Dhaxal Reebkaaga (ficillo Yar-Yar Oo Joogto Ah)

May 10, 2025 by somalijobs inc

Dhaxal Reebkaaga (ficillo Yar-Yar Oo Joogto Ah)

Dhaxal waxa uu inta badan ka dhasha hab-dhaqanka iyo ficillada yaryar ee aan maalin kasta ku celcelinno. Dad badan waxay u haystaan in dhaxal wanaagsan uu u baahan yahay boos sare ama hanti badan, balse xaqiiqadu waxa ay tahay in qof kasta oo ah dhallinyaro ama hoggaamiye uu reebi karo dhaxal loo riyaaqo iyada oo aan shardi u ahayn magac weyn ama maal adduun. Qofku uma baahna in uu halyey caan ah noqdo ama uu qabto waxyaabo aan caadi ahayn si uu dhaxal waara u yeesho; run ahaantii ficillo yaryar oo si joogto ah loo sameeyo ayaa ku filan in ay saamayn waarta yeeshaan. Qoraaga Mike Donghia ayaa xusay in ficillada maalmeedka ah ee naxariista iyo damqashada leh, haba yaraadeene, ay yihiin “dunta isku xidha” dhaqanka iyo qiyamka bulshada. Sidaas darteed, waa inaan qiimeynaa awoodda ay leeyihiin tallaabooyinka yaryar ee aan maanta qaadno, maaddaama ay yihiin kuwa barri inagu sii waaraya.

Marka laga hadlayo dhaxal, intooda badan waxaa maskaxdeena kusoo dhaca hanti la dhaxlo ama xusuus loo reebo isagoo qofku xil sare soo qabtay. Si kastaba ha ahaatee, dhaxalka ugu qaalisan waa midka ku jira quluubta dadka kale. Waxaa la yidhaa: ma jiro dhaxal ka qaniisan daacadnimo.” Micnaha, haddii aad noqoto qof daacad ah oo hufan, dadka kugu xeeran ayaa kugu xasuusan doona sifadaas wanaagsan, taas ayaana noqonaysa dhaxalkaaga ugu weyn.

Sidoo kale, diinteena Islaamka ayaa ina baraysa in aan la yasin wax samafal ah, haba yaraadee. Nebi Muxammad (SCW) wuxuu yidhi: “Ha yasin wax khayr ah haba yaraadee, xataa walaalkaa oo aad waji furan kula kulanto”. Xadiiskan oo ku sugan Muslim waxa uu inna xasuusinayaa in xitaa dhoola caddayntu ay tahay ficil wanaagsan oo laguu qoraayo. Marka la joogo dhaxal, macnaha hadalkan waa in ficil kasta oo yar oo wanaagsan uu mudan yahay in la sameeyo, waayo is biirsigiisu wuxuu noqon karaa dhaxal la taaban karo.

Qof waliba wuu dhaxal reebi karaa iyada oo aan loo eegin meeqaamka uu joogo. Waxaad noqon kartaa dhallinyar da’yar oo haddana leh saamayn weyn: tusaale ahaan, haddii aad tahay arday had iyo jeer caawiya asxaabtiisa daciifka ah ama abaabula waxqabadka bulshada, Dadka kale waxay kuugu yeedhi doonaan qof adeege bulsheed oo horseed u ah wanaagga. Sidoo kale, hoggaamiye kasta dhaxal wuu reebi karaa, laakiin arrintu maaha inta amar ee uu bixiyo ama mashaariicda uu fuliyo oo keliya; ee waa sida uu maalin walba ula dhaqmo dadka uu mas’uulka ka yahay. Hoggaamiye waqtigiisa u hura inuu dhegeysto shaqaalihiisa, dhiirrigeliya, oo ku haga hagar la’aan, waxa hubaal ah in marka uu xilka ka tegaayo lagu xasuusan doono wanaaggiisa iyo kalgacaylka uu muujiyey. Taas beddelkeeda, mid kibir badan oo dadka ku qadariya keliya waxqabadkooda, lana wadaaga waqtigiisa yar, ma yeelan doono dad xusuus gaar ah u haya marka uu ka tago. Dhaxalka dhabta ah ee hoggaamiyuhu waa waayo-aragnimada iyo dareenka uu uga tago quluubta dadka, maaha kursiga uu ka tago.

Haddaba waa maxay tusaalooyinka ficillada yaryar ee noqon kara dhaxal xooggan? Hoos waxaa ku xusan dhowr arrimood oo muhiim ah:

  • Daacadnimo iyo hufnaan: Haddii aad had iyo jeer runta u sheegto dadka, oo aad ballantaada ilaaliso, waxaad heli doontaa sumcad oo waxaad noqon qof la aamino. Daacadnimadu waa lafdhabarta ugu qaalisan ee lagu xasuusto ruux. Midheheedu waxaad ku kasban kartaa sumcad adigoo aan maal iyo mansab midna isticmaalin. Qofka daacadda ahi waxa uu ku dhex leeyahay bulshada magac aan duugoobin oo ah “aamin-ilaaliye”, waana magac ka sarreeya dhaxalka maaliyeed.
  • Daryeelka dadka kale iyo naxariista: Ficillada yaryar sida inaad deriskaaga ka warqabto, qof bukaan ah booqato, ama aad caawiso cid baahan, waxay dadka kale ku reebaan raad nololeed. Waxaa laga yaabaa inaadan hanti badan bixin, balse kalgacaylka iyo naxariista aad muujisay waa hibo qaali ah. Qof kasta oo aad u sameyso samafal xataa mid yar, wuxuu xusuusan doonaa wanaaggaas. Inta aad nooshahayna waxaad ku noolaanaysaa qalbiyadooda, xataa marka aadan joogin. Dhaxalka noocan ah waa mid sii jira jiilba jiil, waayo qofkii aad caawisay isaguna wuxuu u gudbin karaa wanaaggaas dadka kale.
  • Waqti siinta bulshada iyo shaqaalahaaga: Waqtigaaga waa kan ugu qaalisan ee aad bixin karto. Inaad waqti u hurto inaad qof dhibban dhagaysato, inaad waqti la qaadato qoyskaaga iyo asxaabtaada, ama aad si mutadawacnimo ah ugu adeegto bulshadaada, waxay gudbineysaa farriin ah: “Waxaad tihiin muhiim”. Dadku marna ma illaawaan cidda si dhab ah u ag joogtay marka loo baahnaa. Tusaale ahaan, hoggaamiye shaqaalihiisa si dhab ah u dhegeysta oo taladooda tixgeliya ayaa ku reeba xusuus ah inuu ahaa hoggaamiye dad jecel oo garab taagan kooxdiisa. Sidoo kale, dhallinyarada bulshada u adeega (tusaale ahaan ololaha nadaafadda xaafadda, gurmadka abaaraha, masiibooyinka iwm) waxay dhaxal u reebayaan bulshadooda adeeg iyo isbeddel togan, inkastoo aan magacyadooda lagu sheegin warbaahinta. Xusuusta ay bulshadaasi u hayso waxtarkaasi waa dhaxalkooda dhabta ah.
  • Dadaalka maalinlaha ah iyo dulqaadka: Ficil yar oo aad maalin kasta ku celcelisaa waxa uu ka qiimo badan yahay ficil weyn oo hal mar ah. Haddii aad shaqadaada ama waxbarashadaada si xilkasnimo leh ugu dhabar adaygto maalin walba, waxaad dhiseysaa sumcad shaqoo adag iyo xiise gaar ah marka aad ka tagto goobtaas. Qofka dadaalka leh ee aan ka gabban waajibaadka waxaa lagu xasuustaa kartidiisa iyo adkeysigiisa. Dhallinyarada dadaalka muujiya waxay dhaxal ahaan u helaan in lagu daydo oo la yiraahdo “Hebel ama Heblaayo maalin ma dayacin dadaalkeeda amma qofka maamuuska noocaasa bulshada ku dhex lehbaa goobtan waxbarasho ka qalin jebiyey.” Hoggaamiye mushkilad kasta u wajaha si karti iyo dulqaad leh isagoon ka baqan in uu xal u raadiyo, tusaale ayaa loo qaataa, waxaana lagu xasuustaa geesinimadiisa marka waqtiyadu adkaadeen.

Intaas oo dhan, waxaa muhiim ah in la xasuusto in dhaxalka ugu weyn aanu ahayn wax aynu qormo ama sheeko kusoo bandhigno, balse uu yahay dhaqan iyo joogtayn la muujiyo maalinkasta. Dadka kugu hareeraysan waa markhaatiyaasha dhabta ah ee dhaxalkaaga. Waxay sheegi doonaan ama xasuusan doonaan sida aad u dhaqantay, waxa aad baratay oo aad la wadaagtay, iyo saamaynta aad ku yeelatay naftooda. Had iyo jeer ku dedaal in ficilladaada yaryar ee maanta ay la jaanqaadaan qiyamka aad dooneyso in laguu yaqaan mustaqbalka. Dhaxalkaagu waa sheekada noloshaada oo ay dadka kale ku sheegayaan marka aadan maqlayn.

Dhallinyaronimo waa marxalad dahabi ah oo lagu aasaasi karo dhaxal mustaqbal oo lamahadiyo. Marar badan, dhallinyarada waxay u haystaan in dhaxal la reebo ay u baahan tahay in cimri dheeraad la gaadho ama la sugo ilaa waayeelnimo, balse xaqiiqdu waxay tahay in maanta ay tahay maalintii dhaxalka la abuurayay. Inta aad yar tahay, waa xilliga ugu habboon ee aad ku tababaran karto ficilladaas yaryar ee wanaagsan si ay qayb uga noqdaan qofnimadaada.

Ku bilow gurigaaga iyo goobtaada waxbarasho: ku kaalmee waalidkaa iyo walaalahaa howlaha yaryar ee maalinlaha ah; waqtigaaga u hibee inaad waayeelka qoyska ag fadhido oo aad ka dhagaysato sheekooyinkooda; iskuulka ku caawi ardayga cusub ama kan dhibban ee aan weli la qabsan. Dhallinyarada jaamacadaha soo gelaya hag, sidii ay u dhisan lahaayeen mustaqbal labada daaroodba guuleysta. Ka shaqo raadinaya ku biiri xog iyo talooyinka ka dhiman. Sallaankaaga hoos u soo dhaadhici markasta oo aqoon iyo waayo-aragnimo sal balaadhani kuu korodhoba. Falalkan yaryar waa halkii aad ka dhisi lahayd sumcad qof wanaagsan. Tusaale ahaan, Qof kasta oo arkaa ficilkaas wuxuu ku xasuusan doonaa wanaaggaas, xitaa sannado kaddib marka la waynaado. Dhallinyarada maanta ficilada yaryar ku dhiiradaa, berri waxay noqon doonaan hoggaamiyeyaal dhaxal fiican leh.

Ha u qaadan in wanaag kasta oo aad sameyso uu yahay mid iska lumo haddii aan lagu abaalmarin isla markiiba. Jiilka aad la nooshahay ama ka dambayaa waa ay daawanayaan oo qoraal bay ka hayaan ficilladaada. Waxa laga yaabaa in aad is leedahay “anigu weli cid igama dambeeyso oo waan yarahay” balse saaxiibbadaa, waalidiintaada iyo walaalahaa ayaa ah kuwa maantaaba kugu dayda ama kugu diirsada. Dhaxalkaagu ha bilaabmo maanta, hana ahaado mid ku qotoma ficillo togan oo aad ku kasbanayso quluubta dadka kaleba.

Hoggaamiye kasta oo maanta jooga ha noqdo mid bulshada u adeega ama shirkad madax ka ah, waa in uu ogaadaa in dhaxalkiisu uu ka dhigan yahay saamaynta uu ku reebo dadka uu hoggaamiyo. Hoggaamiyuhu maalin kasta door ayuu leeyahay: inuu doorto wanaag iyo wadatashi, ama inuu iska qaado kalitalis aan dheg jalaq u siinin cidda kale. Haddii aad tahay hoggaamiye, is weydii: “Maxay tahay sheekada ay dadkeygu iga sheegi doonaan marka aan ka tago booskan?”.

Waxaa la ogaaday in inta badan shaqaalaha ama bulshada ay illoobaan farqiga u dhexeeya yoolalkii la gaadhay iyo hawlihii la qabtay, balse aysan marnaba illoobin sida loola dhaqmay. Shaqaale subax walba laga oo sheego hadal murugo galiya ama liidid ah, waxa hubaal ah inay sanado badan xusuusan doonaan dhaawaca niyadeed ee ay maalin walba shaqada kala kulmi jireen. Taas beddelkeeda, shaqaale subax kasta wajahaya maamule dhiirrigeliya oo yidhaahda “waad ku mahadsan tihiin dedaalkiinna” ama u dhigma, waxay xusuusan doonaan halkaas goob shaqo sidii guri labaad oo kalgacal leh.

Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu reebaa dhaxalka ugu mudan oo ah aqoonta iyo akhlaaqda uu ku beero dadka kale. Tusaale ahaan, macallin ama tababare si daacad ah ugu hurtay waqti iyo juhdi in ardaydiisu wax bartaan, kartidoodana ay korodho, wuxuu ku reebi doonaa dhaxal ah in ardaydaasi noqdaan kuwo anshax iyo aqoonba leh oo sii wada faa’idada uu baray. Sidoo kale, maamule da’ yar oo ku dedaala in uu shaqaalihiisa baro xirfaddaha uu leeyahay oo uu la wadaago waayo-aragnimadiisa, dadka uu maamulo way u aqoonsan doonaan hoggaamiye wax-taray. Hoggaamiyaha dhaxalka fiican reebaa waa kan dadka kale ka dhiga hoggaamiyeyaashii mustaqbalka, kan soo saara dad iyaguna wax reeba.

Inta aad xil leedahay ama aad ka masuul tahay dadka, ogow in fursad weyn kuu taallo: inaad dhisto magac lagu xasuusto marka dambe. Ma aha lagama maarmaan in taariikh loogu qoro buugag ama warbaahin; waxaase ugu filan in qof kasta oo aad maamulaysay ama aad hoggaamisay uu kuu qiro in aad ahayd qof wax wanaagsan bari jiray oo toosiyay. Taasi waa mahad iyo xasuus aan lacag lagu heli karin.

Ugu dambeyn, maskaxda ku hay in dhaxalkaagu aanu ahayn wax aad habeen qudha ku sii deyso, balse uu yahay ururin ballaadhan oo ficilladaada ah maalinba maalinta ka dambeysa. Ficillada yar-yar ee aad si joogto ah u samayso waa halkii uu ka hanaqaadi lahaa dhaxalkaagu. Sida dhibcaha biyaha yar yar ee is biirsada ugu dambaynta u noqdaan webi qulqula, ayey ficilladaada yaryari ugu dambayn noqonayaan dhaxal weyn oo noloshaada ka hadha. Qof kastaa wuu dhaxal reebi karaa, waana masuuliyadda innaga ina saaran in aan dooranno nooca dhaxal ee aan rabno in aan ureebno jiilashada danbe.

Maanta haddii aad dadka ula timaaddo waji furan, daryeel, iyo daacadnimo, ogow inaad dhiseyso taallo aan dhulka ka muuqan laakiin ku taala qalbiyada dadka. Haddii aad maanta qof dulmane ah u hiilisay, berri waxaa laga yaabaa in carruurtiisu ay kugu xasuustaan sidii halyeynimada lahayd ee aad xaqa uu addintay, dulmigana aad uga dhiidhiday. Haddii aad maanta intii karaankaaga ah wax u tartay bulshadaada, berri dadka deegaanku waxay ka sheekayn doonaan magacaaga iyo waxtarkaaga..

Marka aad seexanayso habeenkii, dib u milicso maalinta: ma jirey fal-yar oo togan oo aad maanta qabatay? Haddii aad midna heli weydo, berri waa maalin cusub oo fursad leh. fursad aad ku bilaabi karto ficil laga yaabo in uu noqdo dhaxal weyn. Ha moogaanin qiimaha ku jira samo-falka joogtada ah. Dhaxalkaaga ha ahaado mid ku dhisan qiyamkaaga iyo ficilladaada waana mid aan shardi u ahayn mansab ama maal, balse ka dhasha qalbi wanaag iyo hawlkarnimo joogto ah. Qof kasta oo inaga mid ah wuxuu horseedi karaa isbeddel iyo xasuus waarta. Maanta ficil yar oo aad qaaddaa wuxuu noqon karaa sheeko qurux badan oo lagugu xasuusto mustaqbalka ama dhaxal adag oo aad adigu dhidibbada u aastay.

Tixraac

  1. Mike Donghia, This Evergreen Home: “Ordinary Ways to Leave a Positive Legacy With Your Life” 
  2. William Shakespeare, All’s Well That Ends Well: “No legacy is so rich as honesty” 
  3. Xadiis ka sugnaaday Nebi Muxammad (SCW), Sahih Muslim, (Riyaadu Saalixiin, xadiiska 121
  4. Mike & Mollie, This Evergreen Home: “Every small action contributes to a life well-lived and remembered”

 

Guuleyso!  

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164