Xirfaddaha Xalinta Dhibaatooyinka Ama Khilaafaadka
Jan 08, 2022 by

Marka ay ka hadlayaan shaqo-bixiyayaashu xirfadda xalinta khilaafaadka waxa ay had iyo jeer tixraacaan awooda wax looga qabanayo xaaladaha lama filaanka ah ee goobta shaqada ka dhici kara iyo caqabadaha adage ee soo waajihi kara shaqada.
Looshaqeeyayaashu waxay leeyihiin lateliyayaal leh xirfada xalinta khilaafaadka kuwaas oo noqon kara shaqaale ka shaqeeyan shirkadda ama hay’adda oo soo bandhigi kara caqabdaha soo waajaha goobta shaqo. Inkasta oo xirfadaha xallinta dhibaatooyinka ay qiimeeyaan looshaqeeyayaashu, hadana waxay sidoo kale waxtar ugu leeyihiin qaybaha kale ee nolosha sida dhisidda xiriirka iyo go’aan qaadashada maalinlaha ah.
MAXAY YIHIIN XIRFADAHA XALINTA DHIBAATOOYINKU AMA KHILAAFAADKA
Xirfadda xalinta khilaafaadka ayaa kaa caawinaya in aad go’aan sato halka ay dhibaatadu ka timi iyo in aad hesho xal waara oo wax ku ool ah. Inkasta oo mushkilad xalintu inta badan loo aqoonsado in ay tahay xirfad gooni ah, waxaa jira xirfado kale oo la xiriira oo gacan ka gaysta awooda xalinta khilaafaadka, xirfadaha qaarkood ee xallinta dhibaatooyinka ama khilaafaadka waxa kamid ah:
1. Dhagaysi Wanaagan (Active listening)
2. Falanqaynta (Analysis)
3. Cilmi-baaris (Research)
4. Firfircooni (Creativity)
5. Isgaarsiin (Communication)
6. Ku tiirsanaan (Dependability)
7. Go’aan qaadasho (Decision Making)
8. Dhisid kooox wada shaqaysa (Team building)
Xirfadaha xalinta dhibaatooyinka ama khilaafaadka ayaa muhiim u ah xirfad kasta oo heer kasta leh, natiijo ahaan xalinta dhibaatada wax ku oolka ah waxay u baahan tahay barasho iyo ku fiicnaanta xirfadaha aan halka sare kusoo sheegnay, Tusaale ahaan kalkaalisada caafimaadku waxay ubaahan tahay xirfadaha isgaarsiinta iyo dhagaysi fiican marka ay la macaamilayso bukaanada sidaa darteed waxay u baahan taxay aqoon wax ku ool ah laxidhiidha xirfadaha xalinta maadaama oo aanu bukaanku kujirin xaalad deganaanshiyo ah.
TUSAALOOYINKA XALINTA DHIBAATOOYINKA AMA KHILAAFAADKA
Si loo xaliyo dhibaato ama khilaaf si wax ku ool ah waxay u baahan tahay in aad adeegsato xirfadaha xalinta ee kala duwan, waa kuwan tusaalooyin yar oo xirfado ah oo aad u adeegsan karto marka aad xalinayso mushkilado.
1. CILMI BAARISTA (RESEARCH)
Cilmi baaristu waa xirfad lama huraan ah oo la xiriirta/xidhiidhta xalinta khilaafaadka ama dhibaatooyinka. Adiga oo ah mushkilad xaliye waxaad u baahan tahay in aad awood u leedahay in aad cadayso waxa sababay arrinta aad xalinayso adiga oo si buuxda u fahmaya waxaad bilaabi kartaa in aad soo ururiso macluumaad dheeri ah ku saabsan dhibaatada adiga oo la wadaaagaya kooxda kale ee kula xalinaysa mushkilada hadba halka arrinta ay marayso, lana tashan kara dadka aqoon dheer u leh baadhitaanka, cilmibaridhsta iyo waliba dadka aqoonta durugsan u leh xalinteeda.
2. FALANQAYNTA (ANALYSIS)
Talaabada ugu horeysa ee ay tahay in lagu xalinayo dhibaato kasta waa falanqaynta. Gorfaynta ayaa kaa caawin karta in aad fahamto dhibaatooyinka isla markaana aad ka fikiri karto xalka. Waxaad sidoo kale ubaahan doontaa xirfado kale oo gorfayn ah inta lagu gudo jiro cilmibaarista si ay kaaga caawiso kala soocida dhibaatooyin isku dhafan, xalalkooda wax ku oolka ah iyo xalalka aan waxtarka lahayn.
3. GO’AAN QAADASHADA (DECISION MAKING)
Ugu danbaynta waxa aad u baahnaan doontaa in aad go’aan ka gaarto sida aad u xallisay dhibaatadii ama khilaafkii soo ifbaxay, waqtiyada qaarkood iyo xirfadaada waxa laga yaabaa in aad awoodid go’aan si dhakhso leh u gaartid, hayeeshee mararka qaar waxay kugu qaadan kartaa waqti dheer oo Samir u baahan in aad xalliso dhibaatada ama khilaafka.
Cilmi barista guulaysata iyo gorfaynta wax ku oolka ah ayaa kaacaawin karta in aad goaan qaadato, waxa kale oo jira waqti loo baahan yahay in aad siiso go’aan qaadashada si aanay u noqon mid degdeg ah oo aan micno badan ku fadhiyin.
4. ISGAARSIINTA (COMMUNICATION)
Marka aad aqoonsatid xalka suurto galka ah, waxa aad ubaahan tahay in aad ogaato habkii aad u gaarsiin lahayd dhibaatada jirta iyo heerka ay marayso cidii ay khusaysay , maadaama xalku mararka qaar noqon karo mid adag oo sababi kara dhibaato kale haddi aanad si farsamaysan ugu gudbinin.
Waaxa aad sidoo kale ubaahnaan doontaa in aad ogaato marinnada isgaarsiineed ee la odhan karo waa kuwa ugu haboon marka la gaarsiinayo xalka cidii ay khusaysay, marka ugu horeysa ee aad xal hesho maaha in aad ku guulaysatay mana aha in aad markiiba samayso isgarsiin laakiinse in aad si cad ugu gudbiso waxay kaa caawinaysaa yaraynta mushkilad kale oo xalku sii horseedi lahaa.
5. KUTIIRSANAANTA (DEPENDABILITY)
Ku tiirsanaantu waa shay aad u muhiim ah waana mid ka mid ah xirfaddaha xalinta dhibaatooyinka ama khilaafaadka,
Loo shaqeeyayaasha badankoodu waxay xooga saaraan xirfad layaasha ku tiirsan koox ama laga heli karo goob loogu soo hagaago sidaa awgeed waxa wanaagsan in xirfadluhu kutiirsanaado urur loogu soo hagaagi karo.
SIDEE LOO HORUMARIYAA XIRFADAHAAGA XALINTA DHIBAATOOYINKA
Waxaa jira habab badan oo loo horumariyo xirfadda xalinta dhibaatooyinka ama khilaafaadka. Haddi aad shaqo raadinayso ama haddii aad tahay shaqaale xirfadan ku shaqeeya, waxa lagama maarmaan ah in aad hesho xirfaddaha sare oo ku saabsan xalinta iyo muhiimadeeda, qodobadan soo socda ayaa kaa caawin doona in aanay kaa dhigaan xirfadle muhiim ah.
HEL AQOON FARSAMO OO DHEERI AH OO KU SAABSAN MAWDUUCAN
Waxay ku xiran tahay xirfaddaada, way fududaan kartaa xirfaddaada xadlinta dhibaatooyinka ama khilaafaadku haddii aad leedahay aqoon farsamo oo shaqaynaysa, sidoo kale waxaaad ku heli kartaa aqoon farsamo oo dheeri ah adoo u maraya waxbarasho dheeri ah, tababar ama akhrin dheeraad ah oo kusaabsan mawduucan.
RAADI FURSADAHA IYO GOOBAHA LAGU XALIYO DHIBAATOOYINKA JIRA
Adiga oo naftaada galiya xeelad cusub waxay ubaahan tahay in aad hesho xirfad aad u yeelato xaalada cusub, xaaladani waxay u baahan tahay in aad hesho ama lakulanto fursado lagu xaliyo dhibaatada, waxaad heli kartaa fursado aad ugu tabarucdo dad u baahan xalinta dhibaato soo foodsaartay, taas oo kuu sahlaysa in aad ka hesho fursad aad ku xaliso dhibaato ama khilaaf adigana kuu horseeda aqoon iyo xirfad.
JOOGTAYNTA XALINTA DHIBAATOOYINKA AMA KHILAAFKAADKA
Ku celcelintu waxay door muhiim ah ka qaadataa helitaanka xirfada xalinta khilaafaadka, markasta oo aad ku jirto waxbarasho waxa aad u baahan tahay in aad samayso ku celcelin si aad ula qabsato una noqoto qof khibrad uleh waxa aad baranaysid.
Waxaad ka heli kartaa xirfaddan buugaag ay ku qoran yihiin dhibaatooyin laxaliyay, iyo waliba waxa kale oo aad ka heli kartaa shirar ama tababaro loo qabtay xirfadlayaasha kushaqaysta xirfadan. Ku tababar naftaada sidii aad u xalin lahayd dhibaatooyinkaas oo aad u go’aamin lahayd haddii aad xal wax ku ool ah hesho.
INDHO INDHEE HABKA DADKA KALE DHIBAATOOYINKA U XALIYAAN
Waxa laga yaabaa in aad leedahay xirfad asxaab xirfad u leh xalinta dhibaatooyinka ufiirso sida ay waxa u xaliyaan kana daba qaado talaabooyinka ay qabanayaan intii ay hawsha wadeen, fiirsashada sida ay u xaliyeen asxaabtaadu dhibaato jirtey ayaa kaa caawin karta in aad ka hesho xirfad dheeri ah taas oo horumarin karta xirfadaada xallineed, haddii ay suurto galtahay waydii asxaabtaada sida aad u xalin karto iyo talaabooyinka aad u baahan tahay in aad qaado. Waydiinta su’aalo ku habboon dersigani waxay kaa caawinaysaa in aad hesho khibrad dheeraad ah.
SIDA LOOGU MUUJIYO XIRFADAHA XALINTA DHIBAATOOYINKA CODSIGA SHAQO
Ku soo bandhig xirfadahaaga xalinta dhibaatooyinka codsigaaga shaqo iyo warqada sare ee codsiga (Cover Letter) taas ayaa kaa caawin karta in looshaqeeyuhu uu si dhakhso leh u arko una fahmo sida aad qiimo ugu yeelan karto booskiisa shaqo.
Waxa aad ka fiirsan kartaa oo kaliya in aad kusoo bandhigto xirfadahaaga xalinta dhibaatooyinka ee kusaabsan codsigaaga shaqo haddii ay si gaar ah ugu haboon yihiin booska aad codsanayso. Waxa sidoo kale kuu banana in aad kusoo bandhigto xirfadan qaybta codsiga shaqo ee lagu qoro xirfadaha aad u leedahay shaqada aad u tartamayso. Haddiise ay jiraan xirfado gaar kuu ah oo ku saabsan xalinta khilaafadka waxa aad mudnaanta siin kartaa midba midka ay kamuhiimsan tahay xirfaddahaagu.
SIDA LOOGU MUUJIYO XIRFADAHA XALINTA DHIBAATOOYINKA WARQADA CODSIGA
Warqada codsiga ahi sidoo kale waa fursad aad u fiican oo aad ku faahfaahin karto xirfadahaaga xalinta dhibaatooyinka, halkan waxa aad ku bixin kartaa tusaalooyin ku saabsan dhibaatooyin iyo khilaafyo aad xalisay iyo sida aad ugu guulaysatay dhamaan dhibaatooyinka aad hore usoo xalisay. Waxa suurto gal ah in aad sharaxaad dheeraad ah ka bixiso taas oo soo jiidan karta looshaqeeyaha iyo in uu fahmo u jeedada aad u socoto iyo in aad tahay khabiir ama xirfadle xalinkara dhibaatooyinka haysta.