Isbeddelka: Habka Adag Iyo Habka Fudud

Isbeddelku waa arrin ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee nolosha. Mararka qaar, qofku wuxuu dareemaa in uu u baahan yahay in uu isbeddel sameeyo si uu noloshiisa ugu hagaajiyo. Hase yeeshee, isbeddelka wuxuu noqon karaa mid aad u adag ama mid fudud, iyadoo ku xidhan sida aan u wajahayno iyo go'aannada aynu qaadanno. Isbeddelka nolosha waxay u baahan tahay go'aan, dadaal, iyo dulqaad. Waxaa jira habab kala duwan oo lagu gaadho isbeddel, kuwaas oo qaarkood adag yihiin, halka kuwa kale ay fudud yihiin.

Habka adag: Isbeddelka xoogga ah

Habka ugu adag ee isbeddelku waa marka aan si xoog leh u wajahno xaaladdaha nolosha. Tani waa markii aan isku dayno in aan si dhakhso ah uga baxno dhaqamada hore ama caadooyinka aan ku xidhanahay. Isbeddelka noocan ah waxaa lagu sameeyaa si toos ah oo degdeg ah, taas oo badanaa keenta in qofka uu la kulmo caqabado badan. Tusaale ahaan, qofka isku dayaya inuu joojiyo caadooyin aan fiicnayn sida cabista sigaar, wuxuu u baahan yahay inuu si buuxda uga tago isla markaana uu iska ilaaliyo dhammaan xilliyada iyo xaaladaha ku dhiirrigelin kara.

Beddelka xooggan ayaa sidoo kale keeni kara cadaadis iyo niyad jab haddii aan si degdeg ah u arki wayno natiijooyin wanaagsan. Waa in la xasuusnaadaa in isbeddelka noocan ahi uu u baahan yahay go'aan adag iyo istiraatiijiyad lagu adkaysanayo, sidoo kale naxariis iyo is-ixtiraam. Qofka oo ku adkaysanaya inuu si xooggan wax uga beddelo xaaladdiisa wuxuu sidoo kale la kulmi karaa isku-buuq iyo culeys nafsiyan ah, maadaama isbeddelku uusan si sahlan u dhicin.

Habka fudud: Isbeddel talaabo, talaabo ah.

Habka ugu fudud ee isbeddelku waa marka aan qaadno tallaabooyin yar yar oo joogto ah oo si tartiib ah u keena isbeddel weyn. Tani waa habka loo yaqaan 'habka joogtada ah' ama 'tallaabooyinka yar yar'. Qofku wuxuu ku bilaabi karaa isbeddelka isagoo qaadanaya go'aano yaryar oo macquul ah. Haddii qofku doonayo inuu caafimaadkiisa hagaajiyo, waxaa fiican inuu ku bilaabo in uu jimicsi sameeyo 15 daqiiqo maalintii, halkii uu isku dayi lahaa in uu si toos ah u bilaabo tababar dheer oo daqiiqado badan ah.

Habkan ayaa kuu oggolaanaya inaad si joogto ah uga hor tagto caqabadaha, iyadoo aanad la kulmin niyad jab weyn. Qofka raacaya habkan waxaa laga yaabaa in uu arko natiijooyin wanaagsan marka ay waqti socoto. Isbeddelka fudud wuxuu ku saabsan yahay aqbalaadda in isbeddelka ay u baahan tahay waqti iyo dulqaad, waxaana laga yaabaa in uu noqdo mid sii adkaada haddii qofku uu isbeddeladaas ku sii wado si tartiib ah.

Faa'iidooyinka habka fudud

Habka fudud ee isbeddelka wuxuu leeyahay faa'idooyin badan. Marka aad ku dhaqanto tallaabooyin yaryar oo joogto ah, waxaad si degan uga gudubtaa caqabadaha iyo dib u dhacyada ku iman kara. Tani waxay sidoo kale kaa caawinaysaa inaad ilaaliso heerkaaga tamarta iyo niyadda wanaagsan. Sababta oo ah isbeddelada waa kuwo la jaan qaadi kara noloshaada maalinlaha ah, waxaad dareemi doontaa inaad si fudud uga gudubto caqabadaha, taas oo kuu horseedaysa inaad si fiican ugu guuleysato.

Habkan ayaa sidoo kale si weyn ugu habboon dadka aan rabin inay si degdeg ah u beddelaan noloshooda oo ka baqaya isbeddelada waaweyn. Tallaabooyin yaryar ayaa sidoo kale ku siinaya fursad aad ku qiyaasi karto natiijooyinka iyo haddii isbeddelka uu yahay mid ku habboon adiga.

Waxaa muhiim ah in aan fahamno in labada hab ee isbeddelka ay leeyihiin faa’idooyin iyo khasaare. Habka dhibka leh wuxuu kaa caawin karaa inaad si degdeg ah u gaadho isbeddel, laakiin waxa uu sidoo kale kaa qaadan karaa xoog, awood, juhdi badan, dedaal dheeriya iyo inuu kugu abuuro werwer, cabsi iyo niyad jab mararka qaar. Dhinaca kale, habka fudud wuxuu kuu oggolaanayaa inaad si tartiib ah uga gudubto caqabadaha, laakiin natiijooyinka waxay qaadan karaan waqti. Labada habba waxay ku gaadhsiinayaan guusha aad haybinayso, waxaase la isku raacsanyahay habka fududi inuu yahay midka ugu wacan. 

Tixraacyada

  1. Prochaska, J. O., & DiClemente, C. C. (1983). Stages and processes of self-change of smoking: Toward an integrative model of change. Journal of Consulting and Clinical Psychology, 51(3), 390-395.
  2. Dweck, C. S. (2006). Mindset: The new psychology of success. Random House.
  3. Bandura, A. (1997). Self-efficacy: The exercise of control. W.H. Freeman and Company.

Guuleyso!  

Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

Tixgelin.

--------------------------------------------------    

Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)

Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164