Guul Dheelitiran!
Feb 08, 2025 by

‘’Anigu, maanta waxa aan ku abaalmarinayaa adkaysigoodii, waanay guuleysteen.’’ – Suuratu Al-Mu’minuun.
Nolosha guusha leh waa nolosho isku dheelitiran oo ay isku xidhan yihiin cibaadada, aqoonta, akhlaaqda wanaagsan iyo hawlgelinta bulshada. Islaamka wuxuu bixiyaa jihada iyo mabaadi’da muhiimka ah ee qofka u horseedi kara horumar dhanka nolosha, iyadoo la adeegsanayo cibaado, cilmi, iyo dhaqanka wanaagsan. Qoraalkan waxaynu ku eegi doonnaa idamka Alle sida loo dhiso qorshaha nolosha ee saxda ah.
Guusha nolosha waxay ka bilaabataa xidhiidh dhow oo qofku la yeesho Ilaahay. Si tan loo gaadho, waa muhiim in la xoojiyo iimaanka iyadoo la baranayo Qur’aanka iyo Sunnaha. Fahamka iyo ku dhaqanka xikmadda diinta waxay gacan ka geysanaysaa hagidda nolosha iyo qaadashada go’aamada saxda ah. Salaadda, oo ah tiir muhiim ah, waa in si joogto ah loo tukado waqtigeeda, taasoo lagu xoojinayo xidhiidhka naftaada iyo Ilaahay. Intaa waxaa dheer, soonka, zakada, iyo Hajj (haddii ay suurto gal tahay) ayaa ka mid ah cibaadooyinka muhiimka ah ee kor u qaada xasilloonida nafsadeed iyo nolosha.
Islaamku wuxuu dhiirigelinayaa raadinta aqoonta oo ah waajib diini iyo nololeed labadaba. In kasta oo ay muhiim tahay in la barto cilmiga diinta si loo fahmo mabaadi’da Islaamka, haddana waxaa lagama maarmaan ah in la helo aqoon ku saabsan culuumta kale ee nolosha kor u qaada isla jeerkaasna furfurta fahamka abuurta Ilaahay iyo mucjiyaadkiisa. Ka qaybgalka duruus, muxaadarooyin iyo tababaro ayaa qofka ka caawinaya inuu fahmo duruufaha nolosha iyo sida ugu habboon ee looga faa’ideysto aqoonta. Sidoo kale, horumarinta xirfaddaha shaqsiga iyo kuwa kale ee nolosha waa tallaabo kale oo muhiim ah oo ku wajahan guusha, taasoo qofka ka dhigaysa mid tartami kara oo wax soosaar leh.
Qorsheynta nolosha ayaa ah mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee lagu gaadhi karo guusha. Waxaa lagama maarmaan ah in la dejiyo yoolal gaagaaban iyo kuwo fog, kuwaas oo lagu saleeyo qiimaha Islaamka. Qorista qorshayaasha maalinlaha, usbuucle iyo sanadle waxay kaa caawinaysaa inaad si joogto ah u eegto horumarkaaga, adigoo og in guushu aanay ku imanayn hal habeen. Samirka iyo dadaalka joogtada ah ayaa ah furayaasha guusha, waxaana tusaale wanaagsan u ah Nabiyadii iyo asxaabtiisa oo adkaysi iyo dulqaad u muujiyay marxaladaha adag ee nolosha.
Islaamka wuxuu xoogga saaraa in qof walba uu yeesho akhlaaq wanaagsan iyo xidhiidh wanaagsan oo bulshada dhexdeeda ah. Daacadnimada, xushmadda, iyo naxariista ayaa ka mid ah sifooyinka muhiimka ah ee qofka ku gaadhi karo guusha. Inaad noqoto qof la isku halleyn karo iyo mid isku kalsoon ayaa ka dhigaysa inaad si fudud u abuurto xidhiidh wanaagsan oo ka dhaxeeya qoyska, asxaabta, iyo bulshada guud ahaan. Ka qaybqaadashada hawlaha bulshada iyo caawinta dadka baahan ayaa ah tallaabooyin kale oo lagu muujinayo akhlaaqda wanaagsan iyo midnimada bulshada.
Maareynta waqtiga iyo is-daryeelku waa laba arrimood oo aan la iska indho tiri karin marka la eego guusha nolosha. Qorshe adag oo lagu maareeyo waqtiga ayaa kaa caawinaya inaad si habsami leh u kala qaybiso wakhtiga u dhexeeya cibaadada, shaqada, waxbarashada iyo nasashada. Ilaahay SWT wuxuu inoo tilmaamay: ‘’Nolosha adduunyo waa dhaldhalaal kado ah.’’ Al-Cimraan: 185. Waxaa muhiim ah in laga fogaado waxyaabaha ku mashquuliya oo kaa leexin kara waddada toosan. Daryeelka caafimaadka jidheed iyo maskaxeedna waa arrin aan la iska dhaafi karin; barashada farsamooyinka lagu yareeyo walaaca iyo xakameynta cadaadiska ayaa ka mid ah waxyaabaha muhiimka ah ee lagu gaadhi karo isku dheelitirnaan nolosha.
Ugu dambeyntiina, isku-dheelitirka nolosha waa furaha guusha. Waa in la helo isku dheelitirnaan u dhexeeya waqtiga lagu bixinayo cibaadada, waxbarashada, shaqada iyo waqtiyada qoyska. Waxaa lagama maarmaan ah in mar kasta la qiimeeyo horumarka la gaadhay, lana barto khaladaadka si loo sameeyo isbeddelada loo baahan yahay. Inaad waqtigaaga u adeegsatid si xikmad leh, adigoo ka faa’ideysanaya fursadaha nolosha iyo isku dayga inaad ka mid noqoto bulshada, ayaa kaa dhigi kara qof guuleysta oo saameyn wanaagsan ku leh deegaanka uu ku nool yahay.
Guusha nolosha ee ku dhisan habka Islaamka waa mid isku dhafan oo ka kooban cibaado joogto ah, raadinta aqoon, qorsheyn mustaqbal iyo akhlaaq wanaagsan. Iyada oo la raacayo mabaadi’da Islaamka, qof kasta wuxuu heli karaa hanuun iyo xasillooni nafsadeed, taasoo u horseedi karta guul waarta iyo horumar dhinac walba leh. Mar kasta xusuusnow in Ilaahay SWT uu kuu diyaariyey dariiq toosan oo ku hanuuninaya, haddii aad si daacadnimo leh ugu dhaqanto mabaadi’da uu Qur’aanku tilmaamay. Noloshaada guusha leh ha noqoto mid aad ku dedaalayso cibaado, aqoon, akhlaaq iyo hawlgelin bulshada dhexdeeda, adigoo ku dadaalaya inaad noqoto qof wax tar leh.
Dedaal, adkaysi, aaminaad iyo talo-saarasho Alle haddii aad la timaado, waad gaadhi kartaa guul lamahadiyo.
Tusaale,
Sannadkii 1991 ayaa ciiddamada waddanka Ciraaq gubeen ceelashii shiidaalka ee waddanka Kuwayt., Ka dib Wasiirkii naaftada ee Kuwayt Dr Rusheydi Al-cumayri, ayaa wada hadalo la yeeshay shirkaddihii ugu waa waynaa dab daminta ceelasha shiidaalka ee gubta. Ka dib war-celintii shirkadduhu waxay noqotay sidan; tii koobaad waxay tidhi waxan ku damin karnaa 5 sanno, tii labaadna 4 sanno, tii saddexaadna 3 sanno iyo tii afraad oo tidhi 2 sanno ayey nagu qaadan inaanu damino. Wasiirkii wuu ku qanci waayey arrintaa, wuuna liqi kari waayey. Waayo bal qiyaas 2 sanno oo ay gubanayso ceelal shiidaal oo badda ku yaal? Intee khasaare gaadhaya dalka Kuwayt? Intee xayawaan ku naf waayaya badda ololaysa? Intee in le’eg ayaa hawada waddankaa wasakhoobay? Ma laha qiyaas.
Haddaba muxuu go’aansaday wasiirkii Kuwayt? Wuxu bilaabay isaga iyo shaqaalihiisii naaftadu inay bilaabaan daminta ceelasha gubanaya, iyaga oo ku qanci waayey sugidda muddada dheer ee shirkadduhu ay u qabteen. Sidii bay ku howl galeen, 20/3/1991 ayuu ku dhawaaqay wasiirkii inay soo af-jari doonaan ceelasha gubanaya muddo 7 bilood ah. Waxa ku bilowmay wasiirkii hadaladii han jebinta, iyadoo la leeyahay ‘’wuu riyoonayaa, ma dhici karto inuu 7 bilood ku damiyo, ceelasha ay shirkaddihii waaweynaa ugu yaraan labada sanno u q abteen.
Wasiirkii ma han-jabin ee 6 bilood iyo 21 maalmood ayuu ku af-jaray ceelashii holcayey inuu damiyo.
Waxa is waydiin leh sidee wasiirka iyo shaqaalihiisu ugu guulaysteen inay ku damiyaan ceelashii ay shirkaddihii waaweynaa labada sanno u qabteen?
Haddii uu sugo muddadii ugu gaabnayd ee 2da sanno, khasaare intee le’eg ayaa soo gaadhi lahaa dawladda Kuwayt?
Haddii aanu aamini lahayn awoodiisa ALLE siiyey ma ku guulaysan lahaa halgankaa adkaa?
Haddii uu ka noogi lahaa hadaladii han-jebinta dadka, ma gaadhi lahaa hankiisa?
Haddaba waxaad aaminto inaad qabsan karto waad gaadhi kartaa, waadna ka gun gaadhi kartaa!
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164