chat account_circle
  • chat
  • Somalijobs Inc
    Somalijobs Inc

    Habka Helidda Shaqo Carbin (internship)

    Helidda shaqo carbintu waa hawl adag caqabadana leh, se haddii aad u marto samir iyo waddada ugu habboon; taasi waxay kordhin doontaa fursadda aad ku heli karto shaqo carbin. 

    Waa kuwan shan qodob oo kuu fududayn doona helidda shaqo carbinta:

    1. Qeex  

    Qeex hadaf kaaga iyo goobaha aad xiisaynayso in aad kaga shaqayso shaqo carbin ahaan. Kahor inta aanad bilaabin raadinta  helidda shaqo carbiska waxaa muhiim ah in aad faham buuxa ka haysato waxa aad doonayso in aad shaqo carbis ahaan uga shaqayso iyo shirkadda, hay’adda ama xafiiska aad la shaqaynayso. 

    2. Dhis Xidhiidho 

    Gaadhsii arrinkan asxaabtaada, qoyskaaga, macallimiintaada iyo cid kasta oo aad ku tuhmayso in ay khabiir ku yihiin arrimaha la xidhiidha shaqooyinka. Ka qayb gal carwo shaqeedka ay qabsanayaan warshadaha iyo ganacsiyada waaweyni, adiga oo halkaa ka raadinaya dadyow aad xidhiidh la samayso. 

    3. U Adeegso Technology-ga Qaab Xirfadaysan 

    Shirkado iyo haayado badan ayaa barahooda bulshada soo dhiga in ay u baahan yihiin dadyow ay u tobabaraan shaqooyinka;