Tubta Isbeddelka: Maxaa Laga Baran Karaa Horumarka Singapore Ee Dhaqaale Hoose Ilaa Dhaqaale Sare?

May 31, 2025 by somalijobs inc

Tubta Isbeddelka: Maxaa Laga Baran Karaa Horumarka Singapore Ee Dhaqaale Hoose Ilaa Dhaqaale Sare?

Singapore waxay ka mid tahay tusaalooyinka ugu cajiibsan ee dal horumar weyn ku tallaabsaday muddo kooban gudaheed. 1965-kii markay xorriyadda qaadatay, Singapore waxay ahayd dal yar, aan khayraad dabiici ah lahayn oo ku jira xaalad dhaqaale hoose ah. Maanta, waa mid ka mid ah waddamada ugu qanisan caalamka, kana mid ah xarumaha ganacsiga iyo tiknoolajiyadda adduunka.

Maxaa laga baran karaa horumarka singapore?

1. Hoggaan Aragti Fog Leh

Hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Singapore, Lee Kuan Yew, wuxuu lahaa aragti fog oo ku dhisneyd horumar, isla markaana wuxuu horseeday siyaasado adag oo wax ku ool ah. Wuxuu aaminsanaa in waxbarashada, anshaxa shaqada, iyo dowlad hufan ay yihiin aasaaska horumarka. Casharka ugu weyn ee laga baranayo waddankaasi waa: ‘’horumarka dhabta ah waxa uu bilaabmaa marka hoggaanku yahay mid aragti leh, hufan oo ay ka go'antahay isbeddel waara.

2. Maamul dowladeed oo hufan

Singapore waxay dhistay dowlad hufan oo musuqmaasuq ka madhan. Hay’adaha dowladda ayaa si xirfad iyo daacadnimo leh u shaqeeya, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka iyo ganacsatada. La dagaallanka musuqmaasuqa iyo maamulka wanaagsan ayaa sal u ah horumarka dhaqaale. Haddii musuq maasuqu ka bato maamul wanaagga waa astaanta dibu dhaca oo kasoo hor jeedda horumarka la haybinayo.

3. Maalgashi waxbarasho iyo kheyraad dadban

Inkasta oo aysan lahayn batrool ama dahab, Singapore waxay maalgashi weyn ku samaysay waxbarashada iyo horumarinta xirfaddaha dadkeeda. Tani waxay abuurayso bulsho aqoon leh oo suuqyada caalamka la tartami karta. Hantida ugu weyn ee dal leeyahay waa dadkiisa; haddii la horumariyo, wax walba waa suuragal. Haddii loogu talo galo in ay dibu dhacaa ku jiraanna waxba suurtegal maha xataa haddii ay haystaan dhulka ugu hodansan oo ay ka buuxaan khayraad dabiici ahi.

4. Furfurnaanta ganacsiga iyo maalgashiga shisheeye

Singapore waxay ka mid noqotay meelaha ugu sahlan ee ganacsiga lagu sameeyo, iyadoo bixisa cashuur hoose iyo sharciyo saaxiib la ah ganacsatada. Waxa kale oo ay noqotay xarun muhiim ah oo suuqyada caalamka isku xidha. Siyaasad dhaqaale furan iyo ilaalinta xuquuqda maalgashadayaasha ayaa soo jiidata horumar.

5. Ka faa’iidaysiga istaraatijiyadda juqraafiyeed

Singapore waxay isticmaashay goobteeda istaraatijiyadeed si ay u noqoto xarun deked, ganacsi, iyo adeegyo. Waa deked ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan dunida. Dal kastaa wuxuu leeyahay fursado dabiici ah; muhiimaddu waa in la garto lana horumariyo.

6. Xasilooni siyaasadeed iyo sharci adag

Dalka Singapore wuxuu mudnaan gaar ah siiyay amniga, kala dambeynta, iyo sharciga. Waxa uu abuuray jawi xasilloon oo ay suurtagal tahay in ganacsi iyo nolosha bulshada ay horumar sameeyaan. Xasiloonida siyaasadeed iyo nidaamka sharciga ayaa lama huraan u ah horumar waara lagu gaadhaa.

Isbeddelka Singapore wuxuu inoo tusayaa in waddan kasta xitaa mid yar oo khayraadba aan lahayni uu gaadhi karo horumar weyn haddii uu helo:

  • Hoggaan daacad ah oo aragti leh,
  • Dowlad hufan,
  • Maalgashi ku wajahan waxbarashada,
  • Xasilooni siyaasadeed,
  • Iyo jawi ganacsi oo furan.

Tixraac:

  1. Lee, Kuan Yew (2011). From Third World to First: The Singapore Story: 1965–2000. Harper.
  2. World Bank (2010). The Singapore Success Story: Economic Growth through Education.
  3. IMF (International Monetary Fund) Country Report – Singapore (2023).
  4. Yuen, B. (2011). Singapore: A Global City in Asia. Urban Studies, 48(6), 1109–1127.
  5. The World Economic Forum (2022). Global Competitiveness Report – Singapore.
  6. BBC Future (2020): How Singapore became one of the world’s richest places

Guuleyso!  

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164