Lix Dhaqan Oo Aad Ku Horumarin Karto Xirfadaada

Aug 16, 2023 by somalijobs inc

Lix Dhaqan Oo Aad Ku Horumarin Karto Xirfadaada

Lix dhaqan oo aad ku horumarin karto xirfadaada 

 

Ogow, dhammaanteen waxaan leenahay qof shaqada jooga oo aynu la dhacno caadooyinkiisa shaqo. Waxa uu ku fiican yihiin shaqada, wax soo saarkuna waa astaantiisa.  

Haddii aad rabto inaad ka baxsato qulqulka dhexdhexaadnimada oo aad barato siyaabo aad ku dhisto caado shaqo oo wanaagsan,  maqaalkan waxaynu ku wadaagi doonaa lix dhaqan oo aad ku horumarin karto xirfadaada, gaar ahaan goobaha shaqada. 

 

  1. Joogtaynta

Nidaamku waa taxane go'an oo ficillo ah. Lahaanshaha joogtada ah ee shaqada waxay kaa caawin kartaa inaad ahaato mid waxtar leh. Tixgeli in aad samaysato hab joogto ah oo ku aaddan maalmahaaga shaqo kaas oo kaa caawin kara inaad gudato hawlahaaga maalinlaha ah. Tusaale ahaan, waxaad ku bilaabi kartaa maalin kasta adiga oo qorsheynaya saddex yool oo waaweyn si aad u fuliso. 

Raac tallaabooyinkan si aad u horumariso hab-shaqeedka goobta shaqada oo aad u wanaajiso shaqadaada: 

  • Ka fikir caadooyinkaaga: Aqoonso caadooyinka aad hore u lahayd iyo waxa aad jeceshahay inaad ka beddesho hawl maalmeedkaaga. Tixgeli wakhtiyada maalinta aad sida ugu fiican u shaqeyso, meelaha aad ku fiican tahay iyo meelaha aad ku liidato. Samee liis aad ku qorto hawlaha aad rabto inaad dhammaystirto si ay qayb uga noqoto hawl maalmeedkaaga. 

Jadweleyn: U habbee liiskaaga jadwal si wax ku ool ah adoo isticmaalaya falcelinta hawlihii aad qabatay. Samayso jadwal adiga oo  Isticmaalaya,  teleefankaaga, kalandarka ama xusuusiyayaasha kale si ay kaaga caawiyaan ilaalinta jadwalka. Waxa kale oo aad qori kartaa qorshaha jadwalka caadiga ah ee aad rabto inaad dejiso oo aad dhigto gidaarkaaga ama miiskaaga, maadaama xasuusinta muuqaata ee soo noqnoqotaa ay kaa caawin karaan inaad raacdo nidaamkaaga caadiga ah. 

Abaal mari naftaada: Tixgeli abuurista nidaam abaal-marinno yar-yar ah si ay kuugu dhiirigeliso inaad joogteyso hab-shaaqeed habboon. 

 

  1. Ilaali wakhtiga

Dhawrista wakhtiga waxa ka mid ah soo gudbinta hawlaha iyo imaatinka shaqada wakhtiga loogu talagalay. Caado ka dhig inaad wakhtiga ilaaliso si ay kaaga caawiso inaad ku guulaysato shaqadaada. 

Joogteynta jadwal joogta ahi waxay sidoo kale fududeyn kartaa inaad u kacdo waqtiga shaqada maalin kasta. Si aad u bilowdo in aad samaysato caadadan, isku day in aanad hurdada ku noqon salaada subax kadib (hadii shaqadaadu gelin hore tahay) ama saacada telefoonkaaga aad ka fogayso sariirtaada si aad ugu dhaqaaqdo sidii aad u damin lahayd. Ku qasbida jidhkaagu inuu dhaqaaqo waxay kaa caawin kartaa inaad hubiso inaad maalintaada ku bilawday waqtigii loogu talagalay. Halkan waxa aynu si gaara ugu eegi doonaa dhowr talooyin oo dheeraad ah oo ku saabsan ilaalinta waqtiga:  

inta aanad seexan qorshee maalinkaaga: Diyaarso wax kasta oo aad awooddo si aad maalinta xigta u fududayso habka diyaar-garawgaaga.  

Lasoco wakhtigaaga: Way ku caawin kartaa inaad la socoto inta wakhtiga ay caadi ahaan kugu qaadanayso inaad dhamaystirto hawlo gaar ah. Isticmaal macluumaadkan si aad u abuurto jadwal sugan.  

 

  1. Horumari meelaha aad ku fiican tahay

Aqoonso hibadaada oo samayso caadooyin aad ku tayaynayso (shaqadaada) si ay kaaga caawiyaan inaad guul ka gaadho goobta shaqada. Inaad diirada saarto waxa aad si fiican u qaban karto waxay kaa caawin kartaa inaad ilaaliso dabeecad wanaagsan oo aad muujiso qiimahaaga shaqada. Waxa kale oo aad isticmaali kartaa awoodahaaga si ay kaaga caawiyaan inaad si joogto ah u gaadho yoolalkaaga goobta shaqada. 

Raac tilmaamahan si aad u horumariso meelaha aad ku wanaagsan tahay: 

Ka fakar naftaada: Ka fiirso dabeecadahaaga goobta shaqada iyo meelaha aad ku fiican tahay. Tixgeli danahaaga, guulaha aad aadka ugu hanweyn tahay, hawlaha aad ka heli karto jawaab celin sahlan oo wanaagsan marka loo eego mashaariicdii hore.  

Tax  awoodaha jira: Adiga oo isticmaalaya macluumaadka milicsigaaga, samee qodobo sheegaya meelaha aad ku fiican tahay. 

Ka shaqee mashaariicda khuseeya xirfadahaaga raadi door ama mashruucyo kuu ogolaanaya inaad ka faa'iidaysato xirfadahaas marar badan. Waxaad u sheegi kartaa kormeerahaaga inaad jeclaan lahayd inaad horumariso meelahan oo aad waydiiso hawlaha la xidhiidha. 

Kordhi culayska shaqadaada: Tixgeli haddii aad wax ka beddeli karto habka goobta shaqada, nidaamka ama socodka shaqada si aad in badan uga faa'iidaysato meelaha aad ku wanaagsan tahay. Waxaad sidoo kale baadhi kartaa sida dadka le karti isku mid ahi ay u isticmaalaan xirfadahooda si ay u gaadhaan guul. 

Abuur yoolal: Deji yoolal la xidhiidha horumarinta waxyaabaha aad ku wanaagsan tahay, sida qaadashada fasal ama kasbashada shahaado kor kuu qaadaysa. 

 

  1. Yaree waxyaabaha ku jeediya 

Xakamaynta waxyaabaha ku mashquuliya inta lagu jiro maalinta shaqada waxay kaa caawin kartaa inaad diiradda saarto shaqada kuu taal. Ka fiirso sida aad u kharash garayso maalmahaaga shaqada, oo cadee waxyaabaha kaa saaraya diiraddaada ama kaa horjoogsanaya inaad si buuxda u shaqeyso. Tax waxyaabahaas, ka dib isku day inaad sameyso qorshe aad meesha kaga saarayso ama aad iskaga ilaalinayso. 

Qaar ka mid ah fikradaha lagu xaddido mashquulinta waxaa kamida: 

  • Dhig telefoonkaaga gacanta meel diyaarsan oo ka yar fog miiskaaga si aad diiradda u saarto shaqada bedelkii aad ku jeedi lahayd telefoonkaaga. 
  • Isticmaal jedwelka hubinta si uu kaaga caawiyo inaad diiradda saarto fulinta hawlaha qaarkood.  
  • Aqoonso qaybaha maalinta aad aadka diiradda u saarayso, ka bacdi jadwal u samee hawlo adag inta lagu jiro wakhtigaas. 
  • Deji xasuusin kaa caawinaysa inaad diirada saarto. 
  • Diyaarso booskaaga aad ku shaqaynayso si aad u noqoto mid ku habboon shaqada.   

 

  1. Maamul werwer-ka

In kasta oo ay dabiici tahay in aad la kulanto walbahaarka shaqada, abuurista caado aad u maareyso walbahaarka hab caafimaad leh waxay kaa caawin kartaa inaad ilaaliso dabeecad togan oo aad diirada saarto gaadhitaanka yoolalkaaga. Tixgeli inaad samayso qorshe aad ku maaraynayso culays kasta oo aad kala kulanto shaqada. 

Waa kuwan caadooyin aad sameyn kartid si ay kaaga caawiyaan maareynta walaaca: 

Xuska Ilaahay: mar kasta ku dadaal in aad carabka ku hayso xuska ilaahay, si ay mushkilad kast dawo kaaga noqoto 

Hayso joornaal: Qorista caqabadahaaga waxay noqon kartaa hab waxtar leh oo lagu socodsiiyo fikradahaaga oo lagu sii daayo shucuurtaada. 

Isticmaal jimicsiyada neefsashada: Maadaama neefsashadu ay saamayso jidhkaaga oo dhan, ku celcelinta dhowr farsamooyin neefsasho oo fudud ayaa kaa caawin kara inaad dejiso xaaladaada. Tusaale ahaan, si qoto dheer oo tartiib tartiib ah ayaad u neefsan kartaa adiga oo tirinaya hal ilaa afar, neeftaada qabo adigoo tirinaya hal ilaa shan, ka dibna si tartiib ah u sii daa adigoo tirinaya hal ilaa lix. 

Jimicsi joogto ah  samee: Dhaqdhaqaaqa jidheed wuxuu soo daayaa dheecaan la yidhaa endorphins, wuxuu kordhiyaa dareenkaaga fayownaanta wuxuuna kaa caawinayaa inaad ilaaliso caafimaadkaaga. Tixgeli inaad bilowdo jimicsi maalinle ah ama aad socod gaaban sameyso inta lagu jiro maalinta shaqada.  

  

  1. Ka fiirso maalintaada

Tixgeli inaad caado ka dhigto inaad ka fikirto maalintaada. Fiid kasta ka hor inta aanad shaqada ka tagin, qaado dhawr daqiiqo si aad u xasuusato sida ay maalintu u dhacday. Waxaad samayn kartaa qodobo ku saabsan waxyaalihii aad si fiican u qaban lahayd iyo waxyaalihii aad si fiican u qabatay si aad u aqoonsato ficilada guusha leh iyo siyaabaha aad ku hagaajin karto. Ka faa'iidayso wakhtigaaga milicsiga si aad ula socoto horumarkaaga kuguna dhiirigaliyo inaad  ka sii fiicnaato berrito. 

  

Waxaad raaci kartaa tallaabooyinkan si aad uga fikirto maalintaada, ama aad u abuurto nidaamkaaga: 

  •  Isticmaal buug-yaraha ama ku samee dukumeenti kumbuyuutarkaaga ama taleefankaaga kaas oo aad ku qori karto fikradahaaga maalinlaha ah. 
  • Dib u akhri fikradahaaga, ka dibna dooro mid ama dhowr shay oo aad diiradda saarto si aad ugu hawl-gasho horumarinta berrito. 
  • Ku qor waxyaabaha aad diiradda saari doonto jadwalkaaga, liiska wax-qabadka ama qorsheeeyahaaga.  

 --------------------------------------------------------      

Guuleyso      

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.      

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaatoWixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]       

Tixgelin.    

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164