Imtixaanka Caalamiga Ah Ee Ielts
Aug 05, 2024 by

IELTS (International English Language Testing System) waa imtixaan caalami ah oo lagu qiimeeyo aqoonta iyo xirfadda afka Ingiriisiga ee dadka aan ahayn luqaddooda 1aad. Imtixaankan waxaa loo isticmaalaa in lagu ogaado heerka aqoonta afka Ingiriisiga ee qofka si loogu oggolaado inuu wax ka barto, shaqeeyo, ama ku noolaado dalalka ku hadla Ingiriisiga sida UK, USA, Canada, Australia, iyo New Zealand.
Faa'iidada IELTS?
Helitaanka deeq waxbarasho: Dadka doonaya inay wax ka bartaan jaamacaddaha iyo kulliyaddaha ku yaal dalalka ku hadla Ingiriisiga waxay u baahan yihiin inay maraan IELTS si loo xaqiijiyo inay awoodaan inay la qabsadaan barnaamijyada waxbarasho ee ku baxa Ingiriisiga.
Fursadaha shaqo: Shirkado badan iyo hay'ado caalami ah ayaa ku xidha shuruuddaha shaqada inay qabtaan IELTS, si loo xaqiijiyo in shaqaaluhu awoodaan inay ku hadlaan oo fahmaan Ingiriisiga si xirfad leh.
Socdaalka iyo deegaanka: Wadamo badan oo ku hadla Ingiriisiga ayaa u baahan IELTS si loo siiyo fiisooyinka degenaanshaha iyo kuwa shaqada, taas oo xaqiijinaysa in dadka cusub ay awoodaan inay ku noolaadaan oo la qabsadaan deegaanka cusub.
Yaa u Baahan Inuu Diyaariyo IELTS?
Ardayda: Kuwa doonaya inay wax ka bartaan jaamacado iyo kulliyado ku yaal dalalka ku hadla Ingiriisiga.
Shaqaalaha caalamiga ah: Kuwa doonaya inay shaqeeyaan shirkado iyo hay'ado caalami ah.
Qaxootiga iyo socdaalka: Dadka doonaya inay u guuraan dalalka ku hadla Ingiriisiga si ay u helaan degenaansho ama shaqo.
Dadka doonaya inay horumariyaan xirfaddooda: Kuwa doonaya inay horumariyaan xirfaddaha afka Ingiriisiga si ay uga faa’iidaystaan fursadaha caalamiga ah.
Shuruudaha gelitaanka imtixaanka IELTS
Shuruuddaha muhiimka ah ee looga baahan yahay gelitaanka imtixaanka IELTS waxa kamid ah:
1. Diiwaangelinta (Registration):
Waxaad u baahan tahay inaad isdiiwaangeliso imtixaanka IELTS iyada oo loo sii marayo xarun imtixaan u idman ama bogga rasmiga ah ee British Council ama IDP IELTS. (https://ielts.idp.com/)
Waxaad heli doontaa jadwalka imtixaanka iyo xaqiijinta diiwaangelinta kadib marka aad buuxiso foomka diiwaangelinta sidoo kale aad bixiso lacagta imtixaanka.
2. Aqoonsiga (Identification):
Waa inaad soo bandhigtaa dhukumenti aqoonsi oo sax ah, sida baasaboorkaaga ama kaadhka aqoonsiga rasmiga ah, marka aad diiwaangelinayso iyo maalinta imtixaanka.
Aqoonsiga aad ku soo bandhigtay diiwaangelinta waa inuu la mid noqdaa midka aad ku soo bandhigto maalinta imtixaanka.
3. Da'da (Age):
Imtixaanka IELTS wuxuu ku habboon yahay dadka ka weyn da'da 16 sano. Inkasta oo aysan jirin xad-da'eed, ardayda da'doodu ka yar tahay 16 sano looma tixgeliyo inay imtixaanka galaan.
4. Lacagta imtixaanka (Test Fee):
Waxaad u baahan tahay inaad bixiso lacagta imtixaanka markaad diiwaangelinayso. Qiimaha waxaa lagu kala duwanaan karaa waddanka iyo xarunta aad ka qaadayso imtixaanka.
5. Nooca imtixaanka (Test Type):
Waa inaad doorataa nooca imtixaanka aad qaadanayso: Ma IELTS Academic mise IELTS General, iyadoo ku xidhan baahiyahaaga (waxbarasho, shaqo, ama socdaal).
Imtixaanka Academic waxaa loogu talagalay kuwa doonaya inay wax ka bartaan jaamacado ama kulliyado, halka imtixaanka General Training uu ku habboon yahay kuwa doonaya inay u guuraan waddan ku hadla Ingiriisiga ama raadiyaan shaqooyin aan xirfado gaar ah u baahnayn.
Ku fillaanshaha aqoonta (Language Proficiency):
In kasta oo aysan jirin shuruud rasmi ah oo aqoonta luqadda Ingiriisiga ah oo looga baahan yahay si loogu fariisto imtixaanka IELTS, waxaa lagula talinayaa inaad leedahay aqoon asaasi ah oo luqadda ah si aad si guul leh uga gudubto imtixaanka.
Tababar (Preparation):
Waxaa lagugula talinayaa inaad sameyso tababar ku saabsan imtixaanka IELTS. Waxaa jira agabyo tababar badan oo kala duwan sida buugaag, koorsooyin khadka ah, iyo koorsooyin fasalka ah oo ay bixiyaan hay’ado kala duwan.
Xog dheeraad ah iyo diiwaangelin
Waxaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah iyo isdiiwaangelinta bogagga rasmiga ah ee British Council iyo IDP IELTS:
British Council IELTS
IDP IELTS
Halkee laga diyaarin karaa/ laga geli karaa examka?
Meelaha rasmiga ah ee loo doonan karo diyaargarow ka sokow waa Nairobi iyo Addis-Ababa. Haddii xarumo laga furay deegaannadeena oo ka dhow faalada waad nagulasoo wadaagi kartaa in sha Allah.
Ugu danbayntii la fadhiiso dadyowga hore u diyaarisay si aad uga faa’idaysato khibraddooda safarkaa diyaarinta IELTS ka.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164