Oct 20, 2024 by
"Waxaan idiinku imtixaami doonaa wax ka mid ah cabsi, gaajo, iyo khasaaraha maalka, nafta, iyo miro, ee u bishaaree kuwa samra." (Qur’aan, 2:155)
Soo kabashadu waa geedi-socod uu qofku dib ugu soo laabanayo caafimaad jidheed, maskaxeed, ama shucuur. Kaddib marka uu la kulmo xaalad adag sida guuldarro, cudur, ama dhibaato kale oo nololeed. Waa xirfad muhiim ah oo ka caawisa dadka inay ka gudbaan caqabado iyo niyadjabka si ay u gaadhaan horumar mustaqbalka.
Saykoolajigu wuxuu si qoto dheer u falanqeeyaa sida ay dadka ugu adkeysan karaan xaaladdaha adag iyo sida ay u horumarin karaan awooddooda soo kabashada. Nuxurka soo kabashada maskaxeed waa in la barto waxyaabaha qofka niyaddiisa xoojin kara iyo hababka uu kula tacaali karo culeysyada. Cilmibaadhisyo badan waxay soo jeedinayaan in soo kabashadu ay ku xidhnaan karto kalsoonida nafta, xidhiidhka bulshada, iyo awoodda qofku u leeyahay inuu qiimeeyo guuldarrooyinka sidii fursado waxbarasho.
Waxaa jira xeelado kala duwan oo qofku adeegsan karo si uu uga soo kabto xaalado adag:
1. Iskaashiga bulshada: Helitaanka taageero qoyseed iyo bulsho ayaa sare u qaadi karta awood u yeelashada soo kabashada.
2. Xusuus qorka : Diiradda saarida waxyaabaha wanaagsan iyo guulaha yaryar waxay yareyn kartaa niyadjabka. Si naba ha iskugu hallayn xasuustaada, wixii lagu kaydiya muddo kaddib way lumaan. Dhinac kale haddii aynu ka eegno, imisa qof ayeynu aragnay oo shil galay kaddib xasuustiiba ka guurtay. Marka la yidha magacaa isba garan waayey. Inaad lahaato kayd xasuus qor oo aad ku kaydiso waayahaaga nololeed, talooyinka, waayo-aragnimooyinka iyo xasuusaha qaaliga ah ee kusoo mara waa mid aad muhiim u ah run ahaantii.
3. Ciyaaraha iyo dhaqdhaqaaqa jidhka: Dhaqdhaqaaqa jidhka ayaa la ogyahay inuu sare u qaado niyadda iyo caafimaadka maskaxda. Yeelashada jimicsi joogta ah maalin kasta iyo todobaadkii saddex cisho oo kamid ahi waxay bilaysa naftaada. Waa cibaado aad ku hagaajinayso fayo-dhowrka, caafimaadka iyo bilicda nimcada jidhka ee Ilaahay SWT kugu galaday. Ma aha inaad murqo sameysato, Haddii aanad taas xiiseynayn waxaad ku ilaalin kartaa miisaankaaga iyo ka saarista wasakhda jidhkaaga ku kaydsanta markaad in badan fadhido ee aanad socod badan sameynayn.
4. Barashada xirfaddaha cusub: Waxbarashada iyo horumarinta xirfado cusub waxay abuurtaa rejo iyo yididiilo cusub. Waxay carisaa fikirkaaga, waxay kugu tababari kartaa inaad curin yeelato. Ku dedaal barashada xirfaddaha nolosha, shaqada iyo jidhkaba, Si joogto ah u baro xirfaddaha dabaasha, ciyaaraha table tenis ta, pool ka, orodka, boodidda dheer iwm. Xirfaddaha nolosha sida fagaare ka hadalka, maareynta wakhtiga, qorsheynta, go’aan qaadashada iwm.
Soo kabashadu waxay muhiim u tahay caafimaadka guud ee qofka. Waxay qofka siisaa awood uu dib ugu soo nooleeyo kalsoonidiisa iyo rejadiisa mustaqbalka. Waxay sidoo kale ay horseeddaa nolol ka caafimaad iyo degenaansho badan oo dhinacyada shucuureed, maskaxeed, iyo bulsho ah.
Nebi Ayuub (CS): Wuxuu ku samray xanuun iyo khasaaro badan, waxaana ugu dambeyntii Allah ka abaalmariyay caafimaad iyo barako.
Asxaabtii Nebiga (NNKH): Saxaabadii sida Bilal Ibn Rabah waxay soo mareen cadaadis adag, laakiin waxay ku adkaysteen iimaankooda illaa ay heleen xorriyad iyo sharaf.
Nelson Mandela: Ka dib 27 sano oo xabsi ah, Mandela wuu soo kabtay si uu u noqdo hogaamiye muhiim ah oo xoreeya dalkiisa South Africa.
Maxaa kugu caawin kara inaad soo kabato:
1. Samee Istighfaar: Raalligelinta Alle iyo toobadkeenistu waxay nafta siisaa xasillooni.
2. Aqbal xaaladda: Ogow xaaladdaada oo aqbal dhibkaaga si aad u hesho xal waara.
3. Sadaqo bixi: Sadaqadu waxay ganacsi aad Ilaahay la yeelanayso. Waa dawo sida Nebigu SCW innoo tilmaamay, ‘’ Ku daweeya sadaqo kuwiina xanuusanaya.’’
4. Deji yoolal yar-yar: Yoolal yaryar oo guul lagu gaadho ayaa sare u qaadi kara dhiirigelintaada.
5. Yeelo samir iyo dulqaad: Soo kabashadu waxay qaadan kartaa waqti, markaa dulqaadku waa muhiim.
6. Raadi caawimaad: Haddii aad la kulanto culaysyo aanad kaligaa maareyn karin, weydiiso caawimaad xirfadlayaal aad ku kalsoonaan karto.
7. Samee nasashooyin: Nasashada joogtada ahi waxay caawisaa soo kabashada maskaxeed iyo jidheed labadaba.
8. Is cafin: Inaad is cafiso waxay kaa caawisaa in aanad ku sii dheganaan qaladaadkaagii hore.
Diinta Islaamku waxay si qoto dheer uga hadashaa awoodda qofka ee soo kabashada ka dib dhibaatooyin iyo guuldarrooyin. Islaamku wuxuu dhiirrigeliyaa sabarka, tawakalka (ku tiirsanaanta Allah), iyo ka faa'iidaysiga caqabadaha si loo kobciyo nafta. Soo kabashada waa arrin muhiim ah oo ku dhex jirta aayadaha Qur’aanka iyo xadiisyada Nebiga (NNKH), kuwaas oo tilmaamaya in dhibaatooyinka iyo imtixaannada nolosha ay yihiin fursado lagu kasbado ajar iyo horumar maskaxeed.
Qadarka Alle in la aqbalo oo dhib kasta oo yimaada loo arko fursad lagu helo naxariista Alle iyo horumar. Qadarka Alle rumaysnaantiisu waxay ka dhigtaa guuldarrooyinka kuwo aan saameyn weyn ku yeelan nafta. Guuldarradu waa bilow cusub oo aad wax badan ka baran karto. Si lamida sidaad dhibaato ula kulantay ayaad xal u heli kartaa. Soo kabashadu waa geedi-socod joogto ah, waxaana laga yaabaa in qofku wax badan ka faa’ido guuldarrooyinka haddii uu awoodo inuu u arko in fursaduhu yihiin kuwo ku dhex jira xaaladdaha adag.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164