Shaqo Horumarsan! (12 Qodob)
Oct 25, 2023 by

Shaqo horumarsan! (12 Qodob)
Baadigoobka koboc qofeedi waa hammi ruux kasta ku lammaan noloshiisa. Habka lagu gaadhi karaana waa dibu milicsi, barasho iyo odoroska mustaqbalka iyada oo laga tixraac qaadanayo dedaal bixintaada iyo halka aad maanta joogto. Dedaal iyo doonis xoogganbaa ku dhaafin karta filashadaada kooban ee ku qotonta adduun araggaaga.
Fanka maareynta iyo horumarinta shaqadaada waxa ka dhalanaysa sumcaddaada waareysa ee ku qormaysa diiwaanka xasuus qorkaaga iyo dadyowga kala duwan ee aad shaqo wadaagta tihiin. Marar badan lagugu qiimeyn maayo inta mushahar ee aad qaadatay iyo boosas ee aad ka shaqeysay, taas beddelkeeda waxa lagugu qiimeyn doonaa dedaalkaaga, hab-ladhaqanka shaqo wadaagta, qiimeynta, ixtiraamka, kaalmeynta iyo balan oofinta…
Halkan waxaynu kaga hadli doonna qodobo sare u qaadaya horumarinta shaqadaada.
1. Han sare:
Hammigaaga iyo hiigsigaa ka yeel dayaxa, Haddii aad gaadhi waydo waxaad ku dhawaan xiddigaha. Ruuxba ruuxa uu ka han sareeyo ayuu noloshada iyo shaqadaba ka hormarsanyahay sababtuna waa inaanu ku qancayn meel hoose oo lamid ah hamiga xayawaanka ee ah cun, cab oo seexo. Maadaama oo Ilaahay innaga fadilay noolaha intiisa kale, garasho inaggu galladay waa lagama-maarmaan in hankeenu noqdo meelsare.
Tusaale1,
Rabiica oo garab fadhiya Nabiga ayaa la keenay qaniimo laga keenay waddanka Baxrayn oo la furtay, qaniimada oo isugu jirtay Dahab, Lacag iyo Xoolo noolba. Nabiga ayaa bilaabay inuu qaybiyo qaniimadii qof kastana siiyo waxa uu waydiisto, markay soo gaadhay Rabiica ayaa Nebigu eegay Rabiica oo yidhi ‘’I waydiiso waan ku siinayaaye?’’ Rabiica war-celintiisii sidan ayey noqotay ‘’Nebi Allow waxaan ku waydiistay inaan noqdo qofka jannada kugula rafiiqidoona!’’
2. Dib u milicsi
Qiimee naftaada kahor intaan cid kale ku qiimeyn. Miisaanka saar oo garo halka aad maanta joogto, si aad talaabooyin hore ugu qaado dhinaca horumarka shakhsiga ah.
Waydiimahan ka jawaab: Ha hilmaamin in aad buug iyo qalin aad soo qaadato
Halkee ayaan maanta jooga shaqo ahaan?
Halkee ayaan rabaa in aan gaadho?
Maxaan fursado haystaa si aan horumar u sameeyo?
Caqabado nooceeya ayaa I haysta oo horumarka ii diidan?
Yaa I qiimeyn kara oo aqoon fiican ii leh?
Jawaab celinta aan ka helo maxaan ka yeelayaa?
Saameyn nooceeya ayey ugu yeelanaysaa falcelinta dadka igu xeerani?
Masuuliyadaha isaaran sidooda ma ugasoo baxaa?
Maxaa u baahan dibu eegis ama dib u milicsi?
3. Deji Yoolal Cad:
Timacade,“lama helo wadaadow, waxaan cidi ku hawshoon.”
Qeex hadafyo gaar ah oo la gaadhi karo o khuseeya shaqadaada, kuwa dhaw iyo kuwa fogba. Udub-dhexaadka safarkani waxa uu ku jiraa habka aad u dejiso yoolal cad, oo la gaadhi karo. Markaad si sax ah u qeexdo ujeeddooyinkaaga, kaliya maaha inaad jaan-goyso hawl-qabad, se sidoo kale waxaad dejisaa khariidad waddo oo hagi doonta dedaalkaaga.
Laba hab midkood adeegso marka aa dejinayso hadaf
B) SMART (Specific, Measurable, Attainable, Relevant, and Time-bound)
T) GROW (Goal, Relevant, Obstacles & Way)
Hadaf ma aha
- Buugaag baan akhrin
- Waan jimicsan
- Tababarkaasan qaadan
- English kayga ayaan dhisayaa
- Jaamacddaan geliyaa
Sababta: Hadafku ma cada, lama cabiri karo, lama gaadhi karo oo wakhti malaha
Waa hadaf
- Buugga Xilkas ayaan akhrinayaa, maalin kasta 30 daqiiqo gelinka danbe.
- Waan jimicsanayaa 7-8 Habeennimo Todobaadkii 4 Cisho.
- Tababarka MEAL ka ayaan bilaabayaa Todobaadka danbe oo 6 habeen soconaya
- IELT ayaan diyaarinayaa 6 bilood oo ka bilaabmaysa November
- Economics ayaan ka baranayaa Jaamacad A, Waxaan bilaabayaa Nov 2023
Sababta: Hadafku wuu cadyahay, waala cabiri kara, waa lagaadhi karaa oo wakhti wuu leeyahay.
1. Maaraynta Wakhtiga: Haddii aad ku guuleysato maareynta maalintaada, waxaad ku guuleystay toddobaadka, bisha iyo sannadkaba. Habeenkii deji qorshahaaga beri, dabcan shay kasta oo aad qabanayso qor kaddib habeenka danbe dib u milicso in aad dhameystirtay iyo inkale. Haddii aad qabyo katagto, ku bilow qorshaha maalinta xiga. Maaree wakhtigaaga haddii kale waxaad qorshaynaysaa fashilkaaga.
Tusaale
6:00 – 7:00am____________________________________
7:00 – 8:00am____________________________________
8:00 – 9:00am____________________________________
9:00 – 10:00am____________________________________
Saacad kasta ku buuxi waxa aad qabanayso
2. Hawl yar-yarayn
‘’Waxkasta waad qaban kartaa. Laakiin waxkasta ma qaban kartid isku hal mar’’
Hawl bilow, kaligeed dhameystir adiga oo aan hawl-kale ku dhexwadin. Si aad uga badbaado tacab natiijadiisu yar tahay. Adeegso xeeladda Perato.
- Hawlqabso ( Wicitaanka 30 Arday oo cusub)
- 25 Daqiiqo ku qabso saacaddaada
- Hawl-kale haqaban
- Markaad ku dhameystirto 5 daqiiqo kac oo yara soc soco ama biyo soo shubo.
- Hawsha xigta isla sidan u qabo
3. Waxbarasho Joogto ah: La soco goobtaada shaqada adiga oo qaadanaya koorasyo ko r u qaadaya xirfadahaaga, ka qayb gal aqoon iswaydaarsiyada, kordhina heerka akhriskaaga.
Yeelo waxbarasho shakhsiyeed leh wakhti aad ku maalgeliso garashadaada si aad xal ugu hesho masalooyinka nololeed iyo shaqo ee sida maalin laha ah kaaga hor yimaadda. Waxbarashada shaksiga ahi ma laha da’iyo xuduud toona. Ogow, qofku wuxuu gaboobaa marka uu joojiyo wax isbaridda. Halka qofka wayni si kasta oo uu u wayn yahay haddii uu waxbaranayo uu da’ yar yahay. Si lamid ah quudinta jidhka waa lagama-maarmaan maalin caqliyeed joogto kuu noqdaa. Aqoon wakhti dheer qaadanaysa iyo xirfaddo gaagaaban oo leh layli waayo-aragnimo ku dhaxalsiinaya.
Tusaale 2,
Sheekh Maxamed Ratib,'' Iinsaanku haddii uu xidh-xidho oo ay ka dhab tahay inuu xaqa gaadhi karo. (Nin 55 jir ku gaadhay umi. Waxbarasho bilaabay, qur'aanka xifdiyey, marinka diin barashada halkaa kasoo galay ilaa uu noqday Sheekhul Azhar) Laakiin markuu go'aan iyo casiimo qaatay wuxuu gaadhay inuu muddadaa yar ku noqdo sheekhul Azhar kuna dhintay 96jir.
4. Cibaadada
“Qofku ficilbuu ku bedbeedayaaye, aaminsanaan kaliya kuma bedbaadaya.”
Haddii aad mudnaan siiso cibaadada waajibka ah iyo sunneyaasha la inoo jideeyey. Waxa kaa yaraanaya culaysyada,werwerka, walbahaarka, fikirka iyo diiqadda. Qofka hammigiisa oo dhan ka dhiga aakhiro, Ilaahaybaa kaga fillaanaya adduunyadiisa. Salaaddaha wakhtigooda, sunneyaasha, wardi qur’aan maalin leh ah,adkaarta subixii, galabtii, habeenkii iyo digrigaba ruuxii mudnaan siiyaa wuu xasilaa iyadoo arrimihiisa oo dhamina isugu toosaan. Waa muhiim in aad ilaahay kaalmeysato oo aad xadhigiisa qabsato markasta iyo meelkasta.
Tusaale 3,
وَوَهَبْنَا لِدَاوُۥدَ سُلَيْمَـٰنَ ۚ نِعْمَ ٱلْعَبْدُ ۖ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ ٣٠
Waxaanu u hibeynay nebi Daa'uud, nebi Suleymaan layidhaa. Alla addoon yaa uga fiicnaa Nebi suleymaan, towbad keen badanuu ahaa.
Nebi Sulayman Fardaha ayuu aad u jeclaa isagoo lahaa Fardobadan. Galab galbaha kamid ah ayuu xeradii fardaha tagay si uu usoo eego, kaddib waxa uu damcay in la tartansiiyo si uu u qiimeeyo fardaha iyo nimanka wada (oo Faarisiyiin ahaa). Nebi Sulayman Casar liiqa iyo Makhrib hortii waxa uu lahaan jirey wardi (Cibaado sunne ah) joogto ah oo maalinle ah. Maalintaa waxa uu kaga mashquuley tartansiintii fardaha isagoo ogaaday goor fiid ah. Kaddib waxa uu go'aansaday fardahan ka mashquuliyey xuskii Ilaahay inuu dhammaantoodba qawroco oo hilibkooda uu masaakiinta iyo ciidankiisa siiyo. Qofka Ilaahay dartii uga taga shay, Ilaahaybaa ugu bedela shay ka khayr badan. Ilaahay wuxuu ugu bedelay DABAYL. Halkay farduhu bil u socon jireen maalin kaligeed u soconaysa. Labadii biloodna laba gelin gelin u kala soconaysa maca ciidankiisa iyo wixiisa oo dhan.
5. Falcelin Raadi:
Soomaalidu waxay tidhaa,’’Sida aad isku aragto ma aha’e waa sida laguu arko.‘’
Soomaalidu waxay tidhaahdaa, “ Geeljiruhu isagoo usha halka uu ka goynayo og buu kuyidhaahdaa halkeen ka gooyaa.”
Dadyowga kugu xeerani hakuu noqdaan muraayad aad isku qiimeyso. Lawadaag barnaamijyadaada qof ahaaneed iyo shaqo si ay u qiimeyn karaan, falcelin uga sameyn karaan wax dhisi karta. Hal mid maskaxda ku hay; dadku ma awada aha malab kuu wada haga baxaya, kala garo oo baro shakhsiyaddohooda inta samaha jecel ee aan hagrashada aqoon. Waa shakhsiyaadkaa inta kusiin karta falcelin wax dhisi karta oo jawaab celin u noqon karta waydiimaha tiro beelka ah ee kaa dhex guuxaya.
6. Xallinta Dhibaatooyinka: Noloshu waa sida giraanta wareegta. Maalin figta sare ayaad taagantahay oo noloshu way isleegtahay, maalinna sagxadda oo qayr-kaaba xaga sare taagan. Mushkiladaha tiro beerlka ah eek aa hor imanaya qiimee, faaqid, rog-rog oo miisaan inta ay leeg yihiin. Arag heerka wax kaqabashadaadu inta uu leekaanayo, kaddib u gudbi cidkale oo kugu kaalmeyn karta xalal maangal ah. Ha hilmaamin in xirfaddani tahay mid la baran karo, maskaxdaadana aad ku tababari karto.
Tusaale,
Soo qaado midkamida dhibaato kaa haysata dhinaca shaqada. Qiimee heerka carqalad ee ay leedahay, kaddib ka fikiri xeeladda ugu dhow ee aad ku xalin karto culayska dhibkan.
7. Wadashaqaynta:
Noolaha garaadka iyo kaaramada Ilaahay ku galladay waa mid aan kaligii ka maarmi Karin dhammaan noolaha la jaadka ah. Wadashaqeyntu waa is garabgal, iskaalmeyn, dhiirigelin iyo talo wadaag. Kobci sidii aad xidhiidh wanaagsan ula yeelan lahayd dadka wada shaqayntu idinka dhaxayso. Si cad ula xidhiidh, oo si fiican ula shaqee kooxda.
8. Tayada Mudnaansii:
Ilaahay wuxuu jecelyahay marka midkiin hawl qabanayo, Sida ugu fiican inuu u qabto. Hagrashada iyo qabyeynta shaqadu ma aha in aad looshaqeeye kaliya wax ku yeelayso balse waa mid dhaawacaysa shakhsiyaddaada farxaddeeda iyo dedaalkeeda. Qofka bani’aadamka ahi waxa uu ugu farxad badanyahay marka maanta hawl u taalay wuu sida ugu quruxda badan u qabtay, ugasoo dhalaalay oo uu u dhameystiray. Xoogga saar inaad soo saarto shaqo tayo sare leh intii aad ku degdegi lahayd hawlaha.
9. Curin iyo Hal-abuur: Kaliya haku fikirin shaqada laguu diro inaad sideeda u qabato maalin kasta, taas badalkeeda shaqaalaha caqliga badani waa kuwoo curin iyo hal-abuur kusoo kordhiya waaxda ay ka shaqeynayaan. Ogow, waraysiga shaqo waxyaalah lagu waydiinayo waxa kamid ah, ‘’ Guulo aad gaadhey intii aad shaqadaa hore kasoo shaqeynaysay ma jiraan? Hadii ay jiraan nala wadaag oo wax nooga sheeg?.’’ Haddii aanad iskuba dayin curin iyo ikhtiraac inaad kusoo kordhiso goobtaada shaqo, boos ka sareeya haddii aad u tartamayaso maxaad kaga fiicnaan kartaa tartamayaasha kale? Diiradda saar ikhtiraaca iyo keenista curin wax kabadasha qaabka shaqo ee aad ku shaqo bilowday.
10. Dhiirigelinta Nafta: dhiiri geli naftaada oo hel dabeecad wanaagsan oo ku aaddan shaqadaada. Kartida, dedaalka iyo awood ku bixinta horumarinta shaqadaada iyo naftaadu waa mid sumcad u ah naftaada. Ruuxa naftiisa dhiirigeliyaa wuu ka meeqaam sareeyaa qofka naftiisa hiifa ee han jebiya. Naftaadu markay wax wanaagsan qabato dhiirigeli oo ku abaalmari wax u qalma oo ku dhaliya inay kasii badiso dedaalka intaa iyo in kabadan.
11. Jimicsi: Waa dhab, jidh caafimaadqaba ayey maskax caafimaad qabtaa ku jirtaa. Si aad u hesho firfircooni dheeri ah ku dedaal jimicsiga maalin kasta 30 daqiiqo – 1 saac inaad siiso. Waad toosi, awooddaada ayaa kor u kici, hawlo badan oo kale ayaad qaban kartaa, heerka wer-werkaaga ayaa hoos u dhacaya, isku buuqa ayaa kaaga hadhaya, shabakado jimicsi ayaad kabaranaysaa, caafimaad qabkaaga ayaad ka talinaysaa iwm.
12. Go’aan Yeelo
Nebi Muxumed Wuxuu yidhi,”Haddaad dayaxna saartaan bidixdayda iyo haddad midigtayda saartaan Kama tagayo xaqa.”
Casrigan xogta waxa jira fatah xogeed oo aad u tiro badan. Aragtiyaha, fikraddaha iyo talooyinka kusoo gaadhayaa waa kuwo aan la qiyaasi karin. Lahaanshaha awood go’aan qaadasho oo leh ka fiirsi toolmoon waa mid aasaas u ah guushaada shaqo iyo mid shakhsiyeedba.
Ugu dambayntii, safarka aad ku horumarinayso shaqadaadu waa wareeg joogto ah oo is-helid, waxbarasho iyo korriin. Waxay marag madoon u tahay adkeysigaaga, go'aankaaga iyo sida hagar la'aanta ah ee ay kaaga go'an tahay gaadhista meel sare. Ilaahay kaalmeyso, ha caajisin, ha is dhiibin oo maalinkasta talaabo hore u qaad.
- - ---------------------------------------------------------
Guuleyso
Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164