chat account_circle
  • chat
  • Somalijobs Inc
    Somalijobs Inc

    Aqoonta Iyo Khibradda!

    Risaalladii Nebiga CSW,’’ Baro, Ku camal fal, kaddib dadka bar.’’

    Aqoonta iyo khibradda waxay labaduba yihiin dhinacyo muhiim ah oo kaalin weyn ka qaata horumarinta shaqsiga iyo xirfadda shaqo. Waa halkii Einstien lahaa waxbarashadu ma aha inaad barato xaqiiqooyin balse waa inay ku tababari kartaa maskaxdaadu inay fikiri karto. Abwaan Gaariye AHU'e isna lahaa qofkastaa wuxuu fikiri karaa hadba inta uu ereyo haysto. Akhriska, daawashada, dhageysiga iyo dareennada lamid ah waxaynu ka korodhsannaa ereyo maskaxdeena carinaya si ay u fikirto. Waa sababta loo yidhaa qofku waa bay'adda uu ku xeersan yahay iyo arrimaha ka dhaca. Hab fikirkaaga, hab nololeedkaaga iyo dhaqannadaadaba saameyn weyn ayey kugu leedahay. Khibradduna waa ficillo maalmeed isku tagay casharadii aad kabaratay caqabadaha iyo casharada nolosha.

    Halkan waxaynu ku eegi doonna waxyaabo muhiim ah oo ku saabsan aqoonta iyo khibradda iyo sida loo horumariyo:

    Aqoonta

    1. Waxbarasho iyo tababar:

    Isku day inaad hesho waxbarasho rasmi ah, sida shahaadooyin, koorsooyin, iyo tababarro xirfadeed.

    Ka faa'iidayso waxbarashada aan rasmi ahayn sida buugaagta, maqaalada, iyo barnaamijyada tababarka ee online-ka ah.

    2. Akhrinta iyo cilmi-baarista:

    Akhri buugaag, joornaalada, iyo bogagga internetka ee la xiriira goobaha aad xiisaynayso. Samee cilmi-baaris si aad u ballaariso aqoontaada ku saabsan mowduucyada kala duwan. Maanta halka aad joogto iyo sannad kaddib halka aad gaadhi doonto waxay ku xidhantahay hadba inta aad wax akhrido. Waa arrin ay isku raacsan yihiin baddi dadka cilmiga u saaxiibka ahi.

    3. Ka Qaybgalka Kulanada iyo Siminaarada:

    Ka qaybgal kulamada furan sida kuwa buugaagta, doodaha cilmiga ah, siminaarada, iyo shirarka xirfadeed si aad u barato fikrado cusub oo la xidhiidha goobtaada shaqo.

    4. Wax u baro inaad ku hannuunto.

    Halgankaaga dunida midho dhalkeedu waa qiyaamaha. Wax u baro inaad ku hanuunto oo aad kamid noqoto kuwa guuleysta aakhiro.

    Khibradda

    1. Shaqo iyo tababar:

    Ka shaqee meelaha aad xiisaynayso si aad khibrad uga hesho. Xitaa haddii ay tahay tababar bilaash ah ama shaqo ku meel gaadh ah, waxay kuu noqon kartaa fursad aad ku barato wax cusub. Qaado tababaro wax ku ool ah oo la xiriira shaqadaada si aad u ballaadhiso khibraddaada.

    2. Ka qaybgalka mashruucyada tabarruca lagu shaqeynayo

    Ka qaybgal mashruucyo kaladuwan oo shaqo iyo kuwo iskaa wax u qabso ah si aad u hesho khibrad kala duwan. Ku dadaal inaad hormariso mashruucyo kuu gaar ah ama la shaqee kooxo si aad u hesho waayo-aragnimo kooxeed.

    3. La-tashiga iyo barnaamijyada Isku-xirka:

    La xidhiidh dadka khibradda leh ee goobtaada shaqo si aad uga barato xirfadaha iyo waaya-aragnimada ay leeyihiin.

    Ka qaybgal barnaamijyada isku-xirka iyo la-talinta si aad uga faa'iidaysto waayo-aragnimada dadka kale.

    Sida loo horumariyo aqoonta iyo khibradda

    1. Ujeeddooyin caddeeya:

    Samee ujeeddooyin cad oo ku saabsan waxa aad rabto inaad barato iyo hababka aad ku gaadhi doonto.

    2. Qorsheynta iyo qabashada:

    Samee qorshe hawleed oo faahfaahsan si aad u gaarto ujeeddooyinkaaga aqooneed iyo khibradeed. Qorshee sannadkii wakhti intee leeg ayaad ku bixinaysaa, lixdii bilood, saddexdii bilood ilaa aad kasoo gaadhayso maalintii imisa saac ama daqiiqo ayaan ku bixinayaa qabashada hawlahaa si aan guusha aan haybinayo u gaadho.

    3. Is-dhexgalka iyo Ka-faa'iidaysiga fursadaha:

    Ka faa'iidayso fursadaha soo baxa, sida koorsooyin cusub, tababarro, iyo shaqooyin la xiriira xirfaddaada. Isku day inaad si joogto ah u hormariso aqoontaada iyo khibraddaada, haka joogsan inaad wax cusub barato.

    Labada, aqoonta iyo khibradda, waxay isku xidhaan oo isla shaqeeyaan si ay kuu siiyaan xirfaddo iyo waaya-aragnimo kaa caawinaya inaad ku guulaysato nolol ahaan iyo xirfad ahaan.

    4. Ducayso oo Ilaahay SWT tala saaro, tala saarasho dhab ah.

     

    Guuleyso!    

    Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

    Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

    Tixgelin.

    --------------------------------------------------    

    Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

    Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

    (IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164