Xarago Dhameystir!

In si xarago leh loo qabto hawlaha shaqadu waxay u baahantahay dareensanaan iyo nidaam. Halkan waxaynu ku wadaagi doonnaa talooyin wax ku ool ah oo ka qayb qaadanaya inaad si xarago leh u dhameystirto hawlaha kuu yaala.  

1.  Xog-reeb samee (Note-taking/Todo list)

Ha isku halleyn xasuustaada, Maskaxdeena waxa kulamaan ilawshiyow dhow oo Ilaahay innagu galladay. Haddii aynu waxkasta oo inna soomaray nolosheena xasuusan karno mabaynaan noolaan karneen. Fikraddaha, hawlaha, qorshayaasha iyo waajibaadka wax-qabad ee kuu yaala qof oo la doono qallin iyo buug. Ha isku hallayn maskaxdaada.

2. Mudnaansiin

Fikraddaha iyo hawlaha kuu yaala u kala horumari siday kuugu kala muhiimsan yihiin.  Adeegso xeeladdaha: Aad muhiim u ah, muhiim ah, aan muhiim ahayn iyo aan aad muhiim u ahayn.

3. Go'aan ku shaqee

Haddii hawl aad ku dhameyn karto laba daqiiqo gudahood ama ka yar, ha sugin - samee isla markiiba. Dibu dhigashadu waa xannuunnada ugu daran ee qofka curyaamiya waxsoosaarkiisa shakhsiga ah.

4. Nidaam ku soco

Waxbadan oo shaqooyin ah waad qorshaysan kartaa, balse haddii aanad nidaam ku korjoogteyn, dhiirigelin iyo abaalmarin ah aanad lahayn way adagtahay in qorshahaasi mid quruxbadan oo qoran wax dhaafsiisan inaanu ahayn.

5. Bardhamaad hawleed

Hawl kasta (Task) aad qabanayso oo yar ama weyn, hakuu lahaado wakhti uu ku eegyahay (Deadline) haddii kale hawshaasi waxay kugu noqonaysaa mid daba furan oo aan xuduud lahayn. 

6. Gaadh-haye sameyso

Aaladaha aynu isticmaalno dhammaantood waxay leeyihiin gaadh-haye daqiiqadaha kuu ilaalin kara. Saacadda ayaan u jeedaaye hawl kasta ku xidho inta daqiiqo ama saacadood ee aad ugu talo gashay inaad ku dhameyso.

7. Hawl-qabyo ah haka tagin.

Waxay culays ku noqonaysaa qorshahaaga beri haddii aad maalinkasta hawl dib u dhigto. Maalin kasta diiradda saar saddexda hawlood ee kuugu muhiimsan una qabo habka ugu fiican ee aad awooddo.

8. Maskaxdaada ha ku mashquulin wax ka badan hal hawl:

Diiradda saar hal hawl wakhti la cayimay si aad u qabato shaqo tayo leh. Haddii kale adigoo maanta dhan shaqaynayey ayaad natiijo la'aan hoyanaysaa. Haku culaysin maskaxdaada hal dhagax inaad toban shimbirood kuwada disho, waxay ka qaadaysaa uun niyad jab.  Haddii aad laba bakayle halmar aad wada eryatid/caydhsatid midna maad helin. 

9. Nadiifi shaqooyinka aad hayso si joogto ah:

Shaqooyinka iyo liisaskaaga nadiifi marar badan si aadan faraha uga qaadin ama u illaawin waxyaabaha muhiimka ah. Waa habka ugu wanaagsan ee aad u sameyn karto dibu milicsi joogto ah iyo qiimeyn heerka waxsoosaarkaag ashakhsiga ah. 

10. Qancin

Ma la kulantaa naftaada in ka badan inta aad la kulanto asxaabtaada?

Isla xisaabtanka joogtada ahi wuxuu bilayaa noloshaada iyo koritaankeeda.  Hawl J maxay wakhtigeeda ugu dhamaan wayday? maxaa hortaagan? goormay dhammaan? sababteen u xalin waayey caqabadaha yimid? Qancintaas oo dhami waxay u baahanaysaa kulan nafeed aad naftaada la kaliyeysato kaddib aad xisaabtantaan adiga iyo naftaadu.   

 

 

Guuleyso!    

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164

Attachments