Maareynta Wakhtiga Ee Goobta Shaqada!

Maareynta wakhtigu waa maareynta nafta. Hoggaaminta naftu waa imtixaannada ugu adag ee qofka bani-aadamka ahi maro, taas oo leh natiijo sare u qaata derejada qofka labada daaroodba. Maanta halkan waxaynu ku eegi doonnaa mawduuc kamida mawduucyada loogu hadal haynta badan yahay, haddana loogu maare iyo fahanba daranyahay. Qodobaddaa maareynta nafta waxa kamid ah: 

1.Isqiimee

Habkee ayuu wakhtigaagu u baxaa? Ma hawlo shaqadaada wanaajinaya? Mise arrimo aan muhiim kuu ahayn? Wakhtiga aad shaqada joogtaa ma yahay mid aad u adeegsato sida ugu habboon? Isqiimeyn kaddib waxa kuu soo baxaya heerka tacabkaaga ama waxsoosaarkaagu taaganyahay. Qodobkani waa halka aad ka dhaqaaqi doonto ee furaha u ah maareynta wakhtigaaga.

2. Qorshe

Usoo diyaar garow qorshe dejin adiga oo soo qaadanaya buug iyo qalin kunabilaabaya waydiin ka fikirsiisa maskaxdaadda. Is waydii oo ogow hawlaha kuu yaala ee shaqo, waxbarasho, horumarin nafeed iwm. Ku qor xaashiyaha buuggaaga arrimahaas kaddib dib u fadhiiso oo ka fikir sidee ayaan ugu qaybiyaa wakhtigayga (Hawlwaliba intay uga baahantahay 24 kayga saac) 

3. Mudnaansiin 

Shay muhiim ah oo degdegsiin mudan, Shay muhiim ah oo aan degdegsiin mudnayn, Shay aan muhiim ahayn oo degdegsiin mudan iyo shay aan muhiim ahayn, degdegsiinna aan mudnayn ukala qaad hawlahaaga. Maalin kasta qabo 3 - 5 shay oo muhiim ah, una qabo sida ugu fiican adiga oo ku qabanaya wakhtiga ugu munaasibsan. 

Kala mudnaansii hawlahaaga.

4. Kooxee

Kooxee hawlaha isku nooca ah oo midkasta wakhti ku munaasib ah ku beego. 

Tusaale1,

Haddii 5 kooxood, 5 email ay kaa sugayaan midwalba wakhti hasiin. Diyaari xogta, warbixinta, qaansheegta, ogaysiiska amma codsiga aad u dirayso halmar dhammaantood kaddib hal mar u jeedso xaga iimeylka (email) oo u dir dhammaantood. 

5. Hawlo-wadaqabadka (Multitasking)

Waa run. Culeys badan ayaa ka imaada hawlaha badan ee mar lawada qabto. Hawlo-wadaqabadka mideysani wuxuu kaa qaadayaa wakhti aad hawlo badan ku dhameystiri lahayd. Hal shaqo inta aad bilowdo dhameystir, shaqada xigta ku labee oo dhameystir waxa aad ogaan doontaa in habkaasi ka waxqabad fiican iyo wakhti dhameystirba fiicanyahay. 

6. Xaddidaad - Wakhti ay ku eegyihiin shaqooyinku

Hawlqabad kastaa in uu yeesho xaddidaad ama wakhti uu ku eegyahay waa mid lagamamaarmaan ah. Waxay suureglinaysaa shaqo qabasho wacan, taas oo kuu ilaalinaysa wakhti kale oo kaaga guban lahaa hawsha oo aad arrimo kale ku qaban kari lahayd. 

7. Nasasho

Ka nasashada gaaban ee shaqadu waxay ku siinaysaa tamar cusub, diirad saaris toolmoon iyo awood waxqabad oo cusub. Ha yaraatee isku day in aad nasashooyin u dhaxaysiiso shaqooyinka aad qabanayso. 

8. MAYA

Marar badan go’aamada aad qaadato ayaa kugu caawinaya horumar sameyntaada amma taagnaanshaha halkii aad shalay amma sannad ka hor aad soo gaadhay. Mashquullada faraha badan, codsiyada tiro beelka ah, fariimaha aan muhiimka ahayn, maadeyska iyo medadaallada doonistoodu kaaga imanayso dadka kugu xeeran in aad MAYA odhan kartaa waa mid aad muhiim u ah si tacabkaaga iyo yoolashaaduba u guuleystaan. 

9. Is-habeyn

Kala daadsanaan, raadin badan iyo shaqooyin aan kuu kala mudnaan lahayni waxay dilayaan wakhti aad kaga midho dhalin lahayd hawlo isku sidkan oo miiska kuu saaran. Inta aanad hawl bilaabin is-habee adiga oo ka jawaabay waydiimahan hoose:

  • Ka hor hawsha maxaan u baahanahay qalab? Sida  qalin, buug, kombiyuutar, faylal, waraaqo, Internad, meel banaan iwm

  • Sideebaan ukala horaysiiyaa hawlaha? Midkee muhiim ah? Midkeense muhiim ahayn?

  • Wakhti intee leeg ayaan ku dhameyn karaa qiyaastii? 

10. Jeediyeyaal (Distractions)

Lahaanshaha awood aad ku xadido mashquuliyayaasha tiro beelka ah ee aynu gacanta ku haysanaa waa mid ka qayb qaadanaysa koboca waxsoosaarkeena shaqo iyo ka faa’ideysiga cimirga nolosheena. Nidaami wakhtigaaga oo u samee amin gooni ah baraha bulshada, akhyaarta, horumarinta naftaada, qoyska iwm.

Khubarada Harvard Business Review waxay soo jeediyaan saddex xirfaddood oo aasaasi ah in loo kala saaro guusha maareynta wakhtiga:

  1. Baraarug: Uga fikirista si xaqiiqo ku dhisan wakhtiga adiga oo fahmaya inuu yahay khayraad xadidan si aad uga faa’ideysato habka ugu munasibsan. 

  2. Diyaarsannaan: Qorshaynta yoolasha, qorshayaasha, wakhti u dijinta iyo hawlaha adiga oo u adeegsanaya wakhtigaaga sida ugu mudan

  3. Qiimeyn: Si joogto ah u qiimeynta wakhtigaaga iyo hawlaha aad u qoondeysay. Kaabista iyo waxkabadalka kala mudnaansiintooda. 

 

Tixraac:

Harvard Business Review

Lucidchart

Buug: Xilkas

Buug: Thinking: Fast & Slow

------------------------------------------------------------------

Guuleyso

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ogolaansho ah la xidhiidh [email protected] 

Tixgelin

---------------------------------------------------

NAGUSOO BIIR ---  SOMALI JOBS

Halkan iska diwaangeli: https://somalijobs.com/auth/signup

Booqo mareegta: https://somalijobs.com/

Lasoo deg APPka:https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs

Tiktok: https://www.tiktok.com/@somalijobsinc

Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCterdvGtdVbUNKQiZFCLenw

Facebook Page: https://www.facebook.com/somalijobs

Facebook Group: https://www.facebook.com/groups/somalijobs

Linkedin: https://www.linkedin.com/company/somali-jobs

Twitter: https://twitter.com/somalijobs

Instagram: https://www.instagram.com/somalijobs/

Telegram: https://t.me/somalijobsinc

---------------------------------------------------------