7 Hab Oo Aad Ku Laylin Karto Naftaada!
Jun 22, 2024 by

1. 21 Maalmood oo bilaa cabasho ah
Jooji cabashada, dhaleecaynta, xanta iyo ku mashquulka dadka muddo saddex toddobaad ah. Waxa sare u kacaya qiimahaaga, kalsoonidaada iyo farxaddaada.
2. 75 Maalmood oo adag
Shan iyo todobaatan cisho oo isnidaamin ah: Cun cunto faa'ido leh, cab litir biyo ah, akhri toban bog oo aan ahayn sheeko, jimicso saacad ama laba. waxa aad ku dhiiranaysaa isbeddel joogto ah oo, koboc iyo maalinkasta inaad talaabo hore u qaado.
3. 30 Maalmood oo yarayn ah.
Hal dhaqan, caado ama ficil oo aanad jeclaysan meesha ka saar maalinta koowaad, maalinta labaadna midkale isku day ilaa noloshaadu isbeddelayso. Guushu waa isbeddel talaabooyin yar yar oo la joogteeyey ka dhashay, sida dhibcaha roobku badweyn u sameeyaan, quruuruxuna buuro waaweyn usameeyaan oo kale.
4. Kanaso AALADAHA CASRIGA AH.
Maalin, todobaad ama bil ka dhexba baraha bulshada kaddib eeg naftaada. La macaamil deegaanka aad ku dhex nooshahay, u fiirso dunida aan laga ogayn aaladaha casriga ah iyo noloshu siday tahay.
5. 52 Todobaad: layli lacageed ah.
Layliga kaydsi lacageed ku bilow $1 todobaadka hore, $2 todobaadka xiga, sii wad. Dhammaadka sannadka waxa kayd kuu galay $1,378.
6. 3 maalmood: layli jaarjar
Si aad u daryeesho hurdadaada, kaga kaalay jaarjarka tilifoonkaaga meel kabaxsan guriga ama qolka aad seexanayso. Hore ayaad ka seexan, subaxana uma baahanaysid inay saacadi ku kiciso. Waxaad fursad u helaysaa inaad deegaankaaga hurdeed u fiirsato halkii marka aad kacdaba tilifoonka aad kalasoo boodi lahayd.
7. Bogagga subaxa
Shalay, xalay iyo intaad hurudayba fikrado waxtarleh ayaa maskaxdaada kusoo dhacay. Xeeladee maskaxdaada oo qor subax kasta fikradahaa iyo qorshayaashaada maalinta, todobaadka iyo sannadkaba. Waa hab aad naftaada ku baran karto oo aad ku dhiirigelin karto maalinkasta inay qorto ereyo haga oo dhiirigeliya.
Waa habab kooban oo aad ku laylin karto naftaada si aad u gaadho horumar shakhsiyeedka aad haybinayso gaadhistiisa.
Tixraac
Ben Meer
Brad Stulberg
Julia Cameron
The Minimalist
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164