Sida Loo Dejiyo Oo Loo Gaadho Hadaf Ama Yool Maaliyadeed
Jan 23, 2025 by

Hadaf maaliyadeed waa yool gaar ah oo aad dejiso si aad u gaadho, muddo cayiman, sida halka ugu dambaysa ee aad ku socoto markaad khariidad (map)adeegsanayso. Dejinta hadafyada maaliyadeed waxay kaa caawisaa inaad horumariso xaaladdaada dhaqaale, ha ahaato inaad dayn bixinayso, guri iibsanayso ama aad lacag keyd u samaynayso hawlgabnimada
Hagahan waxa aynu ku eegeynaa noocyada kala duwan ee yoolalka, sida loo dejiyo yoolalka maaliyadeed iyo talooyin ku anfacaya inaad ku gaadho yoolalkaaga wakhtigii loogu talo galay.
Noocyada Ujeeddooyinka Maaliyadeed
Ka hor inta aanad dejin yoolal, waa inaad tixgelin gaar ah siisa wakhtiga aad doonayso inaad ku dhammaystirto yoolkaaga. Sida caadiga ah, dhaqaalaha badan ee yoolkaagu u baahan yahay sidoo kale wakhti badan ayuu qaadanayaa in la gaaro.
Hadafka maaliyadeed waxaa loo qaybin karaa saddex nooc:
1.hadaf Muddo-gaaban: Kuwan waa yoolal yar oo la dhammaystiro hal sano gudaheed. Tusaale ahaan, in saddex bilood oo kharashyada nolosha lagu keydiyo lacag degdeg ah, kombiyuutar cusub oo la iibsado, ama fasax la qorsheeyo.
2.hadaf Muddo-dhexe: Yoolalkan waxa ay qaadanayaan wakhti ka badan yoolalka gaaban, balse guud ahaan waa kuwo la gaadhi karo inta u dhaxaysa hal ilaa shan sano. Tusaale ahaan, in dayn kaadhka deynta laga bixiyo ama lacag loogu keydiyo baabuur cusub.
3.hadaf Muddo-dheer: Kuwani waa yoolal aad qorshaynayso inaad wakhti dheer u shaqayso oo laga yaabo inaadan gaarin ilaa mustaqbal fog. Tusaale ahaan, in lacag loo keydiyo hawlgabnimada ama lacagta guriga laga bixiyo(mortgage)
5 Tallaabo oo Lagu Sameeyo Yoolal Maaliyadeed
1. Go'aami waxa Mudnaanta kuu leh
Tallaabada ugu horreysa waa inaad sameyso liiska yoolalka muhiimka ah. Liiskaas ka dib, go’aanso yoolalka aad u aragto kuwa ugu muhiimsan oo ay fududahay inaad marka hore diirada saarto. Ha isku mashquulin inaad isla markiiba yoolal badan samayso; halkii, ka bilow hal ama laba yool oo aad muhiim u aragto.
2. Dib-u-habe miisaaniyaddaada(budget)
Miisaaniyaddaada bil kasta waxay u baahan kartaa in dib loo eego si loogu habeeyo yoolalkaaga cusub. Tusaale ahaan, haddii aad haysato $500 bishii si aad uga bixiso dayn ah $2,000, waxay qaadan doontaa ugu yaraan afar bilood inaad gaadho yoolkaaga.
3. Xulo Xisaab Ku Habboon Yoolalkaaga
Inta badan yoolalka maaliyadeed waxa ay la xidhiidhaan bixin dayn ama lacag kayd u samayn. Xisaabaha aad doorato waxa ay saameyn ku yeelan karaan sida lacagtaada u shaqaynayso. Tusaalooyinka xisaabaha caanka ah waxaa ka mid ah:
401(k) (kaydsiga hawlgabka shaqaalaha)
Akoonno kayd gaar ah (IRAs)
Akoonno kayd caadi ah oo leh dul-saar sare
Shahaadooyinka Deynta (CDs)
4. Automatic ka dhig yoollkaaga
Si ay u fududaato gaadhista yoolalkaaga, isku day inaad isticmaasho habab toos ah sida jeegag toos ah ama wareejinta lacagaha si joogto ah. Tusaale ahaan, haddii aad dayn arday bixineyso, samayso hab lacagtaada si toos ah looga jaro.
5. Si Joogto Ah U Fiiri Horumarkaaga
Guul ka gaadhista yoolalkaaga waxay ku xidhan tahay inaad dib u qiimayso sida yoolalkaagu u socdaan. Waxaad samayn kartaa isbedel miisaaniyadeed ama waqtiyeed haddii loo baahdo. Ugu yaraan bishii mar hubi horumarka yoolalkaaga gaaban iyo kuwa dhexdhexaadka ah, halka kuwa dheer la hubin karo sanadkii hal mar.
3 Talo oo Kaa Caawinaya Gaadhista Yoolalkaaga maaliyadeed
1. Ka bilow degganaansho: Haddii aad bilowdo yoolal waaweyn adigoon diyaar u ahayn, waxay halis ku noqon kartaa guushaada. Sidaa darteed, bixi daymaha dulsaarka sare leh oo abuur kayd degdeg ah.
2. La soco miisaaniyad dhab ah: Miisaaniyadu waxay shaqaynaysaa kaliya haddii aad raacdo. Ha samayn miisaaniyad aad xad u dhigto oo aad mar walba ka gudubto.
3. Naftaada abaalmari: Abaalmarinta yar-yar ee aad naftaada siiso markaad yool gaadho waxay dhiirigelin fiican unoqon doonta naftaada
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164