Xeerarka Guusha!

Guusha waa yool uu qof walba ku hamiyo, balse Islaamku wuxuu si qotodheer uga hadlayaa sida guusha loo gaadho iyadoo la isku dheellitirayo nolosha adduunka iyo tan aakhiro. Maqaalkan waxaynu ku iftiimin doonnaa 10 xeer oo muhiim ah oo ku saleysan mabaadi’da Islaamka, kuwaas oo qofka Muslimka ah ka caawinaya inuu noloshiisa hagaajiyo oo uu gaadho guul waarta.

1. Iimaan adag iyo tawakal (Kalsooni ku qabidda Ilaahay)

Iimaan xooggan oo lagu kalsoon yahay qadarka Alle ayaa aasaas u ah guusha. Qofka Muslimka ah waa waa muhiim inuu dedaalo, isagoo isku halleynaya Allaah (SWT) isla markaasna rumeysanyahay inuu ku filan yahay. Qur’aanka Kariimka ayuu Ilaahay SWT ku yidhi:

“Ruuxii Ilaahay talo-saarta, Ilaahay, wuu ku filan yahay.” (Qur’aanka, 65:3)

2. Hadaf cad iyo niyyad daacad ah

Hadaf la’aantu waxay horseeddaa jahawareer. Islaamku wuxuu ku boorinayaa in hawl kasta lagu saleeyo niyad wanaagsan oo Alle raali galinaysa. Nebigu (SCW) wuxuu yidhi:

“Camallada waxaa lagu qiimeeyaa niyadda.” (Bukhari & Muslim)
Hadaf cad iyo qorshe wanaagsan ayaa qofka u sahli kara inuu guul ka gaadho noloshiisa.

Ku bilow qodobadna hoose:

- Qof waxa hadaf kaa dhex quuxaya noloshaada oo dhan, xataa 100 qaadhsii.

- Kasoo dhexsaar 25 ka hadaf ee kuugu muhiimsan

- Kasii xulo 3 da kuugu muhiimsan oo ka shaqee sidii aad saddexdaa u hirgelin lahayd.

 

Maxaan u eegaa ahdaaftu inay run yihiin iyo inay beern yihiin (Fake)

- Adeegso nidaamka SMART ( Hadaf cad oo lagaranayso e.g Aqoon, gaar ahaan aqoonta dhaqaalah waa Specific, Wax la cabiri karo Phd/Master/Degree/School waa measurable, Wax la gaadhi karo shuruudaha ku xidhan Attainable, Wax xidhiidh la leh doonistaada oo Relevant ah, Wax wakhti ku eeg leh Deadline oo ah time.

Qorshihii aad ku gaadhi lahayd kaddib dejiso:

Habkeen ku gaadhayaa, maalintii wakhti intee leeg ayaan siinayaa si aan hadafkaa u xaqiijiyo, todobaadkii halkee ii xariiqan, bishii, sannad badhkii ilaa ugu danbayn aad sannad gaadhayso.

3. Dadaal joogto ah (Al-Ihsaan iyo Samir)

Guusha ma imaanayso haddii aan lagu dedaalin. Islaamku wuxuu bogaadinayaa shaqada adag iyo samirka. Qofka waa inuu dedaalaa si joogto ah, isagoo rumaysan in Alle jecel yahay kuwa dedaalka badan. “Kuwa samra waxaa ajarkooda la siin doonaa iyagoo aan xisaab lagu hayn.” (Qur’aanka, 39:10)

4. Akhlaaq wanaagsan iyo daacadnimo

Akhlaaqda wanaagsan waa furaha xidhiidho wanaagsan iyo kalsoonida bulshada. Nebiga (SCW) wuxuu yidhi:

“Muslimka ugu fiican waa kan dadka ugu fiican akhlaaq ahaan.” (Tirmidi)
Daacadnimo iyo kalsooni waxay qeyb muhiim ah ka yihiin guusha qofka iyo noloshiisa xirfadeed.

5. Maareynta waqtiga (wakhti qiimo leh)

Waqtigu waa nimco qaali ah oo Islaamku ku booriyay in si habaysan looga faa'iidaysto. Nebigu (SCW) wuxuu yidhi:

“Laba nimco ayaa dad badani moogan yihiin: caafimaadka iyo waqtiga.” (Bukhari)
Qofka guul doonaya waa inuu jadwal iyo qorshe cad u yeesho wakhtigiisa.

Ku dedaal inaad adigu yeelato maalintaada oo aad qorshayso. Sameyso jadwal waxqabad kaddib ku foof maalintii jadwalkaas aad dejisatay. Haddii aad maalintaada ahdaaftaada iyo horumarinta naftaada aad kaga shaqayn waydo, waxaad ka shaqayn ahdaaf cidkale leedahay sida nin raba inuu madax noqdo iwm.

6. La-tashi iyo shura (Talawadaaga)

La-tashiga dadka aqoonta leh waa astaan ka mid ah dhaqanka guuleystayaasha. Qur’aanka ayaa ku booriyay in go'aanada muhiimka ah lagu saleeyo talo-wadaag:

“Arrimahooda waxaa lagu kala maamulaa talo iyo wada-tashi.” (Qur’aanka, 42:38)

Dhaqan ka dhigo latashiga iyo la fadhiisiga dadka maan ku cirroolaha iyo waayo-araga ah ee nolosha waxbadan usoojoogay. Waxay kaa caawinaysaa waayo aragnimo aad jab badan usoo mari lahayd inaad si yar oo fudud aad kaga kasbato mid ay la soo kacaa ku feen muddooyin aad iyo aad u badan.

7. Ka faa’iidaysiga fursadaha (Istiqlaal al-Fursah)

Qofka Muslimka ah waa inuu mar walba ka faa'iidaysto fursadaha uu heysto, kahor inta aysan ka lumi. Nebigu (SCW) wuxuu yidhi:

“Ka faa’iidayso shanta kahor inta aan shan kale iman: dhalinyaranimadaada kahor gabow, caafimaadkaaga kahor xanuun, hantidaada kahor saboolnimo, waqtiyada firaaqaaga kahor mashquul, iyo noloshaada kahor dhimasho.” (Bukhari)

Cashar wayn ayaa ku jira. Maskaxda ku hay fursaddaha waxa ka faa’idaysta dadyowga u diyaar san oo kaliya. Naftaada dhis, maalintaada nadiifi, waxkasta oo aan adduun iyo aakhiro aan waxba kugu biirinayn dhulka dhig maanta laga bilaabo. Ku mashquul wax derejo kor kuu qaadaya adduunkaaga ama aakhiradaada.

8. Xidhiidho wanaagsan iyo ixtiraamka bulshada

Xidhiidhada bulshada ayaa door weyn ka ciyaara guusha. Islaamku wuxuu dhiirrigelinayaa in la caawiyo dadka oo lala yeesho xidhiidh ixtiraam iyo naxariis leh. Xidhiidhadaadu yaanay ku dhisnaan danaysi iyo ku dangaadhista dadka kale, haddii dabcigaagu sidaas noqdo ogow mar waad ku guuri kartaa cidkale balse markasuu shaadhkaagu gubtay oo dhulka lagu dhigay. Xidhiidhadaadu haku dhisnaadaan inaad noqoto samataliye, ka ugu waxtarka badan, gacansiin iyo garabsiin aan abaal raadin lahayn, farxad gelin aan mahadnaq lahayn iyo u kaalmeyn hor Ilaahay abaalkaaga janno ka dhigta adduunyadana derejo sare kuu qaada. Ka dhig xidhiidhadaada mid ku dhisan wada guuleysi, naf hur iyo deeqsi nimo. Haddii ay fursado ku soo maraan balse aad aragto cid kaaga baahi badan oo asxtaabtaada ah u ogolow inay ka faa’ideystaan, ixsaankaas aad sameysay Ilaahay agtiisa khayr iyo wanaag baa kuu dhigmaya.  Haddii aad xafiis fadhido haku dhibin dadka xilka aad hayso, beri marka uu dhamaado dadkii aad dhibtay baad is hurantihiin ama laga yaaba in Ilaahay beri lugohooda hoostooda ku dhigo maadaama oo ay adduunyadu tahay sida giraanta wareegta oo maalinba gacani sareynayso.

9. Hal-abuurnimo iyo xal-u-raadis (Ijtihad)

Hal-abuurka iyo isku dayga xal-u-raadis ayaa lagama maarmaan u ah qofka doonaya inuu ku guuleysto arrimihiisa. Qur’aanka ayaa sheegay:

“Ilaahay ma beddelo xaaladda qoom ilaa ay iyagu is beddelaan.” (Qur’aanka, 13:11)
Muslimka waa inuu noqdo qof mar walba raadiya xalal cusub oo waxtar leh.

10. Dulqaadka iyo awoodda kasoo-kabashada (Sabr iyo Al-Afu)

Dulqaadka iyo kasoo-kabashada guul-darrooyinku waa astaamaha hogaamiyeyaasha guuleysta. Qofka Muslimka ah waxaa laga doonayaa inuu samro xilliyada adag oo uu ka fekero sidii uu horay ugu socon lahaa. Qur’aanka ayaa Ilaahay SWT innagu leeyahay:

“Kuwa sabra waxay heli doonaan janno iyo darajo sare.” (Qur’aanka, 76:12)

Guusha saxda ah ee Islaamku waa mid isku dheelitiran oo lagu gaadho isku-xidhidda dedaal, akhlaaq wanaagsan, iyo kalsooni Alle lagu qabo. Xeerarkan waxay hagayaan qofka Muslimka ah oo ay u sahlaya inuu guul ka gaadho nolosha adduunka iyo tan aakhiro. Haddii qofku raaco hannaankan, wuxuu heli doonaa nolol barwaaqo ah oo deggan.

Guushu ma aha kaliya mid dhaqaale, ee waa in qofku noqdo mid Alle u dhow, bulshada ku dhex jira, kana faa’idaysta fursadaha uu leeyahay. Islaamku wuxuu muujinayaa in dedaal iyo dulqaad joogto ahi yihiin furayaasha guusha waarta.

Guuleyso!    

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164