7 Talaabo Oo Fudud Oo Kuu Sahlaya Inaad Noqoto Hage(mentor) Wanaagsan
Jan 15, 2025 by

Ma is waydiisay sidaad u noqon lahayd hage ama macalin? Hagiddu waa xiriir laba qof oo midkood yahay qof khibrad iyo aqoon badan leh, kaasi oo hagaya midka kale ee khibradda ama aqoon ahaan ka yar. Natiijadu waxay noqonaysaa qof wax hagaya (mentor) iyo qof la hagayo (mentee).
Qofka wax hagayaa waa qof muhiim ah sababtoo ah waxa uu door weyn ka ciyaarayaa horumarka shaqsiga iyo xirfadda qofka. Hagaha wanaagsani wuxuu kaa caawinayaa inaad gaarto yoolalkaaga ama hadafkaaga oo aad ku guulaysato nolosha.
Sidoo kale, inaad noqoto qof wax hagaya waxay kuu suurtogalisaa inaad saameyso nolosha dadka kale, kana caawiso horumarkooda shaqsiyadeed iyo xirfadeed. Si kastaba ha ahaate, haddii aad rabto inaad noqoto hage (mentor), waa inaad marka hore barato sida loo noqdo qof wax ku ool ah oo wax hagi kara
7 Talaabo oo Lagu Noqon Karo Hage Wanaagsan
Waxaa jira toddoba tallaabo oo muhiim ah oo lagu noqon karo qof wax haga oo wanaagsan. Waxay kala yihiin:
1. Dhis xidhiidh isgaarsiineed oo wanaagsan.(communication)
2. Dhegeyso.
3. Samee yoolal oo go’aami hadafka ugu dambeeya.
4. Kasbo kalsoonida qofka lahagayo (mentee-ga ah.)
5. dhiirrigeli qofka la hagayo.
6. Bixi talooyin
7. U abuur fursado qofka la hagayo.(mentee)
Haddii aad rabto inaad la yeelato xidhiidh wanaagsan qofka aad hagayso , waa inaad raacdaa toddobadan talaabo ee muhiimka ah. Khubarada ugu wanaagsan iyo hageyaashu ma aha oo kaliya kuwa maskax furfuran leh (flexible), laakiin sidoo kale waa kuwa is-hoosaysiiya (humble) marwalba hagaajiya habdhaqankooda, si ay ula jaanqaadaan dadka ku xeeran.
1. Dhis Isgaarsiin Wanaagsan(communication)
Isgaarsiinta ayaa aad muhiim ugu ah xiriirkan, gaar ahaan kulanka ugu horreeya ee aad la yeelanayso qofka la hagayo. Waxaad rabtaa inaad qofka la hagayo ka dhigto mid daganaan dareema oo nasanaya.
Kulanka ugu horreeya waa muhiim sababtoo ah waa meesha xidhiidhka ugu horeeya lagu dhisayo. Is-barasho sameeya, su’aalo wanaagsan weydii, una ogolow qofka mentee-ga inuu isaguna ku weydiiyo su’aalo si uu u barto qof hagi doona. Ka dhig wadahadalka mid si dabiici ah u soconaya, si qofka la hagayo ( mentee-ga ah) uu unoqdo mid kuu furfuran .
U muuji inaad diyaar u tahay inaad la wadaagto xirfadahaaga, khibraddaada, iyo aqoonta aad waqti dheer soo urursatay. Waa inaad si furan oo daacad ah ula wadaagtaa wax kasta oo aad awoodo.
2. Dhegeyso
Had iyo jeer looma baahna inaad jawaabo bixiso ama su’aalo weydiiso. Mararka qaar, waxa muhiim ah inaad kaliya dhegeysato, maxaa yeelay qofka mentee-ga ah wuxuu rabaa inuu kuu sheego wax muhiim ah.
Hadi uu mentee gu ubaahdo taladaada ama uu ubaahdo in uu uhelo jawaabo dhibaatooyinka haysta , badanaa isaga ayaa ku waydiinaya waxa aad aaminsantahay sidaa daraadeed waa inaad dib ufadhiisato oo aad dhagaysato oo aad u muujiso inaad fahamsantahay meesha uu ka hadlayo
Mentor ahaan waa inaad waydiisaa suaalo dibada usoo saaraya nolosha qofka aad hagayso ha noqoto mid shaqsi (personal ah) ama professional
3. Samee Yoolal oo Go’aami Hadafka Ugu Dambeeya
Xasuusnow Qofka la hagayo wuxuu kuula imaanayaa caqabado horyaala, maxaa yeelay wuxuu ku kalsoon yahay inaad ka caawin karto inuu horumariyo naftiisa, shaqadiisa, iyo mustaqbalkiisa. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah inaad u dejiso yoolal la gaari karo.
Marka uu gaadho ama uu xaqiijiyo guulahaas fudfudud wuxuu dareemi doonaa raaxo sidoo kale wuxu u furfurnaan doonaa hadafyada dambe. Mentor ahaan waa inaad kacaawiso qofka inuu dhiso ama horumariyo qabtona shaqoyin yaryar oo gaar ah kuna dhameeyo waqti gaar ah intaa kadib hore uga sii socda idinko awooda saaraya hadafyo ka waawayn oo ka muhiimsan , intaas ayuu kusaabsanyahay hagidu (mentershipku)
Habkale oo aad ku muujinkarto daahfurnaanta ama in aad dhisto xidhiidhka waxa kamida ah inaad la wadaagto hadafyadaada , taasi waxay keenaysaa inay si wayn uqaataan oo taabo gal ah qofka la hagayaana gaaro goaano uu kusamaysanayo yoolal isaga u gaar ah.
4. Kasbo Kalsoonida Qofka La Hagayo
Kalsooni iyo ixtiraam ayaa ah saldhigga xiriirka hage-mentee. Si aad ugu guulaysato barnaamijka hagidda, waa inaad ku dhistaa aasaaskiisa kalsooni, waa ay adagtahay inaad wada shaqaysaan qofka aad hagyso hadii aanay kalsooni dhexdiina oolin
Ku dhis seeska xidhiidhka aad la leedahay menteega kalsoonidaasi waxay fududaynaysaa in aad hubiso guulaha .sidoo kale waxay dhalinaysaa inuu noqdo qof furfuran sida kaliya ee lagu samaaynkaraana waa in aad la yeelato wada hadalo badan, adoo u ogolaanaya in uu qofku noloshaada soo galo kaana waraysto, sido kale daacad unoqonaya
5. Dhiirrigeli Qofka La Hagayo
Haddii aad rabto inaad noqoto hage wanaagsan, waa inaad barato sida dadka loo dhiirrigeliyo.hadii aad aragto qofkii aad hagaysay waxa ugu horeeya ee usheegaysaa waa inuu noqdo qof togan oopositive ah, amaan iyo mahadnaqna marka kasta dhagaha ugu rid.
Amaan doorashooyinkiisa iyo dhaqamadiisa halkii aad amaani lahayd hibooyinkiis dabiiciga ah , taas ayaa awoodbadan kuna dhiirigalin doonta inuu sii wado waxa aad ku amaantay
6. Bixi Talooyin
Hageyaasha wanaagsan waa kuwa wakhti qaata, qorshe sameeya, dhiirrigelin siiya, isla markaana yaqaana goorta la bixinayo saxid iyo tilmaamo.
Waa muhiim in aad bixiso toosin adigoo u muuqda qof naxariis iyo deganaan leh. Waa inaad eegto qofka aad hagayso (mentee) oo aad ku dhahdo“Tani waa hab wanaagsan oo lagu sameeyo, laakiin maxay noqon karaan habab kale oo aan u sameyn karno?” ama “Tani ma noqon kartaa mid saxan. Aan dib u eegno, si wadajir ah.”
Hagaha wanaagsan waa inuu awoodaa inuu siiyo jawaab celin dhisid ah (constructive feedback) iyadoo uu si fiiro leh u dhageysanayo si uu u ogaado waxa uu qofka la hagayo uga baahan yahay korriin iyo horumarba . Dhanka kale, qofka la hagayo waa inuu furfurnaan u yeesho jawaab celinta lasiiyay oo uu sifiican udhagaysto si uu u hubiyo inuu si buuxda u fahmayo waxa lala wadaagayo.
7. U Abuur Fursado Qofka La Hagayo
Hadafku waa inaad caawiso qofka la hagayo si uu u gaaro yoolkiisa shaqsiyadeed iyo xirfadeed. Hagiddu waa muhiim sababtoo ah waxay ka caawisaa dadka inay ogaadaan xirfadahooda iyo horumarkooda qarsoon.
Tani waxay u fududeysaa inay si degdeg ah u gaadhaan yoolalkooda marka loo eego haddii ay isku dayaan inay keligood gaadhaan. Sababta ayaa ah in ay fududahay in qofku awoodiisa uga faa’iidaysto taageerada iyo hagida qof waayo-aragnimo leh.
Qofka la hagayo (mentee) wuxuu ballaadhin karaa shabakaddiisa xiriirka isagoo helaya dad cusub siyaabo kala duwan oo hagiddu(mentorship) ka caawiso.
Sidoo kale, haguhu wuxuu ku xidhi karaa qofka la hagayo hal ama laba qof oo muhiim ah oo ka caawin kara horumarinta xirfaddiisa ama gaadhista yoolkiisa
FAAIDOOYINKA AY LEEDAHAY INAAD LEEDAHAY MENTOR DHINACA SHAQADA AH
1.waxaad heli doonta talooyin khibradeed oo kusaasbsan sidaad shaqada uqaban lahayd
2.waxaad kula qabsan doontaa shaqada mudo yar
3.waxa aad ka helaysaa talooyin aad ku horumariso mustaqbalkaaga
4.mentor ku ama haguu wuxu kula wadaagi karaa fursado aad isku dhexgali kartaan sida inaad samaysaan doodo groups ah ,seminaro horumarineed iyo guest speakers
Gabagabo
Hagidu waxay muhiim u tahay in dadka laga caawiyo inay ogaadaan xirfadohooga iyo horumarkooda qarsoon, si ay si dhakhso leh ugu gaaraan yoolalkooda. Haddii aad rabto inaad caawiso dadka kale adigoo hagaya, ku bilow toddobadan talaabo ee fudud.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164