chat account_circle
  • chat
  • Somalijobs Inc
    Somalijobs Inc

    Xirfaddaha Warbixin Qorista (report Writing Skills)

    Waa xirfaddo ama awood loo leeyahay in si xirfadaysan loo qoro warbixino kala duwan, kuwaas oo ku salaysan xog, cilmi-baadhis, ama warbixin ku saabsan shaqo ama mashruuc gaar ah. Xirfaddahan waxaa ku jira sida loo ururiyo xogta, loo habeeyo, loo qoro, loona soo bandhigo warbixinno si ay u noqdaan kuwo fudud oo la fahmi karo si wax ku ool ah.

    Muhiimadda report writing skills

    1.     Isgaadhsiinta: Warbixinnadu waxay fududeeyaan in macluumaadka muhiimka ah si cad oo habboon loo gudbiyo, taas oo ka caawisa shirkaddaha iyo ururrada inay go'aamo sax ah qaataan.

    2.     Xog ururin iyo falanqayn: Waxay kaa caawisaa inaad si xirfadeysan xogta u uruuriso, u abaabusho, kadibna u falanqayso si qoto dheer.

    3.     Tixraaca mustaqbalka: Warbixinnada wanaagsan waa kuwo marar badan la tixraaco mustaqbalka si loo helo xog cusub ama loo qiimeeyo horumarka mashruuc.

    4.     Hufnaanta iyo isla-xisaabtanka: Warbixinnadu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan isla xisaabtanka gudaha ururrada iyo kuwa ay wada shaqeeyaan, sida hay'addaha maaliyadeed iyo deeq-bixiyeyaasha.

    Fursadaha  

    Xirfadda qorista warbixinta waxay fursado shaqo iyo horumar ku leedahay meelo badan oo kala duwan, oo ay kamid yihiin:

    1.     Hay’adaha NGO-yada iyo samafalka: Waxa loo baahan yahay in dadku qoraan warbixinada ku saabsan mashaariicda, horumarka, iyo xogaha la xadhiidha gargaarka degdegga ah.

    2.     Xafiisyada dawladda: Warbixinnada muhiimka ah ee la xidhiidha adeegyada bulshada, siyaasaddaha iyo horumarka.

    3.     Shirkaddaha iyo ganacsiga: Shirkaddaha waxay u baahan yihiin warbixinno ku saabsan qiimeynta suuqyada, ganacsiga gudaha iyo dibadda, iyo cilmi-baadhisyo dhaqaale.

    4.     Waxbarashada iyo cilmi-baadhista: Xirfadda qoris warbixinnadu waa mid muhiim ah oo aad loogu baahan yahay gudaha jaamacadaha, mac-hadyada, iyo xarumaha cilmi-baadhista.

    5.     La-taliye shaqo: Warbixin qoristu waxay ku caawin kartaa inaad noqoto la-taliye xirfadle ah, sababtoo ah warbixinnadu waa habka lagu soo gudbiyo talooyinka iyo daraasaddaha la sameeyay.

    Shaqooyinka

    Shaqooyin badan ayaa u baahan xirfadda qorista warbixinnaha, oo ay ka mid yihiin:

    1.     Maamulaha mashaariicda: Qorista warbixinnada mashruucyada kala duwan iyo horumarkooda.

    2.     Cilmibaadhe: Soo gudbinta natiijooyinka cilmibaadhis iyo xogaha la soo ururiyey.

    3.     Maamule NGO: Qorista warbixinnada deeq-bixiyayaasha iyo kuwa kale ee daneeyayaasha ah.

    4.     Qoraaga warbixinnada dhaqaale: Warbixin ku saabsan dhaqaalaha shirkad ama hay'ad.

    Xirfaddaha muhiimka ah

    1.     Aqoonta iyo fahamka mawduuca: Inaad leedahay faham qoto dheer oo ku saabsan mawduuca aad ka qorayso.

    2.     Xog ururin: Inaad si sax ah xogta ugu ururin karto hab cilmi ku dhisan.

    3.     Qorista iyo habaynta: Xirfaddaha qoraalka toolmoon, habaysan oo soo jiidasho leh.

    4.     Falanqayn iyo qiimeyn: Inaad si qoto dheer u falanqeyn karto macluumaadka oo aad qiimeyn ku sameyn karto xogta.

    5.     Software-ka iyo tools-ka: Barnaamijyada ama qalabka loo isticmaalo qoraalka iyo soo bandhigidda warbixinta (sida Microsoft Word, Excel, iyo PowerPoint).

    Warbixinta wanaagsan waxay soo bandhigtaa xog sax ah, falanqeyn cad, iyo talooyin ku habboon si loo gaadho go'aamo waxtar leh. Inaad barato ama lahaato xirfadda warbixin qorista toolmoon oo aad barataa waa mid aasaas u ah dhammaan waaxyaha shaqooyinka shirkaddaha, hay’addaha iyo xafiisyada dawladdaba. Haddii aanad hore u qaadan tababaro la xidhiidha qorshaha ku darso bilaha soo socda maalgelinta nafeed ee aad ku horumarinayso xirfaddahaaga shaqo si aad dalacsiin iyo horusocod shaqo aad u hesho idamka Alle.

     

     

    Guuleyso!    

    Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.     

    Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]      

    Tixgelin.

    --------------------------------------------------    

    Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)    

    Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs    

    (IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164