Hal Boqolkiiba Ka Fiicnow Maalin Kasta!
May 08, 2024 by

In aad maalinkasta talaabo hore u qaadaa waa habka kaliya ee aad ku gaadhi karto meel sare. Ma aha mid u baahan inaad fikirto oo aad maalinkasta liis waxqabasho aad qorato, balse waa inaad dhisato nidaam joogto ah oo aad kor ugu qaadayso naftaada .
Horumari xirfaddahaaga:
1. Garo waxaad ku wanaagsantahay iyo waxaad ku liidato: Si daacadnimo ah u qiimee naftaada, xirfaddahaaga iyo aqoontaadaba. Maxaad ku fiicantahay? dhinacyadee u baahan inaad horumariso? maxaan ku liitaa? adiga oo maskaxda ku haya waxaad ku liidato inaad u rogto waxaad ku wanaagsantahay. Tusaale, haddii aad ku liidato tilifoon ka jawaabista wuxuu caqabad ku yahay lashaqeynta dadka oo dhan. Naftaada ku tababar inaad qabato qofkastana qanciso, wixii awooddaada ka baxsanna aad maya tidhaa.
2. Raadi fursaddo waxbarasho: Ka faa'ideyso tababarrada tooska ah iyo kuwa fogaan aragga ah ee ay bixiyaan goobtaada shaqadu iyo goobaha kaleba.
3. Dunida la soco: La soco isbeddellada tiknoolajiyadda casriga ah ee aqoontaada la xidhiidha. Akhri maqallada, cilmibaadhisaha, ka qaybgal barnaamijyada iyo kulamada indheergaradka bulshadu iskugu timaado (Kuwaad wax ka faa'ideyso ee aanu wakhti kaaga khasaarayn.
4. Xirfaddo cusub: Docdaada haku kaftoomine baro xirfaddo cusub si aad uga mid noqoto hantida goobta shaqada iyo dadka loo baahanyahay suuqa shaqada.
Masuuliyaddo dheeriya qaad:
1. Tabaruc kula shaqee shaqooyinka ad-adag: Haka biqin inaad loolan la gasho naftaada oo aad ka gudubto bartii yaqaannimada. Waa midkamida hababka aad u baran karto xirfad cusub iyo kartiyahaaga nafeed.
2. Hal-abuur la imo: Ha sugin in laguu yeedhiyo waxaad qabanayso. Eeg hababkaa aad ku horumarin karto shaqadaada iyo fursaddo cusub.
3. Noqo xilliyaha dhibaatooyinka: Aqoonso caqabadaha kusoo fool leh shaqadaada iyo midda kooxdaba oo ka fikir xal u helidda. Waxay muujinaysaa xeeldheerida fikirka iyo awoodda aad ku curin karto xalal waxtar leh.
Xidhiidho dhis:
1. Dhis xidhiidho caafimaad qaba gudaha iyo dibadda shaqada. Xidhiidh dhiskaasi waxa uu kaa caawinayaa helidda xog iyo khibrad balaadhan
2. Hage raadso: Hel hage khibrad leh oo kula wadaaga talaabooyin aad ku horumarin karto xidhiidhadaada, naftaada, shaqadaada iwm.
Kobci naftaada:
1. Waxtarkaaga:
Hoosta ka xariiq arrimaha qiimaha leh ee aad kusoo kordhisay goobtaada shaqada. Tani waa hab ku dhiirigelin kara looshaqeeyaha markuu sameeyo qiimeyn inaad hesho dalacsiin iyo dhiirigelin.
2. Kala sheekayso hadafkaaga shaqeed: Kala sheekayso maamulka yoolasha shaqeed iyo xirfaddeed ee aad leedahay. Sidoo kale waxaad ka rajeynayso goobta shaqada intaad kamid tahay inaad xaqiijiso.
3. Naftaada suuqgee: Haddii aad aragto fursadda boos bannaan oo aad xiiseynayso, ha ogaado maamulehaagu isla markaasna u bandhigo danaynta aad rabto inaad ku dalacdo.
Talooyin dheeriya:
1. Noqo hoggaamiye kooxeedka shaqada: Noqo lashaqeeye iyo ruux daneynaya kaalinta/caawinta xubnaha kooxda wadashaqeyntu idinka dhaxayso.
2. Laqabso isbedellada: Laqabso isbedellada horumar iyo la jaanqaadista caqabadaha cusub iyo habkii aad uga gudbi lahayd.
3. Dhanka wanaagsan wax ka eeg: Naftaada ku tababar horumarinta dhanka wanaagsan inaad wax ka eegto. Ma aha wax iska dhaca, balse waa caado aad maalinkasta naftaada kusoo celcelin karto ilaa aad la qabsanayso.
4. Joogtee: Maalinkasta joogtee inaad 1 saac xirfad cusub barato, 30 daqiiqo inaad buug akhrido, 20 daqiiqo inaad wax qorto iwm. Sannad kaddib khabiir baad ku noqon doontaa waxaad joogtayso.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164