Wadajirku Waa Guul!

Wadashaqeyntu waa dhismaha xidhiidh shaqo ee kooxaha iyo shaqaalaha ay si wadajir ah ugu howlgalaan si ay u gaadhaan yoolal iyo guulo wadaag ah. Waa furaha horumarinta wax-soosaarka iyo abuurista jawi shaqo oo caafimaad qaba. Goob kasta oo shaqo waxay guulaysataa marka shaqaalaha iyo hoggaanka si dhow u wada shaqeeyaan. Guushu maaha shaqo shaqsiyeed, waa dedaal kooxeed. Cilmibaadhis lagu daabacay Harvard Business Review waxa lagu ogaaday in qofku kooxda uu kamid noqdo ladhaqan noqonayo.

Wadashaqeyntu waxay sare u qaaddaa wax-soosaarka iyo hufnaanta maamulka. Shaqooyin adag ayaa si fudud loo qabtaa marka kooxuhu ay si wadajir ah uga shaqeeyaan, taas oo keenta horumar iyo dhaqan shaqo oo wanaagsan. Intaa waxaa dheer, dhibaatooyinka waa la xallin karaa si hufan marka aragtiyo kala duwan la wadaago, taasoo dhalisa xalal cusub. Haddii aad rabto inaad dhakhsato amma degdeg to, kali soco; haddii aad rabto inaad meel fog gaadhaanna, wadajir u socdo.

Marka shaqaaluhu ay wada shaqeeyaan, waxaa dhasha isku-duubni iyo kalsooni oo ah dhismaha kooxo guul gaadha. Waxay kor u qaaddaa farxadda shaqada, waxayna hagaajisaa xidhiidhka dadka ka dhexeeya.

Curintu waa hal-abuurka fikradaha cusub, halka wadashaqeyntu tahay nidaamka hirgelinta fikradahaas. Wax-soosaarka hal-abuurka leh wuxuu ka yimaaddaa kooxo kala duwan oo fikraddooda si wadajir ah u wadaaga, si midaysanna ahna uga shaqeeya hirgelinta. Tusaale ahaan, shirkado badan oo guuleystay ayaa isticmaalay fikrado ay kooxo iska kaashadeen, taasoo keentay guulo badan oo ganacsi ama daraasado ay maalgelisay dawladda Maraykan waaxdooda cilmibaadhista ciidanku ayey ka dhasheen shirkaddaha Tesla iyo adeegyada Internetka, GPS ka IWM. Kooxaha wanaagsan ma aha kuwa aan khilaaf ka dhicin dhexdooda, balse waa kuwa garanaya sida loo xalliyo khilaafka.

Diinta Islaamku waxay xoogga saartaa wada shaqeyn iyo isku-duubni. Quraanka iyo Axaadiista waxaa lagu boorriyay in dadka Muslimiinta ah ay iska kaashadaan wanaagga. Ilaahay Subxaanahu watacaala wuxuu ku yidhi Surat Al-Maa’idah: 2: ‘’Isku kaashada wanaagga iyo taqwada, hana isku kaashanina xumaanta iyo dulmiga.’’

Tusaaleha ku saabsan wadashaqeynta Muslimiintu waa guushii la gaadhay xilligii dagaalkii Beder, halkaas oo saxaabadu ay si wadajir ah u fuliyeen qorsheyaal, taasoo keentay inay ka adkaadaan ciidamo aad uga badan tiradooda. Sidoo kale, Hijradii Nebiga (NNKH) iyo Muhaajiriinta waxay ahayd mid ku salaysan iskaashi iyo garabsiinta bulshada Madiina (Ansaar).

Wadashaqeyntu waxay u baahan tahay xirfado muhiim ah oo ay kamid yihiin:

1.     Xidhiidh hufan: Isgaadhsiin wanaagsan ayaa muhiim ah si shaqada loo fududeeyo.

2.     Kalsooni iyo ixtiraam: Aqbalaadda kala duwanaanshaha fikirka iyo aragtida, u tixgelinta iyo siinta kalsoonida uu mudan yahay qofkastaa.

3.     Xallinta khilaafaadka: Khilaafaadka oo si habboon loo xalliyo wuxuu xoojiyaa xidhiidhka shaqo.

4.     Hoggaan wanaagsan: Hoggaamiyuhu waa inuu abuuraa jawi soo dhoweyn leh oo kooxdu si fiican ugu shaqeyso.

5.     Fur-furnaan: Waa in la dhiirrigeliyaa in qof walba uu cabbiro fikirkiisa si xor ah. Wadashaqeyntu waxay ka dhigtaa shaqada mid fudud oo macno leh.

6.     Dhagaysi wanaagsan: Dareen soo jeeda, jidh ahaan iyo maskax ahaanba in wakhti la siiyo dadka wadashaqeyntu idinka dhaxayso wakhtiyada falanqaynta iyo doodaha.

7.     Talo qaadasho: Weelaynta talooyinka iyo falcelinaha wax dhisaya ee ka imanaya xubnaha wadashaqeynta iyo maamulka. Silamid ah xubnaha ilaa maamulku inay ahaadan kuwo u diyaar ah weelaynta iyo wax ka korodhsiga ama kabarashada xubnaha kale.

Waxaa jira habab muhiim ah oo lagu abuuri karo jawi shaqo oo wadajir ah:

  • Hadaf cad u dejinta kooxda: Kooxaha waa inay ogaadaan yoolkooda si ay ugu midoobaan kawada shaqeynta hiraalkaa qoran ee hoggaamiyuhu jeexay.
  • Madasha fikirka iyo wada-hadalka: In la dhiirrigeliyo doodaha caafimaadka qaba waa hab muhiim ah.
  • Dhiirrigelinta wada-tashiga: Kooxuhu waa inay fursad u helaan in la maqlo fikraddahooda.
  • Qiimeynta iyo abaalmarinta shaqaalaha: Marka la abaalmariyo shaqo wanaagsan, waxay kor u qaaddaa wadashaqeynta iyo dhiirigelinta shaqaalaha.

Horumarka ugu weyn waxaa keena shaqo wadajir ah oo kooxeed. Wadashaqeyntu waa laf-dhabarta guul kasta oo waarta. Shirkaddaha ama ururrada sida ugu fiican u wada shaqeeya waxay awoodaan inay yareeyaan khilaafaadka, kordhiyaan wax-soo-saarka, una abuuraan shaqaalaha jawi firfircoon oo kobciya farxadda iyo horumarka. Waxay sidoo kale dhiirrigelisaa isku duubnida taasoo ah furaha lagu gaadhi karo yoolal fog.

Gabagabadii, wadashaqeyntu waxay tahay saldhigga horumar kasta, waana habka ugu wanaagsan ee lagu abuuri karo guulo waara iyo xidhiidh shaqo oo waxtar leh. Shaqo kasta oo weyn, waxaa la gaadhaa marka wadajir la howlgalo. In la dhiso jawi wadashaqeyneed waxay fure u tahay in qof kasta dareemo inuu qayb muhiim ah ka yahay guulaha la gaadhayo.

 

 

Guuleyso!    

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164

Attachments