Nov 18, 2024 by
Wakhtiga maalintii kuusoo hadha marka aad dhammaysid howlahaaga muhiimka ah waa mid qaali ah oo mudan in si qorsheysan loo maareeyo. Waa fursad lagu horumarin karo naftaada, xirfaddahaaga, iyo fahamkaaga. Maqaalkan, waxaan diiradda kusaari doonnaa sida aad wakhtigaas uga faa’idaysan karto si wax ku ool ah.
Wakhtiga kuusoo hadha maalintii waa il fursad u ah waxbarashada joogtada ah, taasoo ah habka ugu wanaagsan ee lagu xoojiyo horumarka shaqsiyeed iyo kan xirfaddeed. Waxbarashadu kuma koobna oo kaliya waqtiga fasallada ama koorsooyinka, laakiin sidoo kale waa hab nololeed oo aad naftaada ku hogaamin karto.
Haddii wakhtigaas si fiican loo maalgashado:
Faa'idooyinka maalgashiga wakhtiga
Wakhtigu waa hanti aan dib loo heli karin. Sidaad u maamusho wakhtigaaga ayaa si toos ah u saameeya noloshaada iyo guushaada. Dadka sida wanaagsan ugu guulaysta nolosha waxay awood u leeyihiin inay si hufan u isticmaalaan wakhtigooda.
Haddaba, si aad uga faa’idaysato wakhtiga kuu soodha waxa muhiima inaad maanka ku hayso qodobadna hoose:
Arrimahan ku maalgasho wakhtigaaga:
1. Akhris joogto ah: Sooqaado buug daabacan ama mid PDF ah. Inta bog ee uu yahay u qaybi 30 ka maalmood ee bisha, kaddib maalin kasta akhri inta bog ee kusoo hagaagta. Tusaale, Buugga aan Bishan akhriyayo (anigoo kuwo kalena ku dhex wada) waa Negotiation Genius oo ah 314 bog, 314/30= 11 Bog kudhawaad ayaan ka akhriyayaa maalintii. Haddii aan maalin ka mashquulayo maalinta ka horeysa ayaan sii qadimaa ama maalinta ku xigta ayaan soo qaleeyaa.
2. Xirfad barasho joogto ah: Isku day bilwalba inaad ku maalgeliso naftaada xirfaddaha muhiimka ah ee nolosha iyo shaqadaadaba fududeynaya ama kor u qaadaya
3. Lasheekaysiga dadka kaa waayo-aragsan: Wakhti la qaado dadka kaa waayo-aragsan ee waxbadan usoo joogay. Waxaad ka dhaxlaysaa talooyin noloshaada bilaya oo kaa leexin kara madmadowga iyo gudcur inaad guddo. La saaxiib
4. Dhagaysiga barnaamijyada aqoonta gudbinaya: Podcasts ka dhagayso iyo barnaamijyada waayo-aragnimadaada kordhinaya.
Wakhtiga maalintii kuusoo hadha waa hanti qiimo leh oo loo baahan yahay in si xikmadaysan loo maareeyo. Waxbarashada joogtada ah, nasashada waxtarka leh, iyo horumarinta naftaada waa maalgelin soo celinaysa faa’idooyin aan dhammaad lahayn. Qorshee, mudnaanta sii waxyaabaha muhiimka ah, oo ka faa’idayso fursad kasta si aad ugu dhawaato guusha aad ku hamidayso. Wakhtigaaga si fiican u maamul maanta, si berrito aad uga dhabayso riyooyinkaaga!
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164