Xirfaddaha Mustaqbalka Ee Beeralayda (skills For Future Farmers)!
May 31, 2022 by

Haddii dunidu hore ugu dagaalami jirtay hub culus maanta waxa la isku gumeysanayaa waa isku filaanshiyo waxsoosaar. Sannado badan kadib waxa la saadaalinaya in aanay siijirey umad aan isku filaanshiiyo cunto lahayn oo cidkale ku tiirsan. Midowga yurub iyagoo walaac badan ka muujinaya isbeddelka cimilada iyo dhaqaale xumida soowajahaysa waxa ay daraasad ku sameeyee xirfaddaha beeralayda mustaqbalka iyo waxsoosaar casri ah si loo xaliyo dhibaatooyinkaas.
Skills for future farmers oo ah barnaamij ay qayb ka yihiin waddamada Greece, Netherlands, Lithuania & Turkey waxa ay ka wada shaqeeyeen sannadadii 2014 - 2020 mashruuca horumarinta waxsoosaar waara, ku maalgelinta (ku qalabaynta) beeralayda xirfaddaha muhiimka u ah qaab fogaan arag ah iyo diyaarinta Siyaasadda dibu habeynta waxsoosaarka guud (Common Agricultural Policy (CAP 2014 - 2020). Iyada oo xooga la saarayo:
1. Viable Food Production
2. Sustainable Management of Natural Resources
3. Balanced Territorial Development.
Xirfaddaha mustaqbalka ee beerlayda muhiimka u noqon doona waxa ka mid ah
1. Organic Farming
2. Rural Development
3. Agriculture Markets
4. Biobased Economy
5. ICT in Agriculture
Faahfaahintooda mareegta Skills for Future Farmers ayaad ka heli kartaa xirfaddaha sare ku xusan: http://future-farmer.eu/
Goobaha waxbarashada iyo jaamacaddaha waxa muhiim ah in la casriyeeyo xirfaddaha la barayo ardayda jaamacaddaha kasoo baxaysa si dalkan ay ugusoo saaraan waxsoosaar ilaa ay gaadhsiiyaan isku filaanshiiyo.
Haddii aad barato beerashada casriga ah ama aad hore u baratay in aad korodhsato xirfaddahaagu waxay sare u qaadayaan waxsoosaarkeena. Wax werwer badan leh umad dhan oo ku tiirsan ummado kale waxsoosaarkooda. Kuwaas oo culays nololeed, dhaqaale iyo dibu dhacba kaga iman karo haddii ay istaagaan dhammaan waxsoosaarka innooga imanaya umaddaha kale ee faceena ah.
Wax aynu beeranno, aynu badhaadhe gaadhnee!
--------------------------
Reference
cti diophantus
http://future-farmer.eu/
-------------------------
Guuleyso
Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato.
Tixgelin
-----------------------------
Si aad si maalinle ah ula socoto dhamaan shaqooyinka, qandaraasyada iyo tababarada aanu baahino halkan kala deg APP-KA Somalijobs
https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs