Dalabka Shaqada: Ogolaansho Ama Diidis
Oct 07, 2024 by

Aqbalaadda ama diidista dalabka shaqada waa tallaabo muhiim ah oo saameyn weyn ku leh mustaqbalka shaqadaada iyo horumarka xirfaddeed. Halkan waxaynu ku wadaagaynaa qodobo muhiim ah oo ay tahay inaad ogaato oo aad ka fiirsato marka aad aqbalayso ama diidayso dalabka shaqada:
1. Shuruudaha shaqada: Faham qodobada ugu muhiimsan ee ku jira heshiiska shaqada sida mushaharka, fasaxyada iyo waqtiyada shaqada. Hubso in shuruuddaha ay waafaqsan yihiin doonistaada iyo baahidaada shaqo.
2. Fursaddaha horumarinta: Qiimee haddii shaqadan ay ku siinayso fursado mustaqbal oo horumar xirfadeed, korriin shakhsi ah, iyo kobaca waayo-aragnimadaada.
3. Mushahar iyo gunnada: Isbarbardhig mushaharka iyo gunnooyinka laga yaabo inaad ku heli karto shaqada cusub marka loo eego booskaaga hadda iyo weliba heerka suuqa.
4. Kalsoonida shaqada: Hubso in shirkadda aad ka shaqaynayso ay leedahay kalsooni iyo degenaan dhaqaale si aad u yeelato dareen aamin ah mustaqbalka shaqadaada.
5. Deegaanka shaqada: Qiimee sida ay tahay xaaladda shaqo ee shirkadda, hannaanka shaqada, iyo xidhiidhka shaqaalaha kale. Nidaamka shaqada, kala danbaynta, ixtiraamka, qiimeynta iyo isla-xisaabtanka ka dhex jira goobta shaqada.
6. Sida ay ula jaanqaadayso qorshahaaga mustaqbalka: Hubi in booskan uu ku habboon yahay qorshahaaga xirfaddeed iyo noloshaada gaarka ah, sida habaynta nolosha shaqo iyo tan qoyska. Miisaamidda shaqada iyo nolosha oo runtii muhiimad caafimaad oo weyn leh mid nafsadeed, maskaxeed iyo jidheedba.
7. Jaangoynta dhaqanka shirkadda: Waa muhiim inaad barato dhaqanka shirkadda iyo siyaabaha ay u shaqeeyaan. Ka fikir haddii ay ku habboon tahay shakhsiyaddaada iyo sida aad ugu shaqayn karto goob aad niyad ahaan ku degantahay.
8. Faa’idooyinka caafimaad iyo caymiska: Hubso in shirkadda ay bixiso caymis caafimaad iyo faa’idooyin kale oo muhiim ah sida fasaxa caafimaad iyo fasaxa sanadlaha ah.
9. Deganaanshaha iyo mustaqbalka shirkadda: Baro xaaladda dhaqaale ee shirkadda iyo haddii ay leeyihiin mustaqbal wanaagsan oo ay ku sii jiri karto tartanka suuqa, gaar ahaan haddii ay tahay shirkad cusub ama ku cusub suuqaaga.
10. Xirfaddaha waxbarasho iyo tababar: Hubi haddii shirkadda ay bixiso fursado waxbarasho, tababarro, iyo horumar xirfadeed oo kaa caawin kara inaad sii kordhiso aqoontaada iyo xirfaddahaaga mustaqbalka.
11. Saameynta qoyska iyo nolosha shakhsiyeed: Shaqada cusub waa in aysan si xun u saameynin qoyskaaga ama noloshaada shakhsiyeed. Qiimee wakhtiga safarka, meesha shaqada, iyo sida ay noloshaada u saameyn karto, gaar ahaan haddii aad u baahan tahay inaad guurto.
12. Dhaqaalaha iyo shuruuddaha canshuurta: Isku day inaad fahanto saameynta cashuurta iyo waxa ay kaaga dhigan tahay noloshaada dhaqaale. Qaab dhismeedka lacag bixinta, cashuuraha lagu qaadi karo, iyo kharashyada kale ee nolosha waa in laga fiirsado. Cashuurta shaqaalaha ma waxa bixinaya goobta shaqo mise mushaharkaaga ayaa laga jarayaa inaad ogaataa waa mid aad iyo aad u muhiim ah.
13. Xasiloonnida booska shaqada: Hubso in booska shaqada uu leeyahay xasillooni iyo in la aamini karo mustaqbalka dhow iyo kan fog, gaar ahaan haddii ay jiraan isbeddelo dhaqaale ama dib-u-habeyn shirkadeed.
14. Saamaynta sumcadda shirkadda: Baro sumcadda goobta shaqada iyo sida ay bulshada iyo tartamayaasha ugu arkaan. Shirkad ama hay’ad leh sumcad wanaagsan waxay ku siin kartaa fursado dheeraad ah oo xirfadeed iyo shabakad ballaadhan.
Qodobadan xasuusnow:
1. Inaad aqbasho dalabkaa shaqada, haddana aad bil kaddib ka cararto waxay dhaawacaysaa sumcaddaada.
2. Ka fiirso intaanad falin oo hubi arrimaha ku xidhan shaqada aad aqbalayso.
3. Eeg culaysyada ay leedahay iyo inaad u dulqaadan karto.
4. Eeg dalabkooda mushahar, ka aad rajeynaysay haddii aanu ahayn kala gorgortan. Haddii ay shuruudaha buuxin waayaanna waad diidi kartaa dalabka inta aanad shaqada bilaabin.
5. Kala hadal korodhsiimaha mushaharka iyo muddada aad ku helayso.
6. Latashi la samee cid kaa khibrad badan.
7. Ilaahay talo saaro oo go’aanka qaado ugu danbayn
Marka aad go'aansato inaad aqbasho, iska hubi inaad si rasmi ah ugu jawaabto shirkadda ama hay’adda oo aad u raacdo tilmaamaha la siiyay, tusaale ahaan, warqad aqbalaad oo qoran ama email.
Guuleyso!
Xuquuqda Qoraalku, waxa ay u dhowrsantahay #Somalijobs INC.
Lama ogola idan la'aan (Ogolaansho la’aan) in la qaato. Wixii codsi ah fadlan la xidhiidh [email protected]
Tixgelin.
--------------------------------------------------
Lasoo deg APPka Somalijobs (Download Somalijobs APP)
Android/Samsung: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.tiriig.somalijobs
(IOS/Iphones): https://apps.apple.com/gb/app/somali-jobs/id6443817164