaa xidhiidhada, wadashaqeynta iyo isu soo dhowaanshaha.

3. Daryeelka Macmiilka:

Haddii aanad ku shaqeyn xirfaddan haddana barashadeeda iyo lahaansheheeduba waxay kaa caawinaysaa xidhiidhada gudaha iyo dibadda ee aad markasta sameynayso. Xirfaddan waxa aasaas u ah samirka, debecsanaanta, wada-xidhiidhka toolmoon, qancinta iyo xallinta dhibaatooyinka.

4. Xallinta dhibaatooyinka

Waa aasaasi in khilaaf ka dhex dhaco goobkasta oo shaqo taalo. In la lahaado xirfadda xallinta dhibaatooyinka ama khilaafaadka ee wax dhisaysaa waa muhiim. Xirfaddan waxa aasaas u ah dhagaysiga wanaagsan, gorgortanka, debecsanaanta iyo raadinta xal wada qanciya dhinacyada is haya IWM.

5. Xirfadda lakulanka dadka:

Dhisidda xidhiidho iyo madalo ay ku kulmayaan hageyaasha, daneeyayaasha iyo aqoonyahanku waa hab lagu abuuri karo madalo horumarin iyo hogo tusaaleyn ee da'aadda kusoo kala horeysay suuqada shaqada. Waxa fududaanaysa kala korodhsiga khibradda, xirfadda, xeeladaha iyo aqoonta si jiilka danbe nolosha halkaa ugasii anbaqaadaan oo anay nolosha sarta hoose ugasoo bilaabin sida jiilka ka waaweyn ama ka horeeyey.

6. Tiknoolajiyadda Casriga ah:

Maanta dunida cidda aan la socon sabankan casriga ah tiknoolajiyaddu way ka hadhaysaa tartanka horumarka ee jire.  Xirfaddaha aasaasiga ah ee ay tahay in ruuxkastaa bartaa waa koombiyuutarka, adeegsiga barnaajimyada (Softwares) iyo laqabsiga isbeddellada casriga ah ee maalin kasta soo kordhaya ee ka qayb qadanaya fududeynta iyo sahlidda hababka loo shaqeynayo.

7. Fiiro gaar ah:

Tixgelin gaar ah in la siiyo tirada iyo tayada hawlaha shaqo ee aad u igmantahay. Si taxadar leh u dhugo xogta, khaladaadka, wakhtiga iyo waxqabadka si aad ula kulanto tayadii iyo waxsoosaarkii lagaaga baahnaa ama lagaa filayey inta aad kusugantahay goobta shaqada.

8. Xasilloonida iyo Mareeynta werwerka

Awoodda xasilloonidu waa inaad dib u fadhiisato, naftaada dejiso oo aad neef dheer qaadato. Adigoo xassilloon miiska aad dib usoo fadhiisato si aad u xalliso caqabadii kaa horyimid.  Dhisidda awooddaada xasillooniyeed waxay carinaysaa maareynta werwerka, taasina waxay awood kuu siinaysaa qorsheynta iyo hab togan inaad u xalliso arrimaha kulasoo gudboonaada. Wixii ka baxsan awooddaada ee aanad waxba ka qaban karin aad faraha ka qaadi karto.

9. Maareynta Dareemada:

Waa fahimadda iyo maamulidda dareemada. Sidaa si lamid ah aqoonsiga iyo u debecsanaanta dadka kale. Xirfaddan waxa kamid ah ogaal-nafeedka, naf-maamulka, debecsanaanta iyo maareynta xidhiidhada. Intaaba haddii aad bixinayso waa muhiim inaad fiiro gaar ah u lahaato saameynta dareemeed ee kaaga imanaysa dadyowga aad la xidhiidhayso adiga oo kaalmo iyo caawimaad u fidinaya.

10. Xirfadda hoggaaminta

Waa xirfad muhiim u ah hagidda, dhiirigelinta iyo u hoggaaminta goobta shaqo guulo hor leh.  Tayada xirfadda hoggaaminta aasaaska u ah waxa kamid ah u fikirka hab qorshaysan, go'aan qaadashada, shaqo daadejinta iyo awoodda aad ku dhiirigelinayso dadka aad hoggaminayso ama aad wadashaqeynaysaan.

11. Maareynta Wakhtiga.

Si toolmoon u maamulidda wakhtiga iyo mudnaansiinta shaqooyinka aad ku gaadheyso habeysnaan, wakhtiga hawli ay kuugu eegtahay (Deadline) iyo joogtaynta waxoosaarkaaga qofeed. Maareynta wakhtiga waxa aasaas u ah hadaf-dejinta, qorsheynta iyo yareynta mashquuliyeyaasha.

12. Laqabsiga iyo Debecsanaanta:

Nidaamyada shaqada ee cusub iyo horumarka xawaaraha kusocdaa waxa aasaas u ah laqabsiga. Waa sababta shaqooyinku u yihiin kuwa debecsan oo aad mararka qaar kasii shaqeyn karto guriga. Awood ulahaanshaha laqabsiga bedelidda caqabadda, xirfad barashada, hab adeegsiga tiknoolajiyadda waa hab aasaas u ah guusha dhabta.

13. Xallinta dhibaatooyinka:

Awooda aqoonsiga dhibaatada, falanqeynta xogta iyo curinta xalwaara waa mid waxtar u leh goobta shaqada. Aasaaska xirfaddan waxa kamid ah fikir leh falanqeyn sare, curin, gorfeyn maangal ah iyo go'aan qaadasho.

14. Kooxaha iyo wadashaqeynta:

In si wadajir ah loo shaqeeyaa waxay keentaa ka dhabeynta hadafka guud ee goobta shaqada. Wadashaqeyntu waa fikrad wadaag, falcelin aqoon ku dhisan, xallinta khilaafaadka iyo iskaalmeynta xubnaha dhexdooda.

15. Xirfadda wada-xidhiidhka

Hab wada-xidhiidh cad oo caafimaad qaba wuxuu xoojiyaa wadashaqeynta goobta shaqo iyo si heersare ah in loogu adeegto macmiilka ama shaqo-wadaagaha. Waxa aasaas u ah jawaabcelin degdeg ah sida tilifoonka, fariimaha, dhageysiga wanaagsan iyo falcelinta caafimaad qabta.

Goobta shaqada marka lajoogo xirfaddahani waxay kamid yihiin seeska hoose ee uu ku dul dhismayo shubka sare ee wadashaqeynta shirkadda/ururka/hay'adda IWM.

Guuleyso!    

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164